SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA

wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/






Saturday, November 11, 2017

Xikmad Aad U Wayn oo Su’aal Xambaarsan !!

0 comments
Sheikh Ibne Sammak ( naxatiistii janno alle ha siiyo) ayaa mar booqday nin boqor ahaa, Markii uu la kulmay boqorkii waa uu salaamay, isla xilligaana ninkii boqorka ahaa waxa uu gacanta ku haystay koob biya ah .
Intaa kadib ninkii boqorka ahaa waxa uu ku yidhi sheekhii .

” Sheekhow bal waxa aad i siisaa talo ”
Kadibna Sheekhii waxa uu ku yiri boqorkii .
” Ka soo qaad koobkan biyaha ah ee aad gacanta ku hayso isaga oo kaliya hadii uu kuu goyn lahaa boqortooyadaada dhammaanteed iyo waxa aad hanti leedahay kadibna waxa kaliya ee aad haysato waa in aad kala doorataa ,
– In aad harraad u geeriyooto oo aad koobka biyaha ku baddelato boqortooyo,
– Amaba in aad boqortooyadaada iska bixiso si aad naftaada ubad-baadiso, Hadaba labbadaan xaaladood keebaad adigu doorbidi lahayd (dooran lahayd) ?
Ninkii boqorka ahaa waxa uu ku jawaabay .
” Dabcan Koobka biyaha ayaan ka doorbidi lahaa boqortooyadayda dhammaanteed ”
Kadib Sheekhi waxa ku yidhi boqorkii .
” Hadaba , anigu waxa aan fahmi la’ ahay maxuu qofku wakhtigiisa ugu luminayaa inuu helo farxada yar ee taajirnimada hadiiba hal koob oo biya ah uu ka qiima badan yahay hantidiisa oo dhan ??? ”
DHAMMAAD:
Muhiimada Qisadu waxa ay tahay .
Qofka bani’aadamka ah waa in uusan noolashiisa oo dhan ku lumin adduun tacbasho , waayo qofka dunida ugu hanti badan hadii la isku barbar dhigo hantidiisa iyo caafimaadkiisa waxa uu doorbidayaa caafimaadkisa, waxa uu doorbidayaa si’ uu unoolaado inuu ku bixiyo hantidii uu noolashiisa oo dhan uu tabcayay balse waxaa muhiim ah in aan ogaano caafimaadku in aan lagu iibsan karin maal adduun balse waa wax uu bixiyo Allah (sw ), sidaa awgeed waa in aan xasuusanaa Allah (sw ) xiliga aan caafimaad qabno si uu noogu naxariisto marki aan xanuunsano,
Waxaa xaqiiq ah Hadii aad Allah (sw ) xasuusato xilliga aad faraxsan tahay inuu alle ku xasuusan doono kuuna caawin doono xilliga aad murugsan tahay Insha Allah.
Teeda kale waa in aan ogaanaa adduun anaga ayaa noola sameeyay si’ aan ugu shaqaysano wixii aan heli lahayn Maalinta aakhiro, hadaba adduun ka dhigo meel aad aakhiro wanaag ugu shaqaysato balse yuusan adiga kugu shaqaysan oo ha ka tagin cibaadadii alle (sw ) waayo noolasha adduun dhal-dhalaalkeedu waa mid ku meel gaar ah, waxaana muhiim ah wakhtigaaga qaaliga ah hadiiba uu kaa baxayo in aad ku bixiso wixii uu allah (sw ) ku faray kana harto intii uu kaa reebay oo ay kamid tahay adduunyo jacayl.
Ugu dambayntii waxaan Allah (sw ) waydiisanaynaa inuu naga dhigo ummad adduunka korkiisa ku shaqaysta camal wanaagsan oo Maalinta aakhirana Abaal gudkoodu uu noqdo Janno Insha Allah. Aamiin
Intii aan saxay Allah (sw ) ayaa i waafajiyay intii aan khaldayse Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .
Xigasho:daryeelmagazine
Via: Dhalinta Maanta
in Badan si aqri...

Qaabka cusub ee WhatsAppka wuxuu u oggol yahay dadka isticmaala inay tirtiraan fariimaha diray

0 comments



New WhatsApp feature allows users to delete sent messages 



WhatsApp has rolled out a new feature that allows users to delete text messages sent out erroneously to the wrong recipient or chat group.
“Deleting messages for everyone allows you to delete specific messages you have sent to either a group or an individual chat. This is particularly useful if you sent a message to the wrong chat or if the message you sent contains a mistake” read a note from the messaging provider.
                                                     Free Download WhatsApp
Here’s how you go about it:
Open WhatsApp and go to the chat containing the message you wish to delete.
Tap and hold the message. Optionally, tap more messages to delete multiple messages at once.
Tap Delete at the top of the screen > Delete for everyone.
But there is a catch though, WhatsApp notes that in order for this to work, both the sender and the recipient must be using the latest version of WhatsApp for Android, iPhone or Windows Phone.
The service provider also noted that a sender can only delete messages for everyone within seven minutes of sending. Once seven minutes have lapsed, there is no way to delete messages “for everyone”.
This feature will certainly be welcomed by many considering the increasing cases of ‘Bro Ocholla’ moments.
WhatsApp has more than one billion active monthly users worldwide.
in Badan si aqri...

Wednesday, September 27, 2017

wax ka Baro Caafimaadka Kilyahaaga?

0 comments




Kilyaha caafimaadka qabaa waxay muhiim u yihiin sida wadnaha caafimaadka qaboo kale. Kilyuhu waxay jidhka ka shaandheeyaan waxyaabaha qashinka ah iyo biyaha saa’idka ah sidoo kalena waxay jidhkaaga kasoo saaraan suntan khatarta ah iyagoo uso saaraya kaadi ahaan.

Dhibaatooyinka kilyahaaga soo gaadhaa waxay sababi karaan kaadida oo kugu adkaata, indhaha hareerahooda oo ku barara iyo cagaha iyo gacmaha oo ku barara. Qofka ay dhibaato kilyaha ka haysataa sidoo kale wuxuu khatar ugu jiraa inuu wadne xanuun la soo darso.

 Hadaba Halkani waxaan idiinku so kud bineena Muuqaalkan waxaan kuugu sheegi doonaa 7 cunto oo si dabiiciya u kordhinaya islamarkaana u ilaalinaya caafimaadka kalyahaaga.

in Badan si aqri...

