waxey no jogtey sida tan
Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo
yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa processor-kii ugu horreeyay
ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani
sameeyaan kumbiyuutarro wata processor-kaas.
halkan ayaa ka si ama qaditona manta xalkhada Tarikhada kumbiyuutarka.
1987-kii waxay Apple soo saartay Mac II oo watay
processor loo bixiyey 68020. Islaa sanadka xiga sanada 1988-waxa soo
baxay Mac IIx oo wadatay processor-ka 68030 waxaana ku xigay
processor-ka 68040. 1984 waxay Apple soo saartay Power Mac oo watay
processor ay ka wada shaqeeyeen IBM, Apple iyo Motorola oo loo yaqaan PowerPC.
Sanadkii 1989 waxay Intel soo saartay processor-ka loo
yaqaan 80486 loona soo gaabiyo 486. Processor-kaasi aad ayuu suuqa u qabsatay
oo waxaa soo baxay kubiyuutarro aad u fara badan oo wata processor-kaas isla
markaana si aad ah ayaa loo gatay. Markaa ayaa waxaa dhacday in shirkado kale
oo aan ahayn Intel ayna ka mid yihiin Cyrix iyo AMD ay sameeyaan processor wata
magaca 486. Taasi waxay keentay in Intel ay ka xumaato islamarkaana ay ku
dacwooto in shirkadahaasi ay ku xad gudbeen xuquuqda Copyright-ka Intel.
Waxayse maxkamaddii arrintaas la hor keenay go'aamisay in maadaamaa 486 ay
tahay tiro, aanay cidina gaar u sheegan karin. Intel halkaas ayaa dacwadii
looga adkaaday oo way weyday wax ay ku difaacdo magaca 486.
Sanadkii 1993 waxay Intel soo saartay processor-kii ku xigay
486. Laakiin halkii laga filaayay inuu magaciisu noqon doono 586 waxay u
bixisay Pentium. Taasna waxay u yeeshay si ay ugu suurtowdo in ay sharci
ahaan Copyright uga difaacdo shirkadaha kale inay magcaas la baxaan. Kadibna
waxaa si isdaba joog ah u soo baxay Pentium MMX, Pentium
Pro, Pentium II iyoPentium III oo hadda ugu dambaysay.
Itaas ayaan casharkaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan
hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa dhismaha guud iyo qeybaha ay PC ka
kooban tahay. Ka dibna casharrada ku sii xigaa ayaan mid mid ugu soo qaadan
doonnaa mid kasta oo ka mid ah qeybahaas
0 comments:
Post a Comment