Adobe PhotoShop-ku waa hogaamiyaha barnaamijyada qurxiya sawirada iyo samayn nakh shadaha kaas oo ah mid cajiibaa waxaana isticmaala inka badan malaayiin qof oo ka mida dadka takhasuska ku ah grahics waxa loo yaqaan. Hadaba Shabakadda Somalia Software waxay idiin fududaysay Adobe Photoshop CS6 Full version. Halkan kala dag.
SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA
wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/
Home » Archives for January 2017
Saturday, January 28, 2017
Sunday, January 22, 2017
Shirkada Nokiya oo soo bandhigtay telefoonkii Nokia 6 Android ee ugu horeeyay
Telefoonkii ugu horeeyay oo Nokia Android ayaa lagu iibinayaa Shiinaha oo kaliya.
Telefoonka ayaa lagu iibin doonaa dukaanka internetka ee JD.com.
Shaqaalaha ku howlan telefoonka Nokia 6, ayaa sheegay in telefoonka loo sameeyay si aad u saraysa ayna soo jiidan doonto macaamiisha waddanka.
Ku dhawaaqidan ayaa ku soo aaday maalintii ugu danbaysay ee bandhiga teknoolajiyada ee CES ee lagu qabtay Las Vegas, halkaas oo telefoono cusub iyo qalabyo kale ee teknoolajiyada lagu soo bandhigay.
Nokia ayaa joojisay inay soo saarto telefoono laakiin waxay ogolaansho u siisay shirkada Finishka ee HMD Global inay samayso telefoonada Nokia.
Ilaa hadda , telefoonada ay HMD u soo saaraysay Nokia ayaa ahaa kuwa raqiiska ah ee aan ahayn Smartphone.
HMD Global ayaa soo bandhigi doona bisha Febraayo taleefoono Nokia Android oo lagu iibin doono suuqyada kale
"Iyadoo ay jireen 552 milyan oo macaamiil oo isticmaala smartphone dalka Shiinaha sanadkii 2016, waxaa la filayaa in tiradan ay kororto oo ay ka badnaato 593 oo milyan oo qof oo isticmaala smartphone sanadka 2017, waa suuq istaraatiijiyad u leh telefoonada sida fiican loo sameeyay ayna macaamiisha qadariyaan tayadooda" ayay shirkada ku sheegtay hadal ay soo saartay.
HMD Gobal ayaa iibisa telefoonada raqiiska ee Nokia 150, ee lagu iibiyo adduunka oo dhan
Telefoonka Nokia 6 ayaa ku shaqeeya Android 7.0 oo ah borogaraamkii ugu danbeeyay oo loo yaqaano Nougat.
Wuxuu joogaa 1,699 yuan ($245; £200).
Wuxuu wax yar ka qaalisan yahay Huawei's Honor 6X laakiin ka raqiisan yahay Xiaomi Mi 5s.
"Nokia ayaa ah telefoonada adduunka sida wayn looga yaqaano" ayuu sheegay Ben Wood oo ah la taliye teknoolajiyada ee CCS Insight.
" Waxay rajaynayaan magaca Nokia inuu ka caawiyo in laga aqoonsado suuqa telefoonada iphoneka oo ay yaalaan telefoono kala duwan, oo tartan badan uu ka jiro telefoono isku si loo sameeyay.
Q/W: Mohamed Nour
Telefoonka Nokia 6 ayaa ku shaqeeya Android 7.0 oo ah borogaraamkii ugu danbeeyay oo loo yaqaano Nougat.
Wuxuu joogaa 1,699 yuan ($245; £200).
Wuxuu wax yar ka qaalisan yahay Huawei's Honor 6X laakiin ka raqiisan yahay Xiaomi Mi 5s.
"Nokia ayaa ah telefoonada adduunka sida wayn looga yaqaano" ayuu sheegay Ben Wood oo ah la taliye teknoolajiyada ee CCS Insight.
" Waxay rajaynayaan magaca Nokia inuu ka caawiyo in laga aqoonsado suuqa telefoonada iphoneka oo ay yaalaan telefoono kala duwan, oo tartan badan uu ka jiro telefoono isku si loo sameeyay.
Q/W: Mohamed Nour
Wednesday, January 18, 2017
wax ka Ogaawo Sida Loo Dhiso Hadafka (- xug muhin ah -)
waxaa ku Bilawaya Qormadeda Su'aasha 1aad oo ah su’aasha muhiimka ah waxa ay tahay.
– Sideen ku xaqiijin karnaa go’aamada aan qaadano in ay noqdaan kuwa shaqeeya oo aan laga quusan muddo gaaban gudahood ?