5 Talooyin kooban oo kuu Iftiiminaya guusha Nolosha

0 comments





  1. U fakir si fog
    U hadal si degan
    U soco si tartiib ah
    U jeclow si badan
    U dhoolacadee si joogta ah
    U shaqee si adag
    U bixi si qarsoon
    U naxariiso si guud
    U niyeyso Alle dartiis
2. Noqo qof Aadaab leh goortii aad Madax tahay
Noqo qof aamusan goortii aad careysan tahay
Ahow qof daacad ah goortii aad sabool tahay
Ahow qof si fudud u nool goortii aad dhaqaale badan heysato
3. Ha u ooyin shalay, waa la soo dhaafay,
Ha ka welwelin mustaqbalka, lama gaarin weli
U noolow maanta, kana dhigo mid qurxoon
4. Qofka ku Caawiya, ha Hilmaamin
Qofka ku Jecel, ha Nicin,
Qofka ku Aaminay, ha Qiyaamin
5. Noqo mid u naxariista dadka xitaa hadii aysan iyaga kuu naxariisan,
Noqo mid u fidiya Jaceyl & walaalnimo xitaa hadii ay caay iyo cadownimo camal u tahay,
Noqo mid dadka caawiya xitaa hadii uusan jirin cid adiga ku caawisa,
Ha u bedelin naftaada, dabeecadaada iyo dhaqankaaga dad kale dartood,
Xusuusnow hal wax; ma aha wax ka dhaxeeya adiga iyo dad kale,
Waxa ay had iyo jeer u dhaxeysaa Adiga iyo Alle. u samee wax kasta Alle dartiis
Q/W: Mohamed nour 
in Badan si aqri...

Aan Ku Xasuusiyo

0 comments


Soo dhawow. Aan isu kaa sheego. Waad I ilowsantahay.  Waxaan ahay Geeri.  Haa Geeri. Waad iga naxday soomaha?. Waa caadi dadkuba dhamaantood waa sidaa. Adiguna iyagaad ka mid tahay. Cabsi ayay dareemaan markay I maqlaan. Argagax iyo baqdin ayaa ku dhacda markaan la kulmo qof iyaga ka mida. farxadda iyo qosolka ayaan ka qaadaa aayar. Nolol iyo raaxo ay ku naalooyeen ayaan ka siiba. Badhaadhe iyo barwaaqo ay ku jireen ayaan murugo ugu beddelaa. Wehelkii uu lahaa ayaan weydaariyaa.  Dad jeclaa ayaan aayar ka dhex qaaddaa. Daaro u lahaa ayaan ka saaraa. Damac uu lahaa ayaan joojiyaa. Duunyo uu dhaqayaan ka kaxeeyaa. Ciroole iyo caruur kuu doono ha ahaado. Caamo iyo cullimo iyana ma daayo. Madax iyo mijo waa isku kay mid. Fariid iyo doqona sidoo kale. Faqiir iyo taajir iyana ma dhaafo. Mid la jecelyahay iyo mid la necbyahayba way huranyihiin inaan la kulmo.

Nolasha aduunyadu qabyo kama dhamaato.waa sagaalo ma tobbanowdo. Isagoo qofku dhamaystirkeeda ku foogan ayaan ka qaaddaa. Qorshe uu lahaabaan qabyo ka dhigaa. Hawl u laahaa qabaan ka haleeyaa.  Hiigsi iyo han uu lahaabaan ayaar ka horjoogsadaa. Dunidii uu ku noolaa ayaan halkaas hogaanka ugu jaraa. Hoygii aakhira ayaan u raraa. Markaasaan gurigiisii god cidla ah ka dhigaa. Wehel iyo cid uu wiirsadaana aanay jirin. Halkaasuu magaciisii ku hadhaa. Maalmana waa la ilaabaa.

Kala war li’inaa. Waa hubaal inaan ku helayo. Bal u fiirso maalintii intaan ruux dunnidka ka kaxeeyo. Badanaa oo badanaa. Intaad taqaanay ee aan nafta ka siibay ayaaban yarayn. Hebelkii aad shalay wada fadhideen meheradii shaaha, ee idiin sheekanayay ayaa xataa ku jira. Wadnaha ayuunbaa istaagay isagoo socda. Haduu  shalay ogaan lahaa inuu beri dhimanayo, sheeko iyo shaah midna muu haleeleen.  Aakhiruu u shaqaysan lahaa. Islaantii aad xanuunkeeda yara maqashay ee aad jaarka ahaydeen  iyana waa tii shalay dhimitay. In muddo ah ayay xanuusanaysay. Iyadaaba xanuunkii dembiga lagaga yareeyey. Allaa uga raaxeeyey.  Kii yaraa eed subaxa arki jirtay  isagoo malcaamadda ku sii socda,duhurkiina masaajidka, saaka waakii gaadhi lalayaa ku dul boodey.dhulkaba nafta ulama dhicin. Alla wax carruuraba kaasay hooyadii dhashay ayaad ku hadaaqday. Ajashiisa dhamaatay. Eebbena wuu naxariista se ma naxo. Nafta yari meelba ma jirto illeen. Geerina meeshaad joogtaba, waa tii ku hesha.

Adigaa hadhay.Adigu miyaanad dhimanayn. Xageed isu ilowday.  Hay fogeynin. Maalin ayuunbaan karkeerka ku weydaarin adigana. Maalin uunbaa adna xagaa iyo xabaasha laguu sii wadi. Iilka yar ee aad aragtay inaanu iftiin iyo wehel toona lahayn, ayaa lagugu ridi.  Maalinbaa la odhan  hebel/heblaayo waa Meyd. Maalin ayaad adigoo maro  yar oo cad lagugu duuduubay dunnida ka caraabi. Toloow maalintaasi waa goorma?. Hadaad ogaan lahayd maalintaa, Soon iyo salaad badan ayaad suubin lahayd. Sadaqadana xaga horraad ka bixin lahayd. Dadkaad waad sii wada  saamixi lahayd. Se wallay ka tahay!. Ma ogid. Hadaad ogaan lahaydna  warwar iyo walaac ayaa ku dili lahaaba anoon ku soo gaadhin, sidaad maalmaha u tirinayso.

Nolashu yaanay I kaa halmaansiinin. Markaste I xasuusnow. Markaste Allahaa ku xidhnow. Allihii ku abuuray aniga iyo adigaba.  Cibaado suuban iyo camal saalixa la kaalay. Afka iyo adinkaaga ka adkow. Indhahaaga iyo dhegahaagu wanaag mooye, yaanay xumaan falin. Wanaaga iyo wacdiga dadka far.  Sidaasaad ku nabad galeysaa hadhow. Sidaasaad ku helaysaa raali ahaanshaha Rabbi. Sidaasaad rafiiq kula noqonaysaa Rasuulkii Alle NNKH iyo intii raacday.

ALLE SIDA SAN HAYNA WAAFAJIYO.


xigasho:daryeelmagazine.com
in Badan si aqri...

