SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA

wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/






Tuesday, April 26, 2016

Wax Ka Baro Su’aalaha Hogaamiyaha Wanaagsan Is Weydiiyo 4 Dabeecadood Q/W Eng: Mohamed Abubakar abdulkadir

0 comments


  1. SIDEE WAX KA WANAAGSAN U SAMAYN KARNAA?
Hogaamiyaha saxda ahi kuma fakaro oo kaliya sida howsha waqtigaa lajoogo loo qaban lahaa ee waxa uu kasii baaraan-dagaa oo ku sii fakaraa sidii uu u horumarin lahaa hawl kastaa ee waqtigaa jirta. Sidii uu usii wanaajin lahaa dhanka tayada, macaash ka iyo casriyeynta intaba. Ma ahan mid ku nagaada waxa markaa jira ee waa hanqal taage joogto ah.
2. YAA QABAN KARA HAWSHAN?
Waxaa sidoo kale lagu soocaa hogaamiyaha saxda ah xulida iyo raadinta kartida iyo aqoonta shaqaala hiisa ama dad ka lashaqeeya. Marka hawl adagi timaado ma ahan mid iska dhiga wax-walba yaqaan, ee waxa uu soo bandhigaa hawsha taalaa markaa, waxana uu raadiyaa cida qaban karta hawshaa karti iyo xirfad ahaanba. Waa mid si hagar la’ u adeegsada dad ka.
3. AAN WADA SAMAYNO.
Ma ahan kaligii taliye faan badan oo jecel in keli-keli loo shaqeeyo ee waa isku keene awooda iyo aqoonta shaqaalaha. Soomaalidu waxa ay ku maah-maah daa ‘ FAR KALIYA FOOL MA DHAQDO” oo macnahee noqonayo marka aan tusaale ugu soo qaadano qormadan in hawsha qof kaliya qabto iyo midda dad badani wadaagaan ay kala wanaag sanaato. Hogaamiya saxda ahi , waxa uu dhiiri galiyaa WADA shaqayn ta. Waxa kuu ka fogaadaa KALI shaqayn ta. Taasina waxa ay abuurta kalsooni iyo wax badani wanaag sanaadaan madaama laWADAqabanayo howsha. Wadda shaqayntu waxa ay abuurtaa in laga faa’idayso awooda, kartida, fikirta, xirfada, iyo aqoonta shaqsi kasta ee shaqaalaha kamid ahi gaar u leeyahay.
4. MAXAA INOO XIGA.
Hawl kasta ee markaa la dhameeyo macnaheedu ma ahan in hawshii oo dhan ay dhamaatay ee hogaamiyada wanaagsani waxa uu sii wadaa hawshii oo ku dhaqaaqaa waxa ku xiga ee markaa ay tahay in la sameeyo.
Ma ahan oo kaliya 4 taa arrimood ee waxaa jira qodobo ilaa taban ah ee aan ka dari doono hadii alle idmo.
Q/W Eng: Mohamed Abubakar abdulkadir
Sawiiro:

in Badan si aqri...

7 Sababood Oo Keena Caano Yaraanta Naasaha

0 comments


Hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naasahooda in ay ku yaryihiin ilmahooda, sababtane waxay tahay iyagoo aaminsan waxyaabo qaldan oo ay ku ogaadaan in caanaha ay yaryihiin ama ay badan yihiin.
Tusaale ahaan, hooyooyinka qaar ayaa waxaa calaamad u ah in hadduu cunuggu dilqaynin in naasahooda caanaha ku yaryihiin.
Hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in haddii naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso ay caano la’aan tahay.
Qaar baa aamisan haddii naasaha culees aysan ka dareemin in caanaha ay ku yaryihiin.
Intaasba waa qalad in wax looga qiyaas qaato.
Ilaahay wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay, midda kale ma ahan macnaheeda in caanaha ay meesha ku jiraan markuu cunugga nuugane ay faaruqaayaan oo in ay soo buuxsamaan in loo sugo ay tahay.
Haddii hooyadu ay caafimaad qabto, badanaa naasaheeda way ku jiraan caano ku filan cunuggeeda, way dhici kartaa haweenka qaar in ay caanaha naasahood ku yaryihiin waxaana lagu ogaan karaa in weli ay arkayaan in cunugga uu baahan yahay ama ay dareemayaan muddo badan oo isku xigxigta in cunugga uu u baahan yahay in naaska la jaqsiiyo.