Hadaba waxaan isku dayayaa in aan ka jawaabo su’aashaan inkasta oo aan doonayo in su’aashu ay noqoto mid furan oo cidkasta ay ku soo kordhin karto aragtideeda ku aadan mowduucan si’ dadka oo idil xikmadooda loogawada faa’ iidaysto.
Waxaan doonayaa in aan halkaan ku soo koobayaa 6 qodob oo aan isleeyahay waxa ay ka qayb qaadan karaan in ay qofka ka caawiyaan in noqdo qof go’aan leh oo wax hiigsanaya, hadaba waxa ay kalayihiin :
1. Isku day in aad ogaato waxa aad ku wanaagsan tahay :
– Waxaa muhiim in aad kala ogaato waxa aad ku wanaagsan tahay iyo waxa aad xiisaynayso in aad samayso, Waayo marmarka qaar waxaa dhacda in aad katagto wixii aad ku wanaagsanayd adiga oo raadinaya waxa aad xiisaynayo taasoo sabab u noqota in waqti badana uu halkaa kaaga lumo adiga oo aan ka’ gaadhin natiijo lataaban karo , Hadaba waxaa haboon in aad diirada saarto waxa aad ku wanaagsan tahay taasi ayaa ku dhaxalsiinaysa in ay kuu sahlanaato wadada aad umari lahayd guusha.
2- Go’aanso waxa aad hiigsanayso isla markaana Go’aamadaadu ha’ noqdaan kuwa macquul ah misana aad hanan karto, una’ samayso wakhti xaddidan ( wakhto go’an) oo aad ku gaarto :
– Waa muhiim in aad is waydiiso go’aanka aan qaadanayo ma yahay mid aan ka guul gaari karo ? mise waa mid ku dhisan xamaasad iyo riyo ?
Tusaale : waxaad u baahan tahay in aad iswaydiiso !
A- Waxa aad doonayso in aad hiigsato ( gaarto) ?
B- Waddada aad doonayso in aad u marto ?
Waa in aad ogtahay wax yaaba aad u baahan tahay si’ aad u gaarto halka aad hiigsanayso waayo hadii aad ogtahay wax yaaba aad u baahan tahay in aad samayso waxaa kuu sahlanaan doonto in aad qiimaysato wakhtiga ay kugu qaadan karaan.
C- Wakhtiga aad doonayso in aad ku bixiso ?
Ma wakhqi go’an baa mise waa wakhti furan oo aad doonayso in aad waddo noolashaada oo idil.
D- Waxa kugu kalifay in aad go’aankaan qaadato iyo Faa’ iidada kuugu sugan hadii aad ka guul gaarto ?
Su’aalahaan oo aad jawaab u hesho waa qayb kamid ah aas aaska go’aan dhisida maxaayeelay waxaa kuu muuqanaysa halka aad hiigsanayso iyo qaabka aad u doonayso in aad ku gaarto iyo mudada aad doonayso in aad ku bixiso iyo ulajeedka ka dambeeya in aad qaadato go’aankaa.
3- Samayso Jadwal aad Raacdo :
– Waxaa aad u muhiim ah qofku in uu samaysto jadwal wakhtiyaysan oo uu raaco waayo jadwalka wakhtiyaysan waxa uu kuu sahlayaa in aad la socoto hadba wixii isbaddel ah ee aad samaysay mudadi aad u qorshaysay in aad ku gaarto halkii aad hiigsanaysay. Islamarkaana waxaa kuu sahlanaanaysa in aad xakamayso wakhtigaaga, Hadii aad wakhtigaaga xakamayn kartana ogoow wax waliba waad maarayn kartaa , isbaddel lataaban karana waad la imaan kartaa.
4-Isku day in aad ka fogaato wax kasta oo sabab u noqon kara in uu burburo go’aankii aad qaadatay :
– Tusaale hadii aad go’aansatay in aad wax barato iskuday in aad ka fogaato dadka aragtidoodu ay tahay in aan waxba labaran karin , waxba la noqon karin waayo dadka sidaa u fakiraya waxaa la arkaa go’aankii aad qaadatay in ay si xun kuugu fasiraan kadibna aad ka niyad jabto halki aad hiigsanaysay.
Sidoo kale hadii aad go’aansatay in aad balwad iska joojiso ugu horray waa in aad ka fogaataa wax kasta oo keeni kara in aad dib ugu laabato balwadii aad joojisay, Haday ahaan lahayd asaaxbti aad wadaagi jirteen balwada.
5- Raadi wax kasta oo keeni kara in ay kugu dhiiro galiyaan go’aanki aad qaadatay :
– Hadaba waa muhiim in aad hesho wax kugu dhiiri galiya waxa aad hiigsanayso, waayo dhiiri gelintu waxa ay qofku siisaa in uu ku dhiirado siduu u hanan lahaa wixii uu hiigsanayay, sidaa awgeed qofku waa in uu raadiyaa wax yaabaha sabab u noqon kara in ay ku dhiiri galiyaan go’aankii uu qaatay. Hadii ay noqon lahayd in aad la xiriirto dad aad isku aragti katihiin Go’aanki aad qaadatay oo talo amaba tusaalooyin aad ka hesho. amaba in aad baarto mowduucyada ku saabsan go’aanki aad qaadatay si aad halkaa uga hesho talooyin waxtar kuu leh amaba ku dhiiri galiya.
6-Dulqaad u lahaaw Naftaada:
– Waxaa muhiim ah in aad ogaato marwaliba sidaad wax u qorshaysatay uma dhacayaan waayo mar’marka qaar waxaa suurtagal ah in aad qaado waddooyin badan oo aan ku gaarsiinayn halki aad hiigsanaysay sidaa awgeed waa in aadan ka quusan go’aankaagii aad qaadatay balse hadii aad dareento culays iskuday in aad wax ka badasho habakii ( qaabkii ) aad u qorshaysatay in aad u marto halkii aad hiigsanaysay balse waa in aadan baddelin halki aad hiigsanaysay ee hadefkaagu uu ahaa,
Hadiise ay dhacdo in ay wax iska baddelaan aragtidaadii ku aadanayd halki aad hiigsanaysay waxaa kuu furan in aad baddesho balse inta aadan isbaddelka samayn waa in aad sii qorshaysataa wax kale oo aad hiigsanayso maxaayeelay wakhtigu waa waa dahab haduu ku dhaafana sooma noqonayo sidaa awgeed adiga oo aan qorsho kale haysan ha iska furfurin go’aankaagii hore.
Q/W: Cumar Daacad
Wax ka Baro Waxtarka Cafimad Sisinta
Sisinta waa miraha ugu qadiimsan ee saliidda laga dhaliyo oo uu bani aadamku bartay.Waxa ay ka bixi jirtay meelo badan oo dunida kamid ah muddo ka badan 5000 sano. Dalaggan waxa uu taariikh u leeyahay awooddiisa ah inuu ku koro dhul ay adagtahay inay ku baxaan miraha kale ee la beerto; waana dalag adag oo kaalmo badan uga baahneyn beeraleyda, kuna kori kara dhulka qallalan, kulul ee leh dhadada marka ay tagaan dabeylaha mansoonka, ama xataa marka uu xilliga roobka baaqdo ama roobab mahiigaan ah da’aan. Waana miraha ku kori kara lama degaannada. Sisinta waxaa loogu yeeraa miraha badbaadada.
Sisinta waa miro laga dhaliyo saliid taasoo inta badan xadaaradihi soo maray dunida siyaabo badan loogu tilmaamay, sida masaaridii hore oo u yaqiin sesemt, waxa ayna ka mid aheyd dawooyinka ay faraacinnadi u isticmaali jireen daweynta. Sidoo kale xadaaradihii Babiliyiinta iyo Hindida ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.
Nafaqadeeda:
Sisinta waxaa ku jira inta badan nafaqada uu ubaahanyahay bani aadamka ama guud ahaan noolaha, waxaa ku jira noocyada carbohydrates, proteins (gaar ahaan amino acids), dux ama fats, biyo, vitamin C, macdanta sida; Calcium, Iron, Magnesium, Phosphorus, Potassium, Sodium, Zinc.
Sisinta waxa ay leedahay saliidda ugu badan ee dhir laga dhaliyo. Waxa ayna ka mid tahay saliidaha ugu adkeysiga badan ee aan dhakhso hallaabin, waayo waxa ay leedahay xaddi aad usareeya oo antioxidants dabiici ah. Saliid macsarada sida saliidda gabal dayaha waxa ay qani ka tahay Omega 6 fatty acids. Sisinta waxaa kale oo ay qani ka tahay protein ka, iyadoo 25% miisaankeeda uu yahay borotiin. Murufka ka soo hara marka saliidda laga saaro ama soomaalidu utaqaan maankaal 35 ilaa 50% waxa uu ka koobanyahay borotiin, waxaa kale oo uu leeyahay waxtar carbohydrate iyo isagoo leh antioxidant biyaha ku milmi kara, kaasoo ka dhigaya inay muddo dheer aalli karto. Sidoo kale maankaalka waxa uu waxtar fiican uleeyahay quudinta xoolaha iyo digaagga.