Monday, April 10, 2017

Akhriso: Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

0 comments
Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”.

Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo.
Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.

Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.

Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa.

Hawlaha lagaaga baahan yahay waxaa ka mida wax-akhris, qoraal, hawl-wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed,iwm. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu caddaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaantana siiso kuwa waxbadan ku soo kordhinaya hadafkaaga.

Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay haddaad qabato waad ku liibaanaysaa, is waydii waxaad u baahan ee khayraad ah sida buugta, internet-ka, lacag, qalab, saaxiibadaada aad isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta.

“Qorshaha wanaagsan ayuunbay nolosha wanaagsani ka bilaabantaa”.

2.      Akhri, faham oo dadaal dheeraada bixi duruustaada

Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa guro.

Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka oo si kooban loo sharxay:

Eegmo korxaadisa (survey). Si korxaadis ah baad u indho indhaynaysaa cinwaanada, qoraalada jaantusyada iyo maababka, hordhaca, gabagabada iyo haddii uu cutubku leeyahay soo koobid.
Su’aal (question). Cinwaanka, iyo cinwaan hoosaadyadaba waxaad u rogaysaa su’aalo. Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naftaada waydii su’aalahan: “muxuu macalinku cutubkan iga waydiin karaa?, maxaan hore uga aqaanay cutubkan? IWM”.
Akhri (read). Hadduunbaad bilaabaysaa akhriskii dhabta ahaa. Inta aad akhrinayso, aad u dhugo in aad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha iyo qoraalada ku hoosyaal sawirada, jaantusyada, IWM. Waxaad il-gaara ku eegtaa meelaha xariiqda la hoosdhigay, farta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay (bold). Meelaha aan kuu cadayn ama mad madaw kaa galana xawaaraha akhriska hoos u dhig kuna noqnoqo haddii aad mar kaliya ku fahmi waydo.
Dib u dhihid (recite). Su’aalo hadal ahaana iska waydii wixii aad imika akhriday, ama soo koob adiga oo isticmaalaya ereyo adigu aad leedahay. Calaamadi meelaha muhiimka ah, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad ereyadaada dib ugu cabirto. Inaad dib u odhan ama u xasuusan karto wixii aad akhriday waxaa kaa saacidaya haddii aad isticmaasho dareemayaal dhowra sida: araga, dhihida, maqalka IWM.
Dib u eegis ama naqtiin (review). Wixii aad akhriday ee aad dib-u-dhihida ku samaysa baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto. Caadiyan talaabadan ugu dambaysaa waa mid joogto ah oo lagaa rabo inaad samayso marar kala duwan si aad u weelayso, u fahamto una jilciso wixii aad akhriday.
Waan akhriyay halna ka garan maayo maaha laba is qabta. Haddii hanaankani uu kaa caawin waayo akhris wax-ku-oola, waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay. Hadda haw malayn in aad maalin qudha ku helaysid midhaha dariiqan iyo mid kale toona. Waxay u baahan yihiin samir, ku celcelin, iyo jilcin.

         3.   Fasalka u soo xaadir si joogta ah

Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh.

         4.  Ka shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor.

Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun. Qaybta ugu muhiim sani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxaa kaw ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylis yada iyo hawl-aqooneedka laguu soo diro. Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aad hore u dirto layliska, ama hawlaha laguu diro si aad u hesho aragtida macalinka ama cidda kuu dirtay. Haddiiba aad wax seegto waxaa la arkaa in fursad laguu siiyo aad ku hagaajiso adiga oon ka dib dhicin wakhtigii laysla qaatay.

         5.  Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.

Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan.

Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa“cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”. Taas  oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.

       6.  Wakhtigaaga maamul.

Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.

Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:

Samayso hadafyo aad rabto inaad gaadho, una hormee sida ay u kala mudan yihiin.Si aad wakhtigaaga u maamusho waa inaad ka bilawdaa horta maxaan doonayaa inaan gaadho, sideen u gaadhayaa, maxaan qabanayaa si aan u gaadho iyo su’aalo la mida. Inta aad taxdo dhamaan hawlaha aad gabanayso, u kala hormari sida ay u kala mudan yihiin.
Faaqid oo qiimee sida aad wakhtiga u isticmaasho imika.Iswaydii sida aad wakhtiga u isticmaasho imika iyo waxa aad qabato saacada maalintii iyo habeenkii. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato halka wakhtigaagu ka dayacmo iyo waxa kaa dayaca wakhtigaba. Waxaanay kuu sahlaysaa inaad qorshe wanaagsan u samayso isticmaalka wakhtigaaga.
Qorshee wakhtigaaga, samayso jadwal, isla markaana maamul wakhtigaaga si wax ku oola. Hawlaha aad qabanayso markaad taxdo, waxaad u baahan tahay inaad waafajiso wakhtiga aad mid walba qabanayso adiga oo iska-hor-iyo-daba keenahayn. Jadwal fudud iska samayso oo xidhiidhinaya hawsha iyo wakhtiga. Kaasi wuxuu kaa caawin doonaa inaad sahal u aragto, una fuliso hadba hawsha kuu taala. Ta ugu muhim sani waa “inaad naftaada ku ilaaliso kuna kantaroosho jadwalkaas”. Hadaba, jadwal kasta ma waxtarbuu leeyahay? Maya. Jadwalku waa inuu noqdaa mid ku caawinaya, oo isu dheeli tiraya noloshaada. Haddii aad hawl ka buuxiso uun wakhtigaaga waxaa xaqiiqo ah in aad daalayso. Sidaa daraadeed hubi in jadwalkaaga ay ku jiraan wakhti raaxo iyo wakhti madhan oo aad ugu talo gasho hawlaha soo darsa.
Mar walba dib-u-eegis ku samee, qiimee,isla markaana hore-umari hanaanka aad u maamusho wakhtiga. Marwalba dib qiimee, sida aad wakhtiga u maamusho. Hababka aan shaqaynayn badal, kuwa lagu reeyayna xooji, kuwo cusub oo waxtar lehna soo kordhi.
Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtiga lumiya ama dayaca oo uugu wayn yahay “dib-u-dhigistu”. Arin walba waxaa fiican inaad qabato wakhtigeeda. Haddii aad dib u dhigto, wuxuu kordhiyaa uun culayska ku saarmaya beri. Carabtaa ku maahmaahda “hawl maanta aad qaban karto dib ha ugu dhigin berito”.

Waxyaalaha dhalinta wakhtiga ka lumiya imika waxaa ugu badan dhowr shay: daawashada kubada iyo filimada/musalsalada, fadhiisiga maqaaxiyaha, sheekada tilifoonka, iyo la jooga saaxiibada. Waxaasoo dhan waxaa aabo u ah “han yaraan iyo hadaf la’aan”.

Waxaa muhiima inaad maalintaada la noolaato oo aanad isku mashquulin wixii tagay. Waa inaanaf khaldin maanta wixii shalay kaa qaloocday, berina waa inaad ku talogashaa inaad qabato wax ka fiican wixii maanta.

Gabagabo

Ugu dambayntii, ardayga wanaagsani waa ka qorshaysta noloshiisa, hadaf samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustiisa ku dadaala, wax badan akhriya, aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla markaana wakhtigiisa ka fii’aadaysta.

Xigasho:

http://www.ehow.com/how_2039704_be-good-student.html
http://courseware.ee.calpoly.edu/~jbreiten/htbas.html
http://www.lhup.edu/~dsimanek/goodstud.htm
http://www.studygs.net/texred2.htm
Harvard -Time Management (training materials in PSI University online resources)

Q/W: Kabtan Daljiir
in Badan si aqri...

Meere astaamo dhulka la mid ah leh oo la ogaaday

0 comments

Saynisyahanno ayaa sheegay in ay markii ugu horreysay ogaadeen jawi (atmosphere) la mid ah kan koonkan aan ku nool nahay oo ku xeeran meere dhulka la mid ah.
Waxay daraasad ku sameeyeen duni kale oo loo yaqaanno GJ 1132b, taasoo 1.4 goor ka weyn dhulka, noona jirta fogaan ah 39 sannad-iftiin.
Sannad-iftiin (light year) ayaa ah halbeeg lagu qiyaaso masaafada uu sannadkii iftiinku jari karo marka uu dhex socdo meel maran, wuxuuna halkii sannad-iftiin la mid yahay 9.5 trilyan oo KM.
Daraasadooda ayey ku ogaadeen in meerahaas uu ku gadaaman yahay dahaar ka samaysan gaasas noqon kara inay yihiin uumi ama maaddada Methane, ama labadaba, waxaana lagu soo bandhigay majalladda the Astronomical Journal.
Talaabadan ayaa loo arkaa horumar laga sameeyey baadigoobka loogu jiro in la helo noole ku nool meelo ka baxsan koonkan, iyo in wax laga ogaan karo jawiga meerayaasha, waxaase la sheegayaa in meerahaas uusan noqon karin meel nololi ka jiri karto, maadaama heerkulkiisa uu yahay 370 C.

in Badan si aqri...

Maxaad ka Fahan santahay Madhalaysnimada (Infertility)

0 comments


Hordhac

Haweenaydu inta ay wax dhali kartaa waxay ka bilaabantaa maalinta ay qaan gaadho (puberty) oo ah 11-13 jirka ilaa inta ay ka noqoneyso cisogoys (menopause).
Gabadhu waxay qaan-gaadaa iyadoo haysata 400 oo ugxana (egg), waxaanay inta badan ku dhamaataa mudo 30-35 sano ah waana sababta dumarku marka ay gaadhaan 45-50 sano ay haweenku u noqdaan ciso-goys (menopause).

Waxa la xaqiijiyay oo la isku raacay in dhalmada haweenaydu (uur qaado) ay ugu sarayso inta da,deedu tahay 20 ilaa 30ka sano, xaga raggana la xaqiijiyay in xiliga dhalmadiisa ay ugu jaanis badan tahay inta u dhaxaysa 25-40ka sano.

Maladhalaysnimada waa xaalad caafimaad daro oo aanay gabadhu ilma qaadi karayn ama ugxanta ragga iyo dumarku aanay shaqaynayn. Waa xaalad aan ubad la helayn mudo lagu qiyaasay sanad ilaa laba sano tiiyoo lamaanuhu wada joogo, aanay jirina sababo la yaqaano oo aanay haweenaydu uur ku qaadi Karin sida in ay naas-nuujin samaynaysay ama uu khalkhalay dhiiga caadadu.


Qiyaasta Xanuunka

Waxa lagu qiyaasaa raga qaba dhibaatadan in ay celcelis yihiin 20 ilaa 30 boqolkiiba xaga dumarkuna lagu qiyaaso 20 ilaa 35 boqolkiiba. Marka la isku daro raga iyo haweenkaba inta xanuunka madhalaysnimada (infertility) ka cabata dunida waxa lagu qiyaasaa 25-45 boqolkiiba.

Sababaha Xanuunka Keena

Waxyaalaha sababa wey ku kala duwan yihiin raga iyo dumarku, raga oo kale waxa sababa biyaha (sperm) oo dhintay inkabadan boqolkiiba 50 ama caabuq (infection) ku dhacaya xubnaha taranka ee ninka, xaraarada xiniinta (temperature)  ninka oo aad u sareysa oo inta badan ay sababaan balwadaha sida qaadka oo kale.

Dumarka waxa ugu badani waa ugxanta Dumarka oo aan shaqaynayn ama caabuq ku dhacay xubnaha taranka ee haweenka, waxa kaloo dhici karta in haweenayda ay xidhan yihiin dhuunta mani mareenka ama halka ay ka dhacdo isutaga biyaha labada qof (fallopian tube), waxa kale oo sababi kari in buro ama fiix haweenaydu ku leedahay rimayga (makaanka) ama dheecaanka caanaha sameeya uu bata (prolactin).

Yaa Khatar ugu Jira Madhalaysnimada

Xanuunka madhalaysnimada waxa khatar ugu jira qof kasta oo miisaankiisu sareeyo, balwadaha isticmaala sida qaadka iyo mukhaadaarada kale ee la isticmaalo iyo qof kasta oo leh Xanuunada galmada lagu kala qaado sida xabada iyo waraabawga (syphilis, gonorhhoe).

Baadhitaanada xanuunka

Marka la baadhayo xanuunka madhalaysnimada waxa fudud oo hore loo ogaan karaa waa ta raga ku dhacda, waxaana ugu fudud ee la sameeyaa in la baadho biyaha (sperm) ninka in ay boqolkiiba 50 nool yihiin, in ay leeyihiin madax iyo dabo (Head & Tail) iyo in tirada ku jirta halkii milliliter (ml) ee biyaha ninka (semen) ay gaadhayso 20million, cabirka PH kuna yahay 7.2.

Marka dumarka la baadhayo waxa ugu muhiimsan in laga eego waxyaalaha ku sababi kara xanuunkan sida caabuqa ku dhaca xubnaha taranka, burooyin ka soo baxa haweenayda, dheecamada sida (estrogen, progesterone, prolactin) oo marna bata marna aad u yaraada, iyo ugxanta dumarku soo saaraan oo la eego in ay qaangaadh yihiin iyo inkale.