Kuwaas waxaa u keeni karo caana yarida waxyaabahaan soo socdo:
1- In hooyada naasaheeda ay yaryihiin oo aysan lahayn unugyada caanaha sameeya oo ku filan.
2- In hooyada ay qabto dhibaatooyin xagga hormoonnada sida in sonkor qabto oo kale ama ay qabto xanuunka thyroid-ka, dhiig-kar ama fiix ay ku leedahay ugxan sidaha oo soo deynayo hormoono.
3- In hooyada hadda ka hor qalliin looga sameeyay naasaha.
4- In hooyada ay qaadato kaniini uur ka hortag.
5- In hooyada ay qaadato daawooyin yarayn kara caanaha naaska ama geedo daaweed.
5- In hooyada aysan garanaynin qaabka iyo sida cunugga loo jaqsiiyo naaska ama iyada qaab fadhiisadka uu ka qaldan yahay ama cillad abuuris xagga feerah ay qabto. (maxaa yeelay naasaha waxay sameeyaan caano intii uu u baahan yahay ama uu ka nuugo cunugga)
6- In hooyada aysan habeenkii cunugga nuujin (habeenkii oo aan la nuujin cunugga waxay keensanaysaa in soo saarka caanaha naasaha ay yaraadaan)
7- In hooyada ay cunugga ku bilawday wax aan caanaha naasaha ahayn maalmaha ugu hooreeyaba oo cunugga inta uu naaska ka cabayo ay yartahay sdiaasne soo saarka caanah ay ku yaraadeen.
Waxaa habboon oo hooyooyinka in lagula taliya ah in inta aysan go’aan gaarin in caanaha naasaha ay ku yaryihiin in la ogaado haddii ay jirto cillad yaraysay oo la xallin karo.
Waxaad kaloo ogaataa, caana yarida kuma xirna in hooyada ay cayilan tahay ama caato ay tahay.
Sawiiro:



in Badan si aqri...

3 Astaamod Oo Lama Filaan Ah Oo Keena cudurka beerka ama Beer Xanuun Q/W Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments

in Badan si aqri...