Waxtarkeeda caafimaad:
Sisinta waxaa ku jira maaddada loo yaqaan phytosterols oo la socota hoos udhigidda heerka dhiigga ee kolistaroolka. Waxayna qani ku tahay kaalsium, sidaa awgeed waxay ku habboontahay dadka qaba cudurrada lafaha ku dhaca sida: Osteoporosis. Nafaqada ku jirta sisinta waxa uu jirku nuugi ogyahay haddii la shiido ama la ridqo intaan la cunin. Sisinta waxaa lasheegay inay waxtar fiican u leedahay indhaha nafaqooyinka ku jira awgeed.
Waxaa jira qisooyin fara badan oo ka hadlaya sisinta iyo sidi dadyowgi hore ay ka aaminsanaayeen, tusaale ahaan, sida ay qortay Positive Health Magazine ; dumarka baabiliyiinti hore waxay cuni jireen isku dhis ka kooban malab iyo sisin si ay ugu da’ yaraadaan quruxdoodana usii joogto, halka ciidamadi Romanki hore ay cuni jireen isku jirtaas si ay uga helaan adkeysi jireed iyo tamar.
Maxaa loo adeegsadaa macsarada?
Cuntada:
Saliid macsarada waxaa ilaa waqti hore loo adeegsan jiray cuntada, waxayna leedahay caraf u gaara, waxaa loo adeegsan karaa karinta cuntada noocyadeeda kala duwan.
Dawo:
Xilliyada haweeneyda uu hayo xanuun la socda caadada saliid macsarada waxaa la mariyaa caloosha qeybteeda hoose si ay u khafiifiso xanuunka ka dhasha murqaha caloosha giigsanaantooda, waxaa kale oo uu aad u socodsiiyaa dhiigga caadada.
Maqaarka:
Macsarada waxa ay ka mid tahay maaddooyinka dabiiciga ah ee maqaarka siiya dhal dhalaal, waxaana la isticmaalaa marka maqaarka abaareysto ama jafaaf ku dhaco. Waxaa kale oo uu aad waxtar u leeyahay marka maqaarka xasaasiyad ama cuncun ku dhaco iyo qolofta dul fuusha xasaasiyadda kaddib.
Masaaj:
Macsarada waxaa loo isticmaalaa daliigga ama masaajka, waxa uuna dareen firfircooni geliyaa jirka, maqaarka wuu jilciyaa, jirkana waxa uu siinayaa dhal dhalaal aad u bilicsan.
Wadnaha:
Macsaradu waxa ay firfircooni gelisaa halbowlayaasha dhiigga taasoo keenta inay baa ba’aan kolistaroolka markaa isku uruursanaya gidaarka halbowlaha. Sidoo kale waxa ay kordhisaa nashaadka wareegga dhiigga.
Macsarada waxyaabaha lagu tilmaamay waxaa ka mid ah inay hoos u dhigto cadaadiska halbowlayaasha, sida lagu sheegay diraasad lagu sameeyay 336 qof oo cadaadiska halbowlayaashoodu kacsanaa.
Macsarada waxay qani ka tahay waxa loo yaqaan unsaturated fatty acids oo dowr weyn ka cayaarta faya qabka jirkeena, gaar ahaan wadnaha.
Waxtar kale:
Macsarada waxaa kaloo loo isticmaalaa in lagu socodsiiyo caloosha, iyadoo saxarada jilcisa. Sisinta waxaa lagu sheegay waxtar fara badan, kitaabka lagu magacaabo Almuctamad lil-adwiyah waxaa lagu sheegay in sisinta ay kordhiso dareenka kacsiga iyo manidaba, dhiigga caadadana si fiican u shubto, waxaa kale oo ay wax ka tartaa neef xiranka iyo xanuunka neefta.
Raganimada:
Ninka marka uu gaaro lixdameeyo sano waxaa hoos u dhacayo xaddiga hormuunka raganimada ee loo yaqaan testosterone ilaa bar inti uu sameyn jiray dhalinyaranimadiisi, sidaa awgeed qaar ka tirsan dhaqaatiirta sida Dr. Lily Kindeblan waxa ay leeyihiin ninka waxa uu weynayaa inta u dhexeysa 1-2% hormuunka testosterone wixi ka dambeeya sanadka 35 jirka, hoos udhacaasne waa wax caadi ah, laakin qeyb ka mid ah raga oo 10 ilaa 15% gaareyso heerka hormuunka waxa uu hoos udhacayaa heer ka sareeya sida dabiiciga ah, taasoo soo dedejineyso inay soo baxaan astaamo jinsiga ah ama galmada la xariira iyo kuwo aan jinsiga la xariirin wixi ka dambeeya da’da kontomeeyada ama lixdameeyada .
Hormuunka raganimada ee testosterone waxaa soo saara unugyada leydig cells oo ku dhex yaal xiniinyaha ragga , dabadeedna nudaha jirka ayuu galaa isagoo sameysta receptors, sidaa awgeed waxa uu saameyn ku leeyahay murqaha, lafaha, qanjidhada iyo habdhiska dareen wadka dhexe (Central Nervous System ).
Hoos udhaca ku yimaad testosterone waxa uu keeni karaa astaamo fara badan sida kuwan hoos ku qoran oo noqon kara calaamado digniin ah:
Daal jir iyo maskaxeed, Xasuusta oo qasanta, Hurdo la’aan, Tabar yari murqaha ah, Niyad jab, Lafaha oo tabar yareeya, Miisaanka oo kor u kaca, Rabitaanka galmada oo hoos u dhaca ama xubinta taranka raga oo kici weysa, iyo kuwo kale. Calaamadahan waxaa kaloo lagu arki arkaa cudurro kale.
Haddaba da’da keliya ma keento hoos udhaca hormuunka raganimada, balse waxaa jira sababo kale oo keena, waxaana ugu weyn cuntada uu qofka cunayo oo aan dheeli tirneyn, aalamiito la’aan, maandooriyaasha noocyadooda kala duwan iyo cadaadiska qofka ka soo wajaha shaqada.
Wax Malaga qaban karaa hoos udhaca hormuunka testosterone?
Talooyinka soo socda wax weyn ayay ka tari karaan:
1. Qaadashada cunto isku dheeli tiran oo ay ku jirto dufan maalin kasta, tamarta guud ee maalinlahana ka ah 30%
2. Cunidda cunno uu ku jiro zinc xaddi dhan 5 ilaa 15mg maalinti, waxa ay kaa caawineysaa inuu jirka sameeyo hormuunno isu dheeli tiran oo kugu habboon
3. Sameynta alamiito ama jimicsi heer dhexe ugu yaraan 3 jeer usbuuci
4. Sameynta galmo haddii aad xaas leedahay, waayo waxa uu jirka ku dhiiri gelinayaa soo saaridda hormuunka, sidaa awgeed waxaa habboon in qofka xaas leh uunan ka safrin ama haddii uu safrayo uu horay uwato si caafimaadkiisa u dheeli tirnaado.
5. Ka fogaashaha carada badan iyo cadaadiska nafta
Waxaa jira dawooyin lagu daweeyo hoos udhaca dareenka galmada ama rabitaankeeda balse taasi waxay ku habboontahay in qofku la tashado dhaqtar ku shaqo leh arrintaa.
Haddaba isu soo wada duuboo sisinta ayaa laga heli karaa dhammaan waxyaabaha kor ku xusan ee jirka siinaya dheeli tirnaan xag nafaqo ah, waxayna xoojisaa dareenka galmada, waxaana mararka qaar lagu sheegaa inay ahaan jirtay waayihi hore dawada lagu xoojiyo galmada sida maanta dawada loo yaqaan fiyaagra.
Dadkeena soomaaliyeed waxaan talo ahaan u jeedi lahaa inay ka faa’iideystaan sisinta iyo wax kasta oo laga sameeyo, waayo waxaa layaab leh dad dalkooda lagu beero cunnooyinka ugu nafaqada badan dunida sida sisinta oo misna macluuli leyso sanad kasta. Sisinta nooc kasto oo loo sameeyaba nafaqada way ku jirtaa, ama saliid ka sameyso ama mac macaan ka dhigo ama cabitaan ka dhigo, balse markasta waa inaan niyadda ku haynaa sisinta ma lahan haraa nafci la’aan ah, xataa murufkeeda waa borotiin, marka waa inaan soomaaliyey dib isugu laabanaa oon dib u qaabeynaa cuntooyinka aan ka sameyn karno dalagga aan beerno, kuwaasoo si fudud aan ku lumino nafcigooda aqoon darri awgeed.
Q/W: Mohamed Nour
MagicRecovery Professional v3.2 Free
MagicRecovery Professional v3.2 Professional Hard Disk Recovery Software for windows,now you can recover your file, hard disk, drive… in Easy steps, Its quick and full strength, its only when you use Magic Recovery software tools, and those lost files are revealed to you will fully understand the true depth of our software. Like thousands of already satisfied customer who have used Magic, you be amazed at its power to get you up and running again. If your data is corrupted, damaged, deleted or lost, using Magic Recovery, gives you peace of mind.
Monday, January 2, 2017
Wax ka Baro Nafsaddaada ( Xug Muhiin ah )
Waxaa run ah in aad tahay qof gaar ah oo ka soocan aadanaha kale ee alle abuuray, waxaana dhab ah in aad leedahay shaqsiyad cid kula wadaagta aysan jirin inta bilyan ee adduunka ku nool .waxyaabaha ay ku kala soocan yihiin waa hab dhaqanka deegaanka iyo dabeecadda.
Qormadan gaar ah waxaan kaga warami doonaa si kooban in aad tahay qof yaqaan nafsaddiisa, dhaqankiisa, cidda uu la noolyahay, ma jirtaa wax aad jeceshahay ? sideese u raadisaa ? waa maxay masuuliyaddda aad heysaa ? ma leedahay hadaf ama yool ? Calooshaada iyo maskaxdaada ma isla eg yihiin mise kama warqabtid ? waa maxay nolosha dhabta ah mise ka run sheegtaa ? inta iyo in kale ayaa uga hadlidona insha allah Qormadan.
1- Ma taqaan qofka aad tahay ?
Waxaa la arkaa dadka qaarkii in ay is moodsiiyaan cidda ay yihiin iyagoo tusaale iyo ku dayasho u ah cid kale taasna sax maaha. waxaa lagaga maarman ah in aad tahay ruux is yaqaana wiil ahow ama gabadh ahow. Weligaa ma is weydiisay qof nuucee ah ayaan ahay ? inta aad muraayad hor tagtay adiga oo keligaa ah ma is qiimeysay ? oo ugu yaraan 10 daqiiqo nafta ma su’aashay xageed u socotaa? weligaa nafsaddaada maka qortay qoraal aad ku ogaaneysay heerka ay joogto iyo halka ay higsaneyso ? weligaa kala duwanaanshaha kugu dhaca ma tahay qof og sida uu ku yimid iyo xalka ay leedahay ? .
Qeex oo sharax adigoo qoraya cidda aad tahay xageed ka soo bilowday heerka aad markaa joogto mid saxan iyo mid khaldanba. sidee bisha ama bilaha amaba sanadka ama sanadaha soo socda aan doonayaa in aan u jiheeyo nolosheyda?
Dhamaan su’aalahaasi waa kuwa u baahan jawaab in aad adiga isku hesho ee maaha mid qof kale kaaga imaanaya. waxaase muhiim ah in aad taqaan cidda aad tahay heerka aad joogto ceeb maaha haddii qoyskaada faqiir yahay ama heyntooda yar tahay, baro hab dhaqanka hana ka been sheegin waayo dad badan oo ku aaminsan ayaad ku weyn doontaa beenta aad ka sheegtay noloshaada. marnaba ha isku qancin in adoo qof kale ixtiraamaya aad aasto hab nololeedkaada adigoo is leh yuusan kaa dareemin ama haddii uu ogaado wuu kugu ceynayaa wuxuuna kuu arkayaa qof liita. ogow waxaad gashay badweyn cidlo ah adigoo saaran doon aan naaquude laheyn.
2- Cidda aad la nooshahay .
Horaa loo yiri qofkii sirtiisa la bixin waayo saaxiibkii/teed ayaa la eegaa. waa oraah qiimo iyo dhaxal gal ah waxeyna tilmaameysaa saameynta fiican iyo midda xun in labadaaba kugu yeelan karo ruuxa aad mar kasta isku dhowdihiin. hadaba su’aalahan is weydii waa ayo ruuxaan aan la socdaa ? adigoo eegaya dhaqanka, dabeecadda, diinta iyo muxuu yahay hadafka uu isaga nafsad ahaantiisa uu leeyahay ? xagee ii hogaaminayaa ? weli maku aragtay waxyaabo aadan ka helin uu ruuxaasi sameynayo ? sidee uga falcelisay mise waad iska aamustay ? ka waran haddiiba uu yahay qof aan hadaf laheyn misana aad iska daba socoto? adigoo ku qiimeynaya quruxda, lacagta, reernimada iyo qofkan dadka oo dhan ayaa taageera ( Dameeri dhaan raran raacday in aad tahay sow ku sifoobi meysid ? haa ama maya jawaabta waa sida aad isaga dhex aragto.
3- Maxaan jecelehay sideense u raadiyaa ?