Talo Caafimaad

In dhakhtar ay la xidhiidhaan labada qof ee wada joogaa Haddii ay ubad isku yeelan waayaan hal ilaa laba sano marka laga soo tiriyo xiligii ay is mehersadeen.
In baadhitaan rasmiya loo sameeyo lamaanaha si loo ogaado halka xanuunkan madhalaysnimadu ka imanayo
In lamaanuhu cuntada ugu badan ee ay qaataan ka dhigaan cuntooyinka sida beedka, biyaha, cuntooyinka cagaaran, iyo kaluunka.
In lamaanuhu ay  iska ilaalinayaa cuntooyinka acid ah sida kofeega (coffee), qaadka iyo khamriga.
In laga daweeyo lamaanahu Haddii ay leeyihiin Xanuunada galmada lagu kala qaado
In dumarka oo kale la siiyo dawooyin kor u soo qaadaya dheecamada jidhku soo deynayo sida estrogen iyo progesteroneka.
Marar badan wax loo baahdaa in dawooyin la siiyo haweenayda sida Clomiphene citrate 50-300mg shan cisho ilaa 14 cisho, Metformin ilaa todobba cisho.
Waxa laga yaabaa in xaalada wax lagaga qaban karo qaliin lagu sameeyo xubnaha taranka ee raga iyo haweenkaba Haddii ay ku fashilmaan waxqabadkooda.
Q/W: Nasro Siman 
in Badan si aqri...

Monday, April 3, 2017

Wax Ka Baro Taariikhda Youtube-ka ?

0 comments


Youtube waa shabakadda ugu wayn adduunka ee lagu wadaago muuqaalada ,xarunteeda u wayn waxay ku taalaa San Bruno, California, Maraykanka.
waxa la aasaasay bishii labaad ee sanadkii 2005,taas oo macnaheedu yahay youtube waxa uu jiraa keliya 11 sano,xataa facebook wuu ka Da’ yaryahay, waxaa aasaasay saddex shaqaale oo hore uga tirsanaa shirkadda paypal oo la kala odhan jirey Steve Chen,Chad Hurley, Jawed Karim .
bishii april isla sanadkii 2005 muuqaalkii ugu horeeyey ayaa youtubeka lasoo geliyey.

Nashqada youtube-ka markii u horreeysey ee la aasaasay
Bishii oktoober 2006 shirkadda wayn ee google ayaa iibsatay youtube ,waxaanay ku iibsatay qiimo dhan 1.65 bilyan dollar,
Juun 2007 youtube waxa laga bilaabay sagaal wadan,waxaana ka mid ahaa Ingiriiska.
bishii diisember 2008 youtube-ka waxa uu bilaabay muuqaalada tayada sare leh ee 720 HD(high Defination).
oktoober 2009 waxa uu gaadhay in 2 bilyan oo qof maalin kasta ka daawadaan muuqaalada , isla 2009 youtube waxa uu bilaabay muuqaaday aad ka u tayada badan ee 1080 HD .
2010 maalin kasta 2 bilyan oo qof ayaa ka daawada youtube-ka muuqaalo , markaas oo youtube-ku bilaabay in muuqaaladu uu dhex geliyo xayaysiiska google -ka ee google adwords ,dadka muuqaalada soo geliyana waxay bilaabeen in ay lacag ku helaan muuqaaladood habka google Adsense.lacagta uu google ku ka helay xayaysiiska youtube 2013 waxay gaadhay 3.7 bilyan dollar.

tani waxay soo jiidatay dad badan waxaanay dhiirigelin u noqotay in muuqaalo badan la soo geliyo youtube-ka ,taas oo kordhisey dadka ku xidhan ee xiiseeya youtube-ka.

2011 dadka daawada muuqaalada youtube maalin kasta waxay gaadheen 3 bilyan.halka 2012 ay gaadheen 4 bilyan.

Haddaba ayno eegno qiimaynta u dambeysey ee laga sameeyey youtube sanadkan 2016
maalin kasta youtube waxa laga daawadaa 600 bilyan muuqaal.
dadka ku xidhan waxay gaadhayaan 1,700,000,000 .
500 saacadood muuqaalo ah ayaa halkii daqiiqo la soo geliyaa
Q/W: Mohamed Nour


in Badan si aqri...

Maxaad ka Taqaan Taariikhda Android-ka?

0 comments

andriod waa magac barnaamijka ay ku shaqeeyaan telefoonada gacantee casriga ah kaas oo ay hada leedahay shirkadda amerikanka ah ee Google. Andriod waxay gaadhay sanadahan ugu danbeeyey meel aad u cajiiba. Marka la soo hadal qaado android waxay markaaba maskaxdaadu soo qabanaysaa wax soo saarka Shirkada Googleka inuu adriodku ka mid yahay.

HAA android waa wax soo saarka google balse waxaad ogaalkaaga ku dartaa inay noqtay sanadkii 2005. Andriod waxaa aasaasay afarta wiil ee magacyadoodu kala yihiin Andy Rubiin, Rich minner, Chris white iyo nick sears sanadkii 2003. Waxayn dhiseen barnaamiijkii ugu horeeyey ee android ah iyaga oo waliba markaas u sameeyey cameradaha digitalka ah ka dibna u wareejiyey in lagu isticmaalo mobileka. Sanadkii 2005 ayaa waxaa iibsaday shirkada google. Laba sano ka dib bishii November 5 2005 waxay shirkada google shaaca ka qaaday inay sameeyeen Android Os.

Noocyadii uu soo maray andriodku

Android 1.5                         CupCake
Android 1.6                         Donut
Android2.0/2.1                     Eclair
Android 2.2                         Froyo
Android 2.3                         Ginegrbread
Android 3.0/3.1/3.2              Honeycomb
Android 4.0 and Later           Icecream Sandwitch
Android 4.1                          Jeally bean
Android 4.4                            Kitkat
Android 5                               Lollipop
Android 6                               Marshallow
 ..............................................

Q/W: Mohamed Nour
in Badan si aqri...

Halkan kala Daag Foxit Advanced PDF

0 comments


Foxit Advanced PDF Editor softwarekani waxaa loo isticmaalaa inaad si fudud ugu habaysan karto waxna kaga badali karto documentayada noocooda loo yaqaan PDF hadaba halkan kala dag softwarekii oo dhamaystiran.

in Badan si aqri...