10 Qodob Oo Kaa Caawinaya Inaad Caruurtaada Ka Dhisto Dhanka Maskaxda Q/W: Aniso Axmed

0 comments




Ilaahay ayaa mahad iska leh, nabi Muxamedna nabad galiyo iyo naxariis korkiisa haa ahaato.
Waxaad maalmahan moodaa in ciyaalkii Muslimiinta la dhahay cuna, cabba oo seexda, waxay la midtahay fulaynimo oo waxay noqonayaan kuwo bas ka cararaya xabada!!! Caajislow aan damiir lahayn, dadaal lahayn, mashaqeyste ah, ku nool dadka kale xoolahooda, dhaca dadka kale, aan aqoonin xalaasha iyo xaaraanta, aan ka xishoon cidna, ixtiraam u haynin waalidkood iyo dadka ku hareereysan!! Mid maahsan oo aan ogeyn waxa ka dhacaya hareerihiisa iyo xaalada ay ku sugantahay ummadu maanta.
Yaa dulmiyay caruurteena maanta, yaa danbiga iska leh, ma innaga mase iyaga?, Ma iyagaa waalan mase innaga?, Ma annagaa khaladka leh mase iyaga? Runtii waa su’aalo mudan in la is weydiiyo, una baahan in laga fakaro wakhti badan. Waxaad arkaysaa ilmo aan la barayn Qur’aanka, Salaada iyo akhlaaqda wanaagsan.
Markey gabadhu 15 sanno gaadho ayuu waalidkii ku odhanayaa ” Naa xijaabo gabadhyahay!” , Waxay gabadhii markaas waalidkii ugu jawaabi “Waa maxay xijaabkaad ka hadleysaa, waligayba ma maqalee?” Haaa!! waa runteed, oo umaydaan sheegin markay yareyd, oo aad ku dhihi jirteen “Salaada tuko” Iyaduna idiinku jawaabi jirtay “Salaad? ma aqaano sida loo tukado, ama igadaa hadhow ayaan tukanee, ama maya wali maqaan gaadhin” Haa!! waa runteed, maydaan amrin, oo kumaydaan dhaqmin xadiiskii Nabiga scw” Caruurtiina amra Salaada markay jiraan 7 sanno, markay 10 gaadhaanna ku garaaca”
Ilmuhu markuu yaryahay waa waraaq cad oo ubaahan inaad wax ku qorto, laakiin hadaad ka caajisto ama aad wax ku qori weydo, waxay noqonaysaa mid duleysan oo jacdadan, oo ay wasakhi martay waxbana lagu qori karin, amaba waxaa wax ku qori doona dad aan ku habooneyn oo bara sida wax loo dhaco, daroogada loo qaato iyo haashka, sigaarka, jaadka, beenta, dhaca, dilka, Salaad la’aanta, tuugnimada, darbiyo jiifka iyo akhlaaq xumo oo dhan.
Waxaad markaas arkaysaa ilmahaagii nadiifta ahaa ee aad dhashay, oo aad ka shakineysid maanta inuuyahay ilmahaagii shalay aad dhashay ama waad isa su’aalaysaa ma waxaa ka dhumay sinjiyadiisii ( identity)?!
 Waxaan ubaahan nahay hogaamiyayaasha bari!
Markii laga hadlo tarbiyada ilmaha markasta waxaa meesha soo gasha hooyada oo qaadanaysa kaalinta kowbaad ee tarbiyada caruurta. Sababta ayaa laga yaabaa inay qaarkiin isweydiyaan, taas oo ay jawaabteedu tahay sida an wada ogsoonahay, in uu aabihii maanta dhan ku maqanyahay shaqo si uu quud maalmeedkii usoo helo, hooyadiina waxay joogtaa guriga, waxayna markasta joogto utahay ilmihii wuxuu soo marayo oo ah talaabo iyo marxalado.
Waana qof lagu yaqaano xanaano, kalgacal iyo dabdabacsanaan, maadaama aytahay qofkii caruurta maanta dhan la joogtay intuu
aabuhu maqnaa. Amaba waxaa laga yaabaa inay ku tahay ilmaha tarbiyadooda kaligeed, sababo kala duwan darteed, sida in la furay, ninkii dayacay oo musuuliyadiisii ka soo bixi waayay amaba jiro meel kale oo ay fursadu usaamixi weyday inay isla nooladaan.
Hooyadu waa iskuul, haday damacdo inay soo saarto jiil, waxay soo saari ragg iyo dumar hormariya ummada, oo la jaanqaada ummadaha kale. Hadaan dib ugu noqono hooyooyinkii hore ee muslimiinta ahaa, waxaan arkaynaa siday usoo saareen dad fariida ah, oo ka dhisan dhinac kasta. Maalik bin Anas, Shaafici, Axmed bin Xanbal, Sufyaan Athawriy, Awzaaci, Cumar bin C/caziiz, Bukhaari, Axmed baashe, C/raxmaan Assacdiy, Maxamed Aamiin Ashanqiidiy iyo culumo badan aanan la soo koobi karin, taarikhdana la ogyahay waxay ka dheheen culumadaas ay soo saareen hooyooyinkood.
Markaa waxaa isweydiin mudan: maxay nagaga duwanayeen dumarkaas? ma waxaay heysteen kitaab iyo sunno aan kuwan heysano ka duwan? Jawaabto waa maya, laakin waxay nagaga duwanayeen kartida iyo diintooda ay sida fiican ufahmeen, inagana hadaan rabno waan soo saari karnaa jiil la mid ah kuwa ay soo sareen, ee waxaan u baahanahay inaan qaadano talaabooyinka soo socda insha Allaah.
  • Ducada inaan badino, ka barino Allaah inuu noo hagaajiyo caruurteena.
  • Dulqaad yeelano oo aan la dadaalo carurteenna kana fakarno oo aan ka hormarino mustaqbalkooda wax kasta oo aduunka yaalla
  • Baro quraanka, siirada, caqiidada iyo sunnada Rasuulka scw, waayo ilmuhu intuu yaryahay waa in laga buuxiyo lana baro diintiisa iyo akhlaaqda wanaagsan
  • Ha ku fakarin inaad siiso cunto iyo cabid kali ah
  • Intuu yaryahay jeceleysii qoritaanka iyo akhrida
  • Bar inuu maskaxdiisa isticmaalo
  • Habeenkii intuusan seexanin u akhri siirada nabiga scw iyo dadkii wanwanaagsanaa, arintaas dad badan ayaa guul ka gaadhay, waxaana jira dad ka sheekaya siday arintaasi raad ugu reebtay noloshooda
  • U dhis ilmahaaga kalsoonida nafta si uu hadhow cadawgiisa uga guuleysto, kuna intifaaco noloshiisa danbe
  • Ka maqal ilmahaaga ra’yigiisa, hana ku celinin, waayo arintaas waxay u kenaysaa kalsooni yari iyo inuu noqdo mid cabsada, mana noqon doono mid sheegta waxa uu aaminsanyahay
  • Caruurtaada la noqo saaxiib, si uu hadhow dhibaatada la soo gudboonaata kuugu sheegto intuu u sheegan lahaa dadka kale ama uu qarsan lahaa oo aay ku noqon laheyd cuqdad nafsi
  • Bar ilmahaaga inuu kula tukado intuu yaryahay si uu usii barto una jeclaado salaada
Ilaahay ha naga dhigo kuwo wanaaga is fara xumanta iska reeba, aamin
wa billaahi tawfiiq
sawiro:




in Badan si aqri...

