Waa maxay qabiilku, se maxay tahay qabyaaladdu? Ma farqi baa u
dhexeeya mise waa ba isku mid? Hadday isku mid yihiin siday isku mid u noqdeen?
Hadday kala duwanyihiin maxay ku kala duwanyihiin?
waa suaal da weyn dalka yaa iska leh?????
Waa maxay qabiilku, se maxay tahay qabyaaladdu? Ma farqi baa u
dhexeeya mise waa ba isku mid? Hadday isku mid yihiin siday isku mid u noqdeen?
Hadday kala duwanyihiin maxay ku kala duwanyihiin?
Se bulshadeennu ma kala taqaannaa
qabiilka iyo qabyaaladda?
Inta aynaan u gelin ka warcelinta
weydiimahan aynnu isla garanno macnaha qabiilka, dabadeedna aynnu isla fahanno
waxay tahay qabyaaladdu. Aadamaha adduunkan ku nool oo dhami wuxuu kasoo
tafiirmay Aadan, waxayna soo mareen ilaa maantana maraan marxalado kala duwan
oo kala ah qof, qoys, qabiil, qoomiyad, qaran iyo qaarad.
Balshadu waa guntumo midba midda
kale ku sidkan tahay, aasaaskeeduna yahay qof iyo qofaf kale oo qoys noqday,
una sii gudbay qabiil abtirsiinyo wadaaga ah, qabiilooyin isku summad ah ama
aan ahayn oo deegaanno wadaag ah. Kuwaas ayaa unka qoomiyad si uun isku mid u
ah hadday tahay mid dhaqan iyo mid dhaqaale. Qaranku waxa uu ka kooban yahay
qoomiyad ama qoomiyado, qaaradaha adduun kuna waa qarammo ka isiran qoomiyado
ka unkamay qabiilooyin isu tegay
BULSHADU MA KALA TAQAANNAA
QABIILKA IYO QABYAALADDA?
Sida ay maanta wax walbaaba
iskaga keen khladameen ayay qabiilka iyo qabyaaladduna is kaga keen murugsan
yihiin. Haddii la arko qof magac qabiil soo hadal qaadaya waa qabyaali, haddii
la arko nin wax uu gaar u leeyahay ugu deeqaya degmo ama tuulo reerkiisu degaan
waxa la odhanayaa waa qabyaali, haddii la arko nin reerkiisa arrin samo ah la
wada waxa la odhanayaa waa qabyaali haddii… haddii…. Bal se dadkuba isma
weydiiyaan waxa ay kala yihiin qabiilka iyo qabyaaladdu! Dadkuba ma arkaan
qabyaaladda jirta balse meel hoose ayay ka eegaan qabyaaladda, qabyaaladduna
maanta bulshada dhexdeeda waa ta ugu xoogga badan, waana mabda’a ugu tunka iyo
muruqa wayn bulshada dhexdeeda. Bal aynnu isla fahanno qabiilka iyo
qabyaaladda.
QABIILKA
Qabiilku waa qoysas ka yimi qof
iyo qofaf isku isir, sowrac, sumad iyo ab ah. In qoys, iyo qabiil la ahaadaa
waa sunne kowni ah oo uu Rabbi ugu talo galay. Maadaama qabiilku yahay summad
koox dad ahi wadaagaan ula jeedkiisu waa in laysku aqoonsado, laysku
xidhiidhiyo, laysku wanaajiyo, wanaagga lays kugu kaashado, xumaantana lays
kaga kaashado, laysugu daryeelo laysugana garto, la isugu kaalmeeyo, loona
adeegsado isku xidhnaanta. Xikmadda ka danbaysa in qabiilooyin la ahaadaa waa
mid si walba inoogu muuqata.
QABYAALADDA
Ku dhaqanka afcaasha iyo
ablayaasha taban ee qabiilka ayaa la yidhaahdaa qabyaalad. Qabyaaladdu waxay
timaaddaa marka qabiilka loo isticmaalo wax kasta oo ka soo horjeeda
sifooyinkiisa wanaagsan. Dhanka togan ee qabiilku waa ula jeedka xaqiiqiga ah
ee Alle u abuuray. Haddaynnu si kale u nidhaahno, qabyaaladddu waa u adeegsiga
magaca qabiilka dano gaar ah oo aan bulshada midaynnin. Sidoo kale, qabyaaladdu
waa marka magacyada qabiilka loo isticmaalo kala sarraysiinta bulshada, kala
faquuqidda, kala qoqobka, iyo isliidka bulshada dhexdeeda ah. Qabyaaladdu waa
marka aad laba qof ku kala dhaweysato ama ku kala jeclaato abtiirsiinyada.
Waxaan odhan karaa afcaasha ama ablayaasha taban ee qabiilku waa danaysiga
qabiilaysan (danta ku dhisan anfac siinta qabiil gaar ah), is dulleynta
reeraysan (bulshada oo loo kala sarraysiiyo hayb ahaan), is collaysi iyo
cadaawad ku salaysan abtirsiinyo hayb hayb ah.
SOOMAALIDA IYO QABIILKA
Soomaalidu waa dad qabiil qabiil
ah sida ay bulsho weynta aduuunkuba tahay, bal se waxa ay kaga duwan tahay
iyada waxa haga magaca qabiilka iyo caadifaddiisa, si ka duwan caadifadda
mabaadi’da kale. Maadaama uu qabiilku yahay sunne kowni ah oo sinnaba loo
dhaleecayn karin ama loo tir tiri karin, waxa aynnu odhan karnaa waa mid
faa’ido ballaadhan u leh jiritaanka ummadaha. Laakiin waxa lagama maarmaan ah
in bulshada soomaalidu aqoonsato ula jeedka qabiilka, kaddibna u daymo
lahaadaan caadifadda qabiilka.
Soomaalidu waxa ay u dagtaa
deegaannada ay deggan yihiin sida ay isu hayb iyo abtisiinyo xigaan, degaan
walbaana wuxuu xigaa degaanka ugu ab iyo oday dhow. Si taas la mid ah ama aan
la mid ahayn, waxa ay isu caawiyaan sida ay isugu abtirsiinyo dhow yihiin, waxa
ay isaga war hayaan sida ay isugu haybta yihiin, waxa ay isugu hiiliyaan sida
ay isugu ab yihiin. Sidaas iyo siyaalo kale oo badanna waxa ay wax isugu
qabtaan siday isugu kala hayb, ab, iyo summad dhow yihiin, taasina maaha mid
xun. Aniga iyo si-u-araggayga, taas waabay ku ammaanan yihiin.
SOOMAALIDA IYO QABYAALADDA
Marka laga hadlayo xumaanta
qabyaaladda meel kale ha ka doonin ee bal u fiirso soomaalida. Waxa maanta
gumeeyey waa qabyaaladda, waxa kala irdheeyey waa qabyaalad, waxa kala qoqobay
waa qabyaalad, waxa gunnimada, saboolnimada, jahliga, dulliga, iyo darxumada
ugu wacani waa darajada ay ka gaadheen qabyaaladda. Meel aad u sarreysa oo
bulshooyinka adduunku malahayga hore aanay uga gaadhin dib na aanay uga
gaadhayn ayay soomalidu qabyaaladda ka gaadhay.
Maskaxdoodu xor ma aha oo
qabyaalad ayaanay xor ka ahayn, aragtidoodu xor ma aha, fikirkoodu xor ma aha,
garashadooda iyo garaadkooduna xor ma aha. Waxa xornnimadii ka qaaday oo
gumeystay qabyaalad wax ay tahay aanay jirin. Dan kasta iyo dareen kasta
oo guud waxa laga hor mariyaa ama muhiimadda ka leh dano gaar ah oo qabyaaladi
saldhig u tahay. Qabyaaladdu waa ta soomalida madaxa u ah, minjaha u ah,
obocdana u ah, intaas iyo ino kale oo badan na u ah. Qaybaha bulshada iyo
dabaqadda nololsha ba qabyaaladdu saamayn weyn bay ku leedahay. Soomaalidu waa
bulsho ku nool oo mabda’ ka dhigtay qabyaalad. Tani waa mid aynnu ka
dharegsannahay, umana baahna sharraxaad badan iyo tusaalayaal ba.
Soomaalida idilkeed ba, hadday
tahay, aqoonyahan iyo siyaasi, reer miyi iyo reer magaal, culimo iyo
caammo, carruur iyo cirroole, gadh madoobe iyo ganboolay iyo dhallin iyo
waayeel ba, waxa ay isla qireen, islana qirayaan in qabyaaladdu tahay aafada
haysata. Kii TV ka hadlay, kii madal laysugu yimi ka hadlay, siyaasi shir
jaraa’id qabtay, iyo cid walba oo bulshada la hadashaaba waxa ay leeyihiin
qabyaalad baa jirta oo naftii inoo keentay. Dadkuba qabyaaladda ayey ka
cabanayaan, dadkuba qabyaaladda ayay caayayaan, dadkuba dagaal afeed buu kula
jiraa, haddana bahashu ma tagto, ma dhimato, habeen ma dhaxdo, goobtii reer ku
Alle baryaba way joogtaa. Xataa goobihii cibaadada ayay iminka gashay! Oo
hadday dadkuba sidan u naceen oo khadyaan ka taagan yihiin, yaa wada oo koriya
bahasha? Bal adba!
Marka la aqoonsado dhibtu waxa ay
tahay ayaa looga gudbaa raadinta xalkeeda, ogaanshaha dhibtuna wuxuu kaa
kaalmeeyaa in xalka si fudud loo helo. Bal se dhib iyo dhibaato jirta oo aan la
aqoon waxa ay tahay, sida xal loogu helaa way adag tahay oo way dhib badan
tahay.
Soomalidu maanta waa isla garteen
dhibta ugu weynni inay tahay qabyaalad, haddana illaa iyo maanta xal loo helay
ma aragno. Taas macnaheedu waa laba mid uun: waa mid’e, dadka ayaan dhab u
yaqiinsanayn inay qabyaaladi jirto, bal se ku afgobaadsada uun. Waa ta kale’e
dadkan ka cabanaya qabyaaladda ayaaba ku dhaqma oo inta aan tuug la odhannin
dadka kale kaga horreeya. Bulshada badankeedu ba qabyaaladda way ku dhaqmaan oo
quutal daruuri ayay ka dhigtaan, nin kastaana waxa uu qabyaaladda ka cawdaa
marka uu cid kale oo aan reerkiisa ahayn ka arko qabyaalad, bal se uma muuqato
marka ay inta la reer ka ahi ku dhaqmayaan.
Qoraha warbixinta Eng: mohamed abubakar abdulkadir(dalnuurshe)
waxii figraad ah
somaliasoftware@gmail.com ama
0 comments:
Post a Comment