Astamaha ku diidi kara inaad Guusha Gaadho

0 comments


Ma tahay Qof raba inuu Heer ka gaaro dhinacyada Badan ee Nolosha, hadaba haday jawabtaadu tahay haa waxaan ku sheegaya inaad ka dheeraato Qodobadan aan ku soo wado maxaa yeekay waxay sababi karaan inaad Guusha gaari wayday:-

1:- Cabsidda:-
Ficilka Cabsida waxay lidi ku tahay Geesinimo iyo karti mar walba oo aad Cabsatana waxaa dib i dhigmaya Guusha aad rabtay inaad gaarto kana gaarto Nolosha, Cabsidu waxay cadaw ku tahay Noloshada, sidaa daraadeed waxaa lagaa rabaa inaadan Cabsida iska ilaalisid mar walbana ku dadaal si aad isaga ilaalin lahayd Cabsidaas.
2:- ku kalsonaw Naftaada:-
Kalsonida Nafta waa Guusha aad ku gaari karto Horumar walba oo aad ka donayso inaad ka gaarto Nolosha  Maxaa yeelay Naftaada oo aad ku kalsonataa waxay Fure u tahay Guushaada, lakin hadii aadan Naftaada ku kalsoneen waxaa ku soo wajahay Caqabdo badan kuwaas oo Sababa inaad Guul ka gaari waydo Halka aad Hiigsanayso oo aad is leedhay gaaro.
3:- Ha Quusan:- 
 
Markay dhacdo inaad Hawlo badan aad ku guul daraysato ha quusan hana Raja dhigin Maxaa yeelay rafaad walba waxaa ka dambeya guul, Cunuga marka uu yar yar ee u socod Baradka yahay waxa uu kaca oo uu ku faa Dhawr jeer, balse mudo kadib waxa uu bilaabaa in uu caadi u socdo, adiga ma waxaad ka liidataa cunugaa yar ee Socod baradka.
Mar walba oo aad ka quusato Guushaada waxay sababtaa in aad Horumar ka gaari waydo hawshada, ku dadaal inaadn marna ka quusan wadada aad ku gaari lahayd Guushaada, u wajah caqabada ku soo wajaha si kalsoni ay ku dheehantahay.
4:- Noqo mid ku Xiran Allah:- 
 
Qalbiga ka dhig mid ku xiran mar walba Allah Subxanahu wataca ilaalina Salaad walba xiligeda, Qofku hadu yahay mid mar walba ku xiranAllah waxba kama xumanayaan, kudadaal sidii aad qalbigaaga uga dhigi lahay mid ku xiran Allah.
5:- Dayicidda Waqtigga:- 
Ka Faa,idayso waqtigaaga Xiligga aad Firaaqada leedahay ha ku limin wax maala yacni ah kuwaas oo aan u wanaagsanayn Aduunyadaada iyo Aakhiradaadaba, Maxaa yelay Maalin ayaad ogaan Doontaa waqtigan aad ka fa,idaysan wayday.
Gushu maaha inaad gaarto kaliya meesha rabtay balse waa in gushadu noqotaa mid wax tar u leh Naftada Diintaada Dadkaaga Dalkaaga iyo Naftaadaba, balse yay Guushaadu noqodn mid an wax Faa,ida laahyn.
Inta aad ku guda jirto Wadada aad ku gaarayso Gushaada waxaad la kulmaysa Qabado badan kuwaas oo ka soo horjeeda Guushaada iyo Horumarka aad rabto inaad ka gaarto Nolosha.
Q/W: Mohamed Nour
in Badan si aqri...

Sunday, March 26, 2017

Xaalada ugxaan sidaha fiixda leh (Polycystic Ovary Syndrome)

0 comments

Ugxan Sidaha Fiixda Leh  (Polycystic Ovary Syndrome)
 waa arin caan ah oo ka dhalata isku dhexyaaca habka dheecaanada jirka dumarka, waa xaalad ay dareemaan dumarka ku jira da’da dhalmada.

Dumarka qaba xaaladaan waxey leeyihiin ugxaan side weynaaday oo gudahiisa ay ka buuxaan dheecaan.
Waxa dhabta ah ee sababa xanuunkaan si sax ah looma garanayo, baaritaan hore iyo daweyn ay la socoto cayil dhimis ayaa ah siyaabaha lagu yareyn karo dhibaatooyinka uu keeni karo xanuunkaan, sida sonkoroow nooca labaada iyo xanuunada wadnaha. Dhibaatooyinka kale ee xalaadaan ay haweenka u keeni karto waxaa ka mid ah:

In ay saameyso caadada dumarka in la waayo in ay soo daahdo in muddo ah in ay iska socoto.
Isku dheellitir naan hormoonnada jirka
Xanuunada wadnaha iyo xididada dhiigga
Madhalaysnimo.
Fiixyo tiro badan oo ku samaysma dhinacyada ugxan sidayaasha.
In qofku aad u cayilo.
Waa Maxay Sababta Keento Cudurkaan?

Ilaa iyo hadda dhaqaatiirta si buuxda uma oga waxa sababa, hasa yeeshee waxaa la aamin san yahay in arimahaan ay qeyb ka qaataan.

Hiddo. Hadii hooyadaa ama walaashaa ay qabaan xaaladan waxaa jira fursad uu xanuunkaan kugu imaan karo.
 Isku dheellitirnaan hormoonnada taasoo hormoonnada haweenka ay yaraadaan ama hormoonnada ragga ay haweenka ku bataan taasoo keento in caadadii wareerto, Finan wajiga ka soo baxa sida fin doobka
 xaad badan oo haweeneydu ay yeelato.
Insulin xad dhaaf ah. Insulin waa hormoon laga soo daayo ganaca kaasoo u tilmaama unugyada jirka iney isticmaalaan sonkorta ama glucose ta ku jirta dhiiga oo aan ka helno cunnada. Insulin dheeraad ah oo uu jirka soo daayo waxey kicineysaa ugxaan sidaha si uu u soo daayo hormoonka androgen oo ah hormoon faragelin ku sameyn kara shaqada ugxaan sidaha.
Waa Maxay Calaamadaha Cudurkaan?

Dhalmo la’aan (haweentii oo aan uur qaadaynin maxaa yeelay ugxan sidihii ugxan soo saari maayo, cudurkani waa cudurka ugu badan oo haweenka u keeno madhalaysnimada).
Caado wareer
Xaad badan “Hirsutism” taasoo ka soo baxdo wajiga, xabadka, caloosha iyo suulasha dhabarkooda.
Fiixyo badan oo ugxan sidaha ka soo yaaco
Miisaanka oo kordho una badan dhinacyada caloosha, Tinta oo meelaha qaar madaxa ka daadato ama yaraato.
Fin doob iyo agool badan oo madaxa ku samaysmo.
Miisaanka oo kordho una badan dhinacyada caloosha, Tinta oo meelaha qaar madaxa ka daadato ama yaraato.
Baro baro ku samaysma jirka sida qoorta, gacmaha, naasaha iyo canjirrada taasoo midabkeedu yahay huruud ama madow.
Welwel iyo murugo
Neefsashada oo istaagto waqti kooban xilliga hurdada
Sidee Cudurkaan u keenaa dhalmo la aanta?

Ugxan-sidaha waa meesha dumarka ugxantooda laga soo saaro, ugxantaas waxay gashaa Gal si ay ugu korto oo markii ay gaarto heerkii la bacrmin karay ayaa laga soo sii daayaa taasoo soo aaddo dhinaca minka si loo bacrimiyo
iyadoo soo marayso tubooyinka. Haddii haweentu ay qabto cudurkaan, ugxan- sidaha awood uma lahan inuu kobciyo ama koriyo ugxanta maadaama hormoonnadii ka qeyb qaadan lahaa howshaan aysanba jirin. Marka Galkii
ugxanta lagu kobcin lahaa ayaa waxaa ka buuxsamo biyo taasoo keensato cudurkaan.

Cudurkaan Ma Is badalaa xilliga dhalmo ka baxa?

waxaa dhici karta inuu is bedelo iyo inaanu is bedelin. Cudurkaan wuxuu saameeyaa hab dhisyo badan oo jirka ah sidaa awgeed calaamado badan way sii jirayaan inkastoo ugxantii ay hawlgabtay heerkii hormoonadane ay is badaleen. Waxaa sii jiri doona in xaaddii iyo timahii ka soo yaacay haweentii ay sii badato, iyadoo dhanka kale na timahii madaxa sii baaba ayaan iyadoona ay dhici karto in haweeneydu yeelato bidaar Waxaana halis weyn kaga imaan kartaa haweeneyda, wadna xanuun iyo kaadi- macaan.

Goormaa la arkaa dhaqtar
Booqo dhaqtar hadii aad qabtid walwal xaga caadada ah, hadii aad ku jirtid xili dhalmo la’aan ah ama hadii aad isku aragtid finan badan iyo timaha lagu yaqaano ragga.

Q/W Drs. Safiya 



in Badan si aqri...

Adobe Media Encoder CC 2015.3 waa Software si Fudud rendering ugu dirto videoga ad sameyse

0 comments


Softwarekani waxaa loo isticmaalaa in aad si fudud rendering ugu dirto videoga aad ku habaysato kuna hagaajisato Adobe after effects iyo waliba Adobe Premiere-ka hadaba halkan kala dag softwarekii oo waliba ah full version

in Badan si aqri...

Adobe Premiere Pro CC 2015 v.12 Halkan kala Dag

0 comments

Software kani waa mid ka mid ah Adobe family applications waxa loo isticmaal Premiere ka Samaynta Muuqaalada Professionalks ah kuwaas oo rabo inaad production ku samayso hadaba halkan ka lada versionkii ugu danbeeyey ee ay shirkadu soo saarto 

in Badan si aqri...

Sheekh Mustafe (Dunidu Waa Ilbidhiqsiyo iyo Daqiiqado) Maxaadiro Cusub

0 comments

Muxadaro Cusub oo ugu Hadlaayo sh. Mustafe.
 Dunidu Waa Ilbidhiqsiyo iyo Daqiiqado.
 Dawasho Wacan 

in Badan si aqri...

Thursday, March 9, 2017

Nafaqada Iyo Caafimaadka Baamiyaha(- Xug Muhin ah -)

0 comments


Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyaha, waa geed aad uga baxa dalkeena laguna beerto labada wabi inta u dhaxayso.


Muhiimada Baamiyuhu uu u Leeyahay Hooyada Uurka Leh Iyo Dadka Macaanka Qaba
Cilmibaadhis ay samaysay Valery Aspenas oo ah haweenay caan ka ah dalka Faransiiska oo ku takhasustay Nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa iftiimisay in Baamiyaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo aad ugu fiican caafimaadka qofka.

Daraasaddan aynu soo turjunay waxa ay daahfurtay in Baamiyuhu uu qani ku yahay Faytamiin C, isla markaana uu si weyn u caawiyo isu-dheelli-tirka iyo nidaaminta sonkorta iyo Kalastaroolka jidhka ku jira. Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaama oo asiidhka Folic Acid ku badan yahay Baamiyaha uu yahay khudradaha cunistoodu aad ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin.
Daraasaddan aynu kasoo xiganay  wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat waxa ay intaas ku dartay in Bamiyuhu uu u fiican yahay caafimaadka kelyaha isla markaana uu maqaarka (Jidhka) kala dagaalamo coodh-coodhka iyo astaamaha gabowga.



Baamiyaha waxaa aad uga buuxo vitamino iyo macdano, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc

Waxtarka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay:

Caafimaadka Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.
Kobcinta Aragga: Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha.
Caafimaadka Maqaarka: Baamiyaha waxaa ku badan vitamin A iyo maadooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaaqan “antioxidants” kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Baamiyuhu waxuu yareeyaa finanka iyo astaamaha dhakso u duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho.
Difaaca jirka: Baamiyuhu wuxuu kor u qaadaa shaqada unugyada difaaca jirka, waxaa ku badan vitamin C kasoo firfircooni ku abuuro unugyada cad ee jirka ka difaaca caabuqyada kala duwan.
Caafimaadka wadnaha: Baamiyuhu wuxuu qani ku yahay vitamins iyo macdano muhiim u ah wadnaha, waxaa ku jirta macdanta potasium oo awood u leh inay hoos u dhigto cadaadiska dhiiga ee sarreeya, waxayna ka hortagaa xinjirowga iyo gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis).

Caafimaadka Uurka: Baamiyaha waxaa ku jirta maadada la yiraahdo Folate ama Folic Acid oo caawiso koriimada uurjiifka, Sidoo kale maadadani waxay hooyada uurka leh ka difaacda dildilaaca maqaarka xiliga ay xamilada tahay.

Q/W: Drs. Safiya  
in Badan si aqri...

Sida Loo Joojiyo Ka Fikirka Waxay Dadku Kuu Maleeyaan!!!!

0 comments

Waxaa Muuqaalkan kuugu soo bandhigi doonaa sida loo joojiyo ka fikirka iyo danaynta waxay dadku kuu maleeyaan si aad u kordhiso kalsoonida naftaada islamarkaana aad u noqoto qof ku faraxsan noloshiisa.
Dadka isku kalsooni ma daneeyaan waxa ay dadka kale aaminsan yihiin gaar ahaan  haddii hadallada ay dadku yidhaahdaan aanay la mid ahayn waxa ay lafahooda ka aaminsan yihiin.

in Badan si aqri...

Halkan kala Dag Visual Studio 2015 and .NET 4.6 Free Download

0 comments

waxaa softwarekan u adegsan karta 

Microsoft Studio Visual waa jawi horumarka isku dhafan (bixisaa)  Microsoft. Waxa loo isticmaalaa si loo horumariyo barnaamijyada computerska Microsoft Windows, iyo sidoo kale goobaha internetka, apps web, adeegyada web iyo apps mobile. Studio Visual waa software horumarinta software Microsoft sida API Windows, Foomamka Windows, Windows bandhigid Foundation, Windows Store iyo Microsoft Silverlight. Waxay soo saari kartaa Barnamisho  ad u wanagsan Database, apps, iwm ah 
Halkan hoos kala Dag

Q/W: Mohamed Nour


in Badan si aqri...

Lee Jae-yong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed

0 comments


Madaxa Shirkadda Samsung oo la xiray Lee Jae-yong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed isaga oo loo haysto laaluush iyo eedaymo kale.
Arrintan ayaa lala xiriiriyay fadeexaddii horseeday in xilka laga xayuubiyo Park Geung-hye.
Samsung ayaa lagu eedeeyay in ay deeq siisay mu'sasado aan faa'iido doon ahayn oo ay maamusho Choi Soon-sil,oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore Park, arrintaas oo ay shirkaddu ku badalanaysay in ay gacan ka hesho dawladda.
Lee iyo shirkadda Samsung Group labaduba way diideen in ay wax gaf ah gaysteen.
Lee oo si ku meel gaar ah u ah madaxa shirkadda Samsung ayay markii koobaad dacwad oogeyaashu su'aalo waydiiyeen bishii koobaad balse waxay go'aansadeen in aysan xirin.
Laakiin todobaadkan horaantiisii ayay mar kale su'aaalo waydiiyeen.
Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed oo xilka laga xayuubiyay
Cilad gashay taleefankii u dambeeyay ee Samsung
Samsung oo ganacsigeeda daabacaadda hal bilyan dollar ku iibinaysa
Maraykanka oo duullimaadyada ka mamnuucay Galaxy Note 7
Jimcihii ayay maxkamaddu sheegtay in ay mihiim tahay in la xiro Lee Jae-Yong ka dib markii dacwaddiisa lagu soo kordhiyay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo horleh oo la helay.
Dacwad oogeyaasha ayaa hawshiisa sii baari doona 20 maalmood si ay dacwad rasmi ah ugu soo oogaan.
Xiritaankiisu kama dhigna aragtida maxkamadda oo dambiile ama dambilaawe ah balse waxay ka dhigan tahay in ay dambigan u aragto mid khatar ah.

xigashgo: bbc
in Badan si aqri...

Saturday, February 4, 2017

WAA KUMA AQOONYAHANKU???

0 comments

Qormadan waxaan ku Lafa Kurena doonaa sidii aad u noqon lahayd qofku fiican wax akhriska oo aan ka caajisin , kama hadlayo  akhriska iyo muhiimaddiisa oo wax jirra maqaalo badan oo ay ka  qoreen dad badan oo aqoonyahan ahi.
Aadanuhu wuxu horumar ka gaadhaa aqoonta marka  aanu ku koobnaan casharkii barrehiisu u dhigay ee uu yahay mid Raadsada wax walba oo garaadkiisa kobcinaya ha akhriyo ama ha dhegaystaba’e.
Waxaan odhan karaa ” qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay wuu ka aqoon badanyahay  ,,
Haddiiba  akhriste aanad ku fiicnayn wax akhriska haw malayn  carqaladan mid kugu kooban kaligaa yasayeeshee waxaad ka warqabtaa qofna inaanu bilaabin  wax akhrinta isaga oo naftiisu jeceshahay oo aanu wax daal iyo dhiba kala soo kulmin . Qalbigana ku hayso inaanay marnaba taasi suuragal ahayn waayo nafteenu waxay jeceshahay iska fadhiga iyo raaxada qofkaasina isaga ayaa ku qasbay oo baray naftiisa  inuu  10 saac iyo wax ka badanba wax akhriyi karo.
Ma tahay qof dareema caajis iyo daal markuu buuga soo qaado isagoon muddo nafle wax akhriyin ?
Imika Samee shantan qodob oo noqo aqoonyahan ku fiican wax akhriska !!!!
1: Niyad: nabigeena (NNKH ) wuxu yidhi [camaladdu waa niyadda ] . Marwalba laabtaada uga buuxi jamasho iyo doonis waxkaste oo aad rabto inaad qabato. Haddiiba shaygii aanad niyad u hayn ha filan inuu kuu hirgalo .
Haka ahaado akhrisku niyaddaada mid aad aad u jeceshahay .
2: ugu horaysii xiisadaad jeceshay: Hadday tahay cashar diyaarin iyo aqoon Raadinba marka aad go’aan  qaadato ha cadibin naftaada ee si talaabo talaabo ah u wad adoo ka bilaabaya   maadadaad xiisayso.
tusaale :  maalinta koobaad isku day inaad 45 daqiiqo akhrido kadib maalinba 15 daqiiqo kusii dar ama in ka badanba
3: xadid wakhtiga: Haddii waxa aad akhriyayso aad u  qaybiso wakhtigaad qorshaysay inaad wax  ku akhrido  waxay kugu abuuraysaa xamaasad iyo xawaare inaad ku dheerayso ah
Tusaale aynu soo qaadano wax la akhriyo ka ugu sharaf badan waxaad doonaysaa inaad qaybto saddex bog oo quraana  sacaad gudaheed  60/3=20 markaad u kala qaybiso bogiiba 20 daqiiqo ayaa ku hagaagayaa sidaa darteed waxaad isku dayaysaa inaad ka gaadhsiiso taas oo kuu horseedaysa  firfircooni iyo dhakhso
4: ka tirtir naftaada wahsiga: Waxa fiican si aanu qiiro u noqon go’aankii aad qaadatay oo kolka aad laba cisho waddid anaad uga hadhin waxa haboon inaad la dagaalanto caajiska si aanu kuugu soo laba kaclayn xanuunkii akhris la ‘aantu
Hubka ugu culus ee kaslaanimada lagaga hortagi karaana waa adoo illaashada shanta salaadood jamacna ku tukada Iwm.
5: Ahaw qof waxkasoo noqdaan: marka   aad akhrido mawduucyo badan oo kala geddisan ma haboona inaad noqoto siddii goof biyaha liqaaya  oo aan galaan loogu tegayn se waa inaad tahay qof aragtidda  uu ogaado mid u dhiganta keeni kara dadkalena u gudbin kara.
Hadaba Mid ka mid ah Sheekh yada Somalida  Oo Moducan Ka Hadlayo Halkan Hose Ka Daawo 

Q/W: Mohamed Nour
in Badan si aqri...