Qod kasta wuxuu leeyahay dookh uu wax ku jeclaado go’aankiisana uu leeyahay. hadaba jaceylkada ma kan farxadda wixii aad aragto ku saabsan baa ? mise waa kan qalbiga ka soo go’ay oo ad muddo ku taameysey in aad maalin uun waxaasi hesho. jaceylka. qor wax kasta oo aad jeceshay oo ay ku jiraan alaabta, dharka, guryaha , baabuurta, iwm. sidoo kale qor wax kasta oo aad necebtahay dabadeed isbarbardhig samee kee badan. kadib haddii uu waxa aad jeceshahay bato ma heysaa waddadii aad ku heli laheyd mise waxaad tahay ruux isagoo soo jeeda riyoonaya ogow waxaad raacday hawada naftaada wax aad heysidna ma jirto. waxaa lagaaga baahan yahay kala doorasho iyo kala horeysiin adigoo u eegaya kee mudnaanta leh, ma jiraa waxyaabo aan jeclahay laakiin aan ka maarmi karo ? samee liis aad ku qoreyso 10 waxyaabood ee ay naftaadu jeceshahay kadib ka sii dhex dooro seddexda ugu sii muhiimsan kadib ka sii xulo midka ugu sii mahiimsan markaa ku dhaqaaq kaasi ogow kaas ayaa ah baahidaada koowaad.
4- Caloosha, jeebka iyo maskaxda ma isla shaqeeyaan ?
Aadanaha waa u caado in naftiisa ay baahiyo badan ku xeeran tahay dalabka naftuna waa mid aan dhamaan ilaa aad dhimato. waana wax aan lala yaabeyn adigoo oo maanta si fiican u soo qadeeyay in haddana galabtii caloosha ku tiraa waxaad u baahan tahay waxyaabo yaryar oo macmacaan ah lkn jeebka ayaa hadla xiligaa oo ah waxbaad heystaa ee baashaal ruux yahaw hase yeeshee haddii fariinta caloosha aad u hogaansato ogow waxaa isla shaqeynaya caloosha iyo jeebka. haddiise aad fariinta caloosha aad u gudbiso maskaxda waxaa kuu soo baxaya in caqliga shaqeeyo uuna is weydiiyo haddii wax kasta oo cunto iyo sharaab ah aad caloosha ku riddo waxaad wax u tartay caloosha kaliya,haddiise maskaxda aad ka shaqeysiiso waxaad wax tartay dhamaan jirkaada oo dhan. hadaba ha noqon calooshiis la cayaar aanan kala garan baahisa aasaasiga ah ee ay nafta u baahan tahay iyo waxyaabaha korsocodka ah ee faakiheysiga loo yaqaan lagana maarmi karo.
5- MASUULIYADDA
Mas’uuliyadda waa adiga oo leh adkeysi isla markaana xakameyn kara aragtidaada, falcelintaada, iyo wax kasta oo ay naftaadu diiday. Mas’uuliyadda waa adiga oo ogolaan kara wax liita si aad u badbaadiso waxyaabo kale . Hadaba ma tahay ruux danta uu doonayo ka hormariyay danta caamka ah mise tahay qof u dulqaadan kara hadalada meel ka dhaca ah ee mararka qaarkood aad la kulanto gacantaada kor u taag haddaad weligaa celisay jawaab ah waan fiicanahay adigoo hoosta ka oynaya Waxaad tahay masuul
6- ANIGA, ANIGA, ANIGA
Ma ogtahay waxa kaliya ee cid bini’aadam ah ee kula leh aysan jirin in ay tahay codkaada, masakxdaada, qisadaada iyo fekerkaada. Hadaba sideed u ogaan weysay wejiyada dadka iyagoon hadlin, waxaa jira dad wax kasta oo ay sheegayaan tusaale ku soo qaata nafsaddooda ama reerkooda weliba iyagoo dadka ay u sheekeynayaan aaney la dhacsaneyn kaaga darane weli ku sii wada. Midda kale ee ka sii daran ayaa ah ruuxaasi cidna hadal uma ogola oo waa ani kaliya. Ogow intaad dad qadariso haba qaldanaadeene ayaa adna lagu qadarinayaa. ( Nafsaddaada Aamin kadib waxaad baraneysaa sida loo noolaado )
7- JACEYLKA
Waxaa jira wax kugu qarsoon oo qalbigaada ku dhex jira waana rabaani alle kugu beeray ,mararka qaarkood malihid doorasho iyo xulitaan waxeyna ku timaaddaa dabeecad wanaagaada iyo daacadnimadaada, laakiin ma heli kartid qof aad jeceshahay ilaa aad is taqaan qofka aad tahay. Tusaale maxaad daneyneysaa ? Maxaase ku farxa geliya ? Iska hubi in aad jaceyl aan jirin nafsaddaada ku maaweeliso, hana ku qasbin nafsaddaada in qof kale aad boos ka siiso noloshiisa/sheeda adigoon iska hubinin. Hana noqon qof is badbaddal oo maalinba keyn ku jira. Weyna kugu adkeenysaa in maskaxda joojiso jaceylka qof wadnaha aad ku heyso.
8- LA XISAABTAN
Marna laguma guuleysto in aad qof la xisaabtanto adigoon marka hore nafsaddaada la soo xisaabtamin . Wey dhacdaa qof wuxuu ku doodayo ama wanaag ku raadinayo isaguna uusan ku sifoobin. Waad ogaan kartaa dhamaan waxyaabaha adduunka ka jira ama ka dhaca, waad ogaan kartaa waxyaabaha hareerahaada ka socda laakiin waxba macno ma sameynayaan haddiiba aad adiga nafsaddaada is aqoon. ogow waxaad noqoneysaa kii yiri ha raacin camalkeyga ee raac cilmigeyga. yaa ka akhrisanyaya .
9- SAMIRKA IYO XANAAQA
In aad carootaa waa wax dhici kara sidey doonaanba haku timaadee, laakiin su’aasha ayaa ah sidee u xalisaa una qaboojisaa ? Ma dagaal ayaad ku falcelisaa mise cay ? Ma xiriir soo jireen ah ayaad jartaa qalad lagaa galay darteed ? Maxaa leygu qaldoomay anigaba dadka kuma qaldoomee miyaad tiraahdaa ? Haddii aad intaa iyo in ka badan leedahay ogow nafsaddaada qeyb dhan ayaa maqan waana SAMIRKA. Haddaadan aqoon samir iyo dulqaad cafisna ma taqaanid qof aan wax u samrin waxma cafiyo. ogow allihii ku abuuray ayaad maalin kasta qalad ka gashaa haddana inta aad gacmaha u hoorsato danbidhaaf weydiisataa sideed bini’aadam ugu samri weysay ?
Waxaan qormadan gaaban ku soo gabageyn lahaa {nafsaddaada ka cafi wixii aysan ogeyn taa oo ay ogaatay markii aad baratay kadib.}
Q/W: Mohamed Nour
Xigasho war keys'yad Calamka
Dalka Japan ayaa bilowday mashruuc ay ku dhisayso kombuterka ugu wayn ee ugu dhaqsaha badan dhamaadka sanadka 2017.
Japan ayaa dhisaysa kombuterka ugu wayn adduunka uguna dhaqsaha badan
Japan waxay sheegtay in la qorshaynayo in lagu qarash gareeyo £140 milyan si loo sameeyo kombuterka AI Bridging Cloud (AIBC).
Waxay rajaynaysaa in AIBC uu ku shaqayn doono xawaare gaaraya 130 petaflops, oo ka dhaqso badan kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ee ah kan ugu dhaqsaha badan.
Mashiinka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu sameeyo daraasaadka xogta tirada badan ayay sheegtay Japan
Shaqada ugu horeeya ee uu qaban doono kombuterka ayaa waxay noqon kartaa daraasaad caafimaad ama shaqo lagu horumarinayo borogaraam kombuterka loo isticmaalo baabuurta aan darawalka lahayn iyo mashiinada robot-ka ah.
Awoodda kombuterka AIBC, ee la filayo ayaa ka dhaqso badnaan doonta 93 petaflops oo uu hadda yahay kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha, kaasoo meesha ugu saraysa ee uu gaari karo ay tahay 125 petaflops.
"Inta aan ognahay, ma jiro wax ka dhaqso badan," ayuu ku sheegay Satoshi Sekiguchi, oo ah madaxa (National Institute of Advanced Industrial Science and Technology), hadal uu soo saaray.
Ma cada processor-ka loo isticmaalayo mashiinka. Shiinaha ayaa go'aan ku gaartay inay soo saarato mid ay leedahay markay samaynaysay kombuterka Sunway.
Ganacsatada Japan ayaa u suurto gali doonta inay kiraystaan waqti ay kombuterka ku isticmaalaan si ay u samaystaan daraasaad.
Dowladda ayaa rajaynayso inay ka maarmi doonaan shirkadaha sida Amazon, Microsoft iyo Google markii ay u baahdaan konbuter awood badan leh
Mashruuca lagu dhisayo kombuterka AIBC, ayaa ka mid ah barnaamij ay dowladda ku doonayso in lagu soo celiyo sumcadii ay Japan ku lahayd sayninka iyo teknoolajiyada.
Q/W: Mohamed Nour
Subscribe to:
Posts (Atom)