wax ka ogaawo 10 Astaan Oo Keena Caruurtu Inay Waxbarashada Nacaan ama diidaan Q/W Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments

Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu soo badanaysa oo ah in ardayga yari uu waxbarashada niyadda ka sii jeediyo ama uu dugsiga tegitaankiisaba naco. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa ay khubarada arrimahan ku xeel dheeri kaga waramayaa sababaha keeni kara dhibtan, taas oo marka la garto fure u noqon karta in xalkeedana la raadiyo:
1. Sababo caafimaad ama nafsiya oo ardayga soo waajaha, kuwaas oo ardayga ka hor istaagaya in uu la saaxiibo ama sheeko iyo ciyaar wadaag la noqdo ardayda wax la dhiganaysa, isaga oo ka cabsi qaba in la xaqiro ama lagu caayo ama ay dhacdaba in lagu caayo ama la xaqiro, taas awgeedna uu nacay in uu uba tago ardaydaas iyo dugsigan ay joogaan.
2.  Aradayga oo awoodi waaya in uu waqtigiisa uga faa’idaysto waxbarashada iyo haddana waqti firaaqo ah,  iyo isaga oo aan garanayn cid  caawisana waayey habka ugu fiican ee uu duruustiisa u xafidi karo uguna noqon karo, taasina ay ku keento niyad jab iyo in uu aamino in aanu waajibaadka culayskaa leh gudan karin. Ama in uu imtixaanka keeno dhibco ka hooseeya ardayda ay isku fasalka yihiin, taasina ay ku keento cay iyo xaqiraad.
3.  Carruurta qaar ayaa marka ay da’ cayiman gaadhaan ay ku beerantaa ruux xorriyad doon ah,waxa uu doonaa in uu muujiyo madax bannaanidiisa iyo in caqligiisu hagayo oo aan waalid iyo macallin beddeli karin go’aankiisa, canaadnimadaasina mararka qaarkood ayaa ay keentaa in ilmuhu uu doono inuu ka tago dugsiga.
4.  Dhiirri-gelin la’aan: Ilmuhu caadi ahaan ma garan karo faa’idooyinka waxbarashadu u leedahay noloshiisa, waxa aanu mar kasta dareemayaa in ay tahay hawl dhibteeda leh, marar badanna kuba culus, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in mar kasta uu waalidka ka helo dhiirri gelin nafsiya iyo in niyadda loogu dhiso in uu ku sii socdo waxbarashada, isla markaana laga caawiyo in uu la qabsado is-bedelladda waxbarashada ee hadba jiho qaadanaya inta waxbarashadu dhammaystirmayso, nafsiyanna u arko in ay tahay hawl fudud oo uu u baahan yahay in uu waqti badan maalin kasta ku qaato.
5.  Nidaamka iyo siyaasadda dugsiga oo soo dhoweyn waaya ardayga: Dugsiga oo aan lahayn nidaam cilmiyeysan iyo hannaan uu u maro barbaarinta ubadka oo tusaale ahaan sida marar badan dhacda uu dugsigu noqdo goob qallafsanaan badan iyo ciqaab uun lagu yaqaanno, siyaasadda uu ku socdaana tahay in ardayga oo xoog ahaan laga adkaadaa ay tahay habka waxbarasho ee ugu fiican waxa ay keentaa in ardaydu ay nacaan waxbarashada, ama ay ku tagaan niyad jab oo ay taasi ku keento saaqidnimo iyo in marka uu weynaado uu iskaga tago dugsiga.

