Monday, May 30, 2016

Maxaa Kordhin Kara Caanaha Hooyada Ilmaha Nuujisa?


Sidee ku ogaan karaa in caanaha aan soo saaro ay ku filan yihiin ilmahayga ?
Waa iska caadi in ay hooyo walbaa ka walwasho caano siinta ilmaha mar ay bilawdo naas nuujinta marka kaligaa ma ahan walwalkaan ,hooyoyin badan ayaa ka walwala inta ay dhanyihiin caanaha naaskeeda iyo in uu helo caano ku filan si u daboolo bahida koriinkiisa
Sida oogu fiican ee aad ku ogaan karto inaad soo saarayso caano ku filan ilmahaaga waa ilmaha miisankiisa oo siyaado iyo heerka koriinka caadiga ah, waa iska caadi ilmaha yarka inuu lumiyo maalmaha yar ee ugu horeeya misaankiisa laakiin dib wuxu kordhaa miisankiisa 3-4 maalmood dhalashadiisa kadib waxaa caado ah ilmaha ama dhalaanka marka ay jogaan 14 malmood in ay dib ugu noqdaan misaankii marka ay dhasheen ahaayeen .
Waxaa jira calamado kale oo aad ku karan karto in ilamahaaga yar uu helay caano ku filan sida:
  • Naas nuujinta inaad ka dareento raaxo iyo xanuun la’aan.
  • In ilmaha yar naas nuujintiisu noqoto 6-8 (lix ilaa sideed) jeer maalinkii iyo uu qanco naas nuujinta ka bacdi
  • In aad naasaha ka dareento faaruq ama madhnaansho iyo jileec naas nuujinta ka bacdi.
  • Waxa aad arki kartaa ama maqli kartaa ilmahaaga marka uu laqayo caanaha.
  • Wuxuu ilmuhu naaska u sii daynayaa iskiis.
  • Wuxu ilmuhu kaadshayaa 24kii saac ugu yaraan 7 jeer markuu xaaro xaarkiisu waa jaale ay la socdaan kuus kuus yar.
Dhibku ma ahan caano yaraanshaha laakiin waa intee in la’eg oo caano ah ayuu heli karaa ilmahaagu ?
Naas siinta ilmaha si joogta ah in ku filan waxay muhiim u tahay inay kaa caawiso inaad soo saarto caano joogta ah oo ku filan ilmahaaga , hadii uu yahay ilmahaagu mid hurdo badan waa inaad u toosisaa si maskixiyan ah una siisa naaska waxay taasi sabab u noqonaysaa in uu naaskaagu soo saaro caano badan jirkuna wuxuu la qabsanayaa caanihii looga baahan jiray maalinkii .
Hadii aad ka joojiso naas nuujinta ilmahaaga ood u bilowdo caanaha ilmaha yaryar(formula) sida ankarta waxay sabab u noqonaysaa in caaanaha naaskaagu yaraadaan
Hadii aad badiso naas nuujinta ilmaha canaha naaskaagu way badanayaan
Hadii aad ka shakido caano yaraansho ama aad ka shakido miisaanka ilmahaada la xidhiidh dhakhaatiirta si ay talo kuu siiyaan.
Cuntooyinkee la aaminsanyahay inay kordhiyaan caanaha naaska?
Inkastoo ay yartahay cadaymaha lagu hayo baadhitaan cilmiyaysan (scientific research) dad ayaa aaminsan in cuntooyinkan kordhiyaan caanaha naaska waxaayna soo jireen fac ka fac hoyooyin badan oo irmaan waxay iminsanyihiin in cuntooyinkan cawiyeen.
Xuusuusnow in aad cuntooyinkan u cunto si meel dhaxaad ah qayb haka ahaadaan cuntooyin aad cunto maalinkii ha cunin dhirta ama daawo dhireed adoon la tashan dhakhaatiirta.
Xulbada:
Waxaa mudo dheer loo isticmaalayay in lagu kordhiyo caanaha. Xulbada waxaa ku jira fiitamiino caafimaad badan oo u fiican hooyooyinka ilmaha nuujiya sidoo kale waxaa ku jira dufanka caafimaadka leh ee loo yaqaan omega 3 kaasoo muhiim u ah kobaca maskaxda ilmaha. Xulbada waxaa kaloo ku jira birta iyo macdanta calcium.
Fennel:
Waa geed dhaqameed kordhiya caanaha naaska waxaa kale oo uu hoyooyinka ka cawiyaa ka hortaga gaaska iyo calool xanuunka ilmaha.. Waxaa u egyahay xawaash dhuudhuubka.
Toonta:
Xanuuno badan ayay dawo u tahay sida kor u qaadida difaaca jirka, ka hortaga wadna xanuunka sidoo kale toontu waxay u fiicantahay hooyada irmaan waxay u qaadaa caanaha naaska ,lakiin hadaad cunto toon badan waxay saamayn ku yeelanaysaa dhadhanka iyo urta caanaha naaska.
Caleenta cagaaranKhudrada caleenta cagaaran sida koostada waa ilaha oogu fiican macdanta sida birta, kaalshiyamta, foolatka (folate), sidoo kale fiitamiin A waxaa kaloo la aaminsanyahay in ay kor u qaadaan caanaha naaska hooyada irman marka hooyada irmaan waxaa lagula taliyaa in ay cunto maalinkii 1-2 mar.
Sisinta
Waa il qani ku ah macdanta kaalshiyaamta (calcium) waana macdan muhiim u ah hooyada irman ama lamaan.
Misirta
Khaasatan misirta casaanka ah ama guduudan ma kordhiyaan oo kaliya caanaha naaska ee sidoo kale waa isha brotiinka waxay leedahay oo kale fiber badan iyo iron.
Sidoo kale waxaa jira contooyin kale oo kordhiy caanaha naaska sida
  • Sareenka
  • Xawaash dhuudhuubka
  • Lawska
  • Boorashka
Saalaxida naaska ma kaa caawin karaa soo saarida caanaha naaska?
Naasaha oo la salaaxo ma kordhiyaan caanaha naaska ,lakiin waxay furaan xididada ama tuyuubada xidhan ayay furaan  waxay bi’yaan kuus kuuska naasaha waxay yareeyaan khatarta naasaha
Si walbo ooy ahaato waa in si maskixiyan ah loo salaaxaa naasaha hadii sii xoog ah loo salaaxo waxaa dhawacmaya xididada ka soo saara naaska caanaha
Waxaa fiican in aad adigu salaaxato madaama aad dareemayso cadaadiska ay u baahanyihiin.

W/D: Sacdi Caweer
Share this article :

0 comments: