Daraasad cusub ay samaysay
xarunta Qaranka ee cilmi baadhista dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in basasha
iyo toontuba raad waxtar leh ku leeyihiin ka hortagga Virus-ka ku dhaca beerka
Hepatitis-ka, waxa ay sidoo kale labadan geed yareeyaan astaamaha iyo taag-darrada
uu xanuunkani ku keeno beerka qofka uu ku dhaco.
Waxa kale oo ay daraasaddani iftiimisay dhowr arrimood oo ay
sheegtay in ay ka mid yihiin sababaha keeni kara jooniska, Fayraska beerka ku
dhaca iyo guud ahaanba beer xanuunka, waxaana ka mid ah:
I.
Dawooyinka
oo uu qofku u cuno si aan qorshaysnayn. xataa haddii ay yihiin dawooyin si caadiya
dhakhtarku ugu qoray waxaa looga baahan yahay in uu ilaaliyo xaddiga loo
fasaxay in uu ka cuno iyo waqtiyada saxda ah.
II.
Cuntada
iyo Biyaha iyo guud ahaan cabbitaanka qofku qaadanayo oo wasakhi gaadhay..
III.
Cuntada
iyo biyaha oo ay gaadho ama la falgasho sunta xasharaadka iyo cayayaanka lagula
dagaalamo.
Waxaa ka mid noqon kara sunta beeraleydu u isticmaasho in ay
dalagga soo baxay kaga ilaaliyaan xasharaadka, suntaas oo inta badan la
falgasha geedka oo markaas weli ku jira marxaladdii bixitaanka oo aan u
dhamaystirnayn. Marka ay sidaas tahay waxa uu qurbo.net akhristayaashiisa
iyo guud ahaan dadka Soomaalida ah uga digayaa in ay ka feejignaadaan geedka
Qaadka oo la sheego in xilliga uu bixitaanka ku jiro ay beeraleydu si aad ah
ugu isticmaasho suntan oo daraasado kale ay sheegeen in ay keeni karto cudurro
kale oo uu ka mid yahay Kansarku.
Natiijada daraasaddan oo uu qurbo magazine ka soo xigtay
wargeyska caanka ah ee Al-Ahraam oo ka soo baxa dalka Masar waxa kale oo ay
sheegaysaa in sababaha kale ee keeni kara beer xanuunka noocyadiisa khatarta ah
uu ka mid yahay isticmaalka daroogada.
Ugu dambayntiina waxa ay ku talisay in ay jiraan qaabab dabiiciah oo beer xanuunka looga hortegi karo, loolana dagaalami karo, waxaana kam idah in qofku uu isticmaalo saliidda laga saaro geedka basasha iyo toontaoo labaduba yareeya raadadka uu jooniska iyo guud ahaan beer xanuunku kaga tagobeerka, isla markaana ay kor u qaadaan shaqo wanaagga iyo bed-qabka shaqadabeerka.
0 comments:
Post a Comment