6.  Noocyada ciqaabta ee dugsigu ku dhaqmo: Dugsiga oo mara nidaam ciqaabeed aan cilmiyeysnayn ama ardayda u kala aabo yeelayn xaaladahooda nafsiga ah iyo da’dooda, sida in ardayga lagu kallifo in hal laylis ama imtixaan uu dhowr jeer oo is xiga ku noqdo, xataa haddii uu qaldayo, in xiisadaha qaar fasalka dibadda looga saaro, ama in mar kasta ciqaab loogu hanjabaa waxa ay ardayga ku keenaan niyad jab iyo in waxbarashada uu ka qaato in ay tahay ciqaab iyo dagaal aanu u sii adkaysan karayn.
7.  Kalgacal iyo naxariis la’aan: Haddii ilmuhu uu dugsiga ka arki waayo jawi soo dhoweeya, oo ardayda iyo macallimiintaba ah, isuna arko in aanu dugsiga ka helayn ixtiraam iyo qaddarin waxaa ku dhaca sakati iyo didmo aakhirka nacsiisa dugsiga iyo wax kasta oo ku abtirsada.
8.  Ilmaha oo dugsiga ka waaya hiwaayaddiisa: Waxaa hubaal ah in ruux kastaa oo uu leeyahay hiwaayad u gaar ah oo uu jecel yahay in uu naftiisa ku maaweeliyo, waxa uu ardaygu u baahan yahay in hiwaayadda xun yaraanta lagaga jaro oo mid wanaagsan loogu beddelo, laakiin haddii uu dugsiga ka dareemo goob aanu ka helayn xarakaad ku filan, ciyaar ku habboon iyo in loo ogol yahay hiwaayaddiisa iyo waxa uu awoodda u leeyahay ama u diyaarsan yahay waxa ay taasi ku keenaysaa niyad jab iyo diiqad badan oo nacsiiya dugsiga.
9.  Layliska Shaqo guri oo lagu cusleeyo: Ilmaha oo uu dugsigu ku cusleeyo laylisyada shaqo guri ah ee laga rabo, oo uu ardaygu dareemo in aanu helayn waqti firaaqo oo u dhexeeya dugsiga iyo laylisyada shaqo guri waxa ay ku keentaa caajis iyo in uu aakhirka waajibaadkaas u gudan waayo sidii laga rabay, taasina waxa ay dhaxalsiisaa in macallinku ciqaabo, ciqaabtaas oo iyaduna aakhirka sabab u noqota in uu dugsigaba naco.
10.  Ardayga oo la dhegeysan waayo: Da’ kastaba ha ahaado ee ardaygu waa qof bani’aadam ah oo leh garaad iyo caqli da’diisa ku jaan go’an, waxa uu leeyahay qaab uu u fikirayo iyo aragti uu qabo, amarrada la siinayo, waajibaadka laga rabo iyo waxa loo iibinayo ama ciyaarta loo fasaxayo dhammaan aragti ayaa uu ka leeyahay, sidaa awgeed waxa uu u baahan yahay in marka hore fikirkiisa la dhegeysto waxa ka qaldanna loo toosiyo si xikmadaysan oo aanu jujuub iyo qasab ka dareemayn. Ardayga oo rayigiisa iyo cabashadiisa la dhegeysan waayo, mushkiladihiisana si uu ku qancayo loo raadin waayo iyada oo weliba xal uu ku faraxsan yahay lala doonayo waxa ay abuurtaa in ay kala fogaadaan bulshada dugsiga kula nool, aakhirkana uu jeclaysto in uu ka fogaado.
Q/W Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir 

sawiro:





in Badan si aqri...

Sunday, April 24, 2016

shirkada microsoft ayaa sheekte Adeegyo Caan Ku Ahaa Barnaamijyada Windows 7 Iyo 8 Oo Uu Windows 10 Ka Tegey Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments
Sida ay dad badani aad ula socdaan shirkadda caanka ah ee Microsoft oo soo saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Kombiyuutarrada iyo aaladaha sidooda u shaqeeya sida Tablet iyo talefanka gacanta ayaa dabaqaadii bishii Julay 2015ka soo saarta barnaamij (Operating System) cusub oo lagu magacaabo Windows 10, kaas oo ay bilaash ugu sii deysay macaamiisheeda hore u isticmaalayey Barnaamijka Widows7 iyo 8 oo asal ah (Aan koobi ahayn).
Ilaa hadda Barnaamijka cusub ee Windows 10 waxaa u guuray macaamiil tiradoodu ka badan tahay 5 Milyan oo ruux, laakiin nidaamkaas cusubi in kasta oo uu dib u soo celiyey liiska bilowga “Start Menu” oo hore ay shirkaddu uga reebtay barnaamijkii kan ka horreeyey ee Windows 8, aadna ay ugu ekeysiisay barnaamijka Windows7 oo aad loo jeclaaa isla markaana ay iska ilaalisay qaladaadkii ku jiray barnaamijka Windows 8 oo aad looga cawday, haddana waxaa durbadiiba la dareemay adeegyo badan oo caan ku ahaa barnaamijyadii ka horreeyey. Qormadan oo aynu Afsoomaali u rognay waxa aynu ku soo qaadanaynaa adeegyadaas Windows 10 ka maqan.
Windows Media Centre: Adeegga ugu caansan ee Windows 10 ka maqani waa Windows Media Centre oo aad loogu isticmaalo ka shaqaysiinta filimada iyo muusikada , soo bandhigidda sawirrada  hore ugu jiray iwm. Waxa aanu ku jiray barnaamijyada Windows 7 iyo 8. Majaladda Computer Chip ee ka soo baxda dalka Jarmalka oo qormo ay arrintan ka qortay raacisay talo bixin ayaa soo jeedisay in dadka adeeggaas Windows Media Centre u baahdaa ay beddelkiisa isticmaali karaan adeegga Plex Media oo ah bilaa lacag, lagana heli karo Windows Store ka Windows 10.
DVD: Windows 10 ma’laha barnaamijkii ka shaqaysiinayey DVD sidaa awgeed adeegsadaha u baahda in uu DVD ku isticmaalo kombiyuutarkiisa oo ku shaqaynaya Windows 10, waxa uu ku qasban yahay in uu soo dejisto barnaamij uga shaqaysiiyo, sida Barnaamijka VLC Media Player oo ah kan ugu habboon ee la shaqayn kara Windows 10, shidina kara dhammaan barnaamijyada loo adeegsado DVD-ga, sidoo kalana waxaa jira barnaamijyo bilaash iyo lacagba isugu jira oo uu soo dejisan karo si uu uga shaqaysiiyo DVD.
Widgets: Barnaamijka Windows 7 waxa uu lahaa oo dad badani aad u xiiseeyeen adeegga Widgets oo ah in muraayadda sare ee kombiyuutarka dhinac ahaan uu kuu soo dhigo, liiska waxyaabo muhiim ah, sida, Saacadda, Taariikhda, Xaaladda cimilada, warar iwm. Adeeggaasi hadda Windows 10 lama shaqayn doono, shirkadda Maraykan ee Microsoft iyo shirkadaha kale ee barnaamijyada midkoodna ma’ uu keenin beddelkiisa.
Windows Updating: Barnaamijyadii hore ee Kombiyuutarka ka shaqaysiinayey waxa ay macmiilka kala doorransiinayeen in uu cusboonaysiin (Update) ku samayn karo Barnaamijkiisa (Windows) iyo in kale, laakiin Windows 10 taas meesha waa ay ka saartay. Windows 10 mar kasta oo uu internet helo isaga oo aan la tashan macmiilka ayaa uu samaynayaa cusboonaysiin kasta oo uu u baahan yahay.
Antivirus: Sida ay majaladda Computer chip qormadeedan ku caddaysay, marka uu qofku kombiyuutarkiisa ku soo shubto Windows 10, waxa uu barnaamijku markaba tuurayaa dhammaan barnaamijyadii la dagaallanka Fayrasyada, ee taariikhdoodu dhacday, kuwa socdana waxa uu sugayaa inta ay dhacayaan, taas beddelkeedana Windows 10 waxaa ku lammaan barnaamijka Windows Defender ee horeba u jiray balse markan sidii hore ka sii awood badan wax badanna kombiyuutarka ka ilaalin kara Virus iwm.

Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir

sawiiro:



in Badan si aqri...

Shirkada Facebook Oo Soo Kordhisay Qaab Koox Ahaan Loogu Wada Hadli Karo Q/W: Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments



Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay kusoo darayso adeegyada ay bixiso ee Facebook-ga qaybo cusub oo sahli doonta in dad badani mar ku wada hadlaan Facebook-ga,iyaga oo afkaartooda isku weydaarsan doona .
Qaabkan ayaa noqonaaya mid cusub,iyada oo laga isticmaali doono Messenger-ka,waxaanu fududaynayaa in ay dad badani sida Call Conference ka oo kale ugu wada hadlaan kuna kala qaataan warbixinaha,sidoo kalena ay ku galaan shirarka ,halka ay markii hore ku geli jireen habab kale oo ka duwan habkan.
Calaamada Applications kan cusub ayaa la filaayey in arbacadii dhoweyd lagu soo daro Facebook-ga laakiin taasi weli may noqon mid suurtagasha ,iyada oo lagu jiro Process kii ama hanaankii loogu xidhaayey,waxaanay sheegeen masuuliyiinta Facebook in laga yaabo inuu saacaddaha ama maalmaha soo socda soo galo .
Afhayeen u hadlaayey shirkadaasi oo la hadlay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in laga heli karo Application-kan ama barnaamijkan cusub taleefanada Android ka iyo sidoo kale iOS ka,kuwaas oo laga yaabo siduu sheegay inay kusoo biiraan 24 saacadood ee soo socda ,waxaanu noqon doonaa ayuu yidhi mid calaamad cusub wata.
Calaamadan ayaa ka muuqan doonta barta wada sheekaysiga ee Chat ka loo yaqaano ,taas oo fududayn doonta inay dadkaasi is urursadaan si toosana u wada hadlaan.
Qofka sameeya Chat Call ka ama kooxdaasi sida wada jirka ah u wada sheekaysanaysaa meesha ay isticmaalayaan ,waxa uu noqonayaa qofka marwalba kaantaroolaaya ,waaanu ku darayaa cidii uu doono ,isaga oo kana saari kara,waxa kale oo inta uu wadahadalkaasi socdo laysu diri karaa cod,kaas oo isaguna sida Message ka oo kale kusoo gelaaya.
Facebook-ga ,gaar ahaana qaybta Messenger ka ayaa ah mid leh in ka badan 900 million oo qof kuwaas oo isticmaaleyaal ah,isaga oo sidoo kalena noqday walaxda ugu isticmaalka badan sannadkii 2015 kii.

 Q/W: Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

sawiiro:





in Badan si aqri...

Aaladaha Casriga Ah Sida iPad ka Iyo Tablets ka Waxay Dhibaatooyin Nafsi Ah Ku Ridaan Caruurta Q/W: Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments






Khubaro caafimaad ayaa ka digay in carruurta aadka u da’da yar loo ogolaado isticmaalka aaladda Tablets ka loo yaqaanno ee ay ka mid yihiin (iPad ka iyo Tablets ka) iyaga oo xaqiijiyey in ay ku keenaan ilmaha khalkhal dhinaca hadalka ah, ama in ilmuhu uu hore u hadal baran waayo, in uu bulshada ka dhex baxo oo hadhow uu noqdo qof dadka ka faquuqan isla markaana uu noqdo ruux aan awood u lahayn in uu doodo, arrimaha uu ka doodayo sababeeyo, isla markaana si qurux badan u cabbiro fikirkiisa iyo waxa uurka ugu jira, ku dhacuna uu ku yaraado.
60 Cilmibaadhe oo uu hormuud u ahaa Baroofesor Olivier Hudi oo ku xeeldheer cilminafsiga carruurta ayaa sheegay in ilmaha ay soo jiitaan sawirrada iyo codadka quruxda badan ee tablet ka, sidaa awgeed haddii uu barto uu jeclaanayo laakiin uu ku keenayo xaalado ay ka mid tahay in ilmuhu hore u hadal baran waayo isla markaana shakhsiyaddiisu ay noqoto mid daciif ah. Sidoo kale waxa uu ilmuhu noqdaa dhegweyn aan inta badan ka warqabin waxa hareerihiisa ka dhacaya, isla markaana aan waxba iska weydiin wax yaabaha isbeddelku ku imanayo ee uu arko, isla markaana qof quusan oo wax kasta oo xumaada aamina in aan dib loo hagaajin karin, tusaale ahaan haddii waxa uu k uciyaarayaa ka jabo waxa uu u arkayaa in si la mid ah Tablet ka ay dib u hagaajinta shaygani adag tahay, sidaa awgeed dhaqso ayaa uu u quusanayaa.
Ilmuhu waxa uu noqdaa shakhsiyad war ma’og ah, ama damiin ah, carruurta da’diisa ahna aan dhex gelin oo aan la ciyaarin, waana sababta ay xeeldheerayaashani ugu taliyeen in carruurta laga ilaaliyo Tablet ka iyo xitaa talefannada casriga ah.

Q/W: Mohamed Abubakar Abdulkadir



SAWIIRO:




in Badan si aqri...

Friday, April 22, 2016

Shirkadda Microsoft : waxeey so sarte Laptop Aad U Tayo Badan Oo Lagu Magacaabo Surface Book wanaa Markii Ugu Horeysay ee so sarta shiirkadaashi Q/W Eng: Mohamed abubakar abdulkadir

0 comments
Shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa markii ugu horreysay soo saartay Kombiyuutar gacanta lagu qaato oo ay iyadu samaysay, uguna wan-qashay magaca Surface Book Pro waxa aanay ku faantay in Laptop kan ay soo saartay uu leeyahay awood aad u badan iyo hawl-gudasho ka fiican dhammaan Kombiyuutarrada (Laptop) gacanta ee shirkadaha kala duwan ee dunidu soo saaraan, gaar ahaan Kombiyuutarka inta la og yahay hadda ugu fiican ee MacBook Pro oo ay soo saarto shirkadda ay aadka u tartamaan ee Apple.
Shirkadda Microsoft waxa ay sheegtay in tilmaamaha iyo wanaagga xad dhaafka ah ee tayada iyo habsami u shaqaynta kombiyuutarkani ay ka dhigayso in uu noqdo Laptop ka keliya ee jira, wanaagga ay u tirisayna waxaa ka mid ah in aanu ahayn Laptop keliya, balse uu sidoo kale noqonayo Tablet ay u bixisay Sufrace Tablet oo la mid ah SAMSUMG Tablet iyo iPad ka. Waayo waxa uu leeyahay batam loogu talogalay oo marka la riixo si sahal ah u kala reebaya qaybta shaashadda iyo qaybta batamada xuruufta ee Kombiyuutarkan, taas oo fududaynaysa in marka ay labada qaybood kala hadhaan qaybta shaashadda kelideed la qaato loona isticmaalo Tablet ahaan.

Surface Book cabbirka shaashaddiisu waa 13.5 Inch, dhinaca awooddana RAM kiisu waa nooca Intel Core i5 iyo i7, waxa aanu qaadan karaa Kaadh xusuuseed la gelinayo oo awoodda RAM ka gaadhsiin karta illaa 16 GB.
Shirkadda Microsoft waxa ay sheegtay in kombiyuutarkan gacanta ee ay samaysay  uu laban-laab ka dhaqso badan yahay ka dhiggiisa ah ee MacBook Pro ah. Dhinaca kalana shirkadda Microsoft waxa ay si aad ah u ammaantay qaybta batamada xuruufta ee Kombiyuutarkeedan gacanta ee cusub oo ay sheegtay in uu leeyahay tayo samays ahaan iyo shaqo ahaaneed iyo in uu ilays batamada hoostooda ka soo ifaya oo sahlaya in Kombiyuutarkan lagu shaqayso marka meel aan ilays kale lahayn la joogo.
Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in kombiyuutarka gacanta ee Surface Book uu aad khafiif u yahay, culayskiisuna dhan yahay 0.72 Giraam oo keliya, halka dhumucdiisuna ay tahay 7.7 Millimeter oo keliya, Kombiyuutarkan oo shaashaddiisu marka loo baahdo ku shaqaynayso taabashada (Touch screen) waxa uu wataa qalin loogu tala galay in shaashadda lagu qoro.
siikastaba haanoqoto Shirkadda Microsoft ayaa noqote midka ugu fican sanadkan ee computer-kag


Q/W: Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir





in Badan si aqri...

Thursday, April 21, 2016

Ma ogtahay Faa’iidada Qarsoon Ay Raggu Ka Helaan Qabashada Howsha Guriga

0 comments



Hadii uu ogaan lahaa ninku shaqada aqalka Faa’iidada ay leedahay waxa uu kula tartami lahaa xaaskiisa sida ay tidhi Alexandra Burchard Barker oo ah khabiirad Jarmal ah.
Khabiiradani waxa ay sheegtay in shaqada gurigu ay tahay hub wax ka taraya sidii loo gubi lahaa xaydha, iyada sido kale door muhim ah ay ka ciyaarto sidii loo sugi lahaa caafimaadka iyo dhaq dhaqaaqa jimicsiga.
Khabiiradu waxa ay tidhi qofka miisaankiisu yahay 70 kilo waxa uu gubi karaa 600 calories (oo ah qiyaasta tamarta cuntadu dhaliso) kadib marka uu qabto 2 saacadood oo shaqada guriga ah, taasoo u dhiganta jimicsiga u baahan awooda xoogle oo uu sameeyo saacad qofku.
Khabiiradan oo xubin ka ah ururka daryeelka macaamiisha ee Jarmalka’ ayaa sharaxday nadiifinta daaqadaha mudo saacad ah in ay ka caawinayso qofka in uu gubo 320 calories, tilmaamtayna suuragalnimada kor u qaadida adkaysiga marka uu hoos iyo saray u fuulayo dalag dalagata xiliga uu sifaynayo daaqadaha.
Waxa waliba suuro gal ah bay tidhi in uu gubo 75 calories marka uu nadiifinayo suuliga mudo 15 daqiiqo ah taaso jimicsi u noqanaysa gacmaha iyo muruqyada caloosha.
Fiiqida aqalka mudo 30 daqiiqo iyo15 daqiiqo oo masaxaad ah waxa dhici karta in qofku uu gubo 200 oo calories isaga oo ku xisaabtamaya isticmaalida adeegsiga labada gacmood kol mid ah si uu uga hor tago in dhinac kaliya adeegsado.

Q/W: Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir 





in Badan si aqri...