Monday, May 2, 2016

Sababaha Keena Sanboorka Iyo Sida Loola Tacaali Karo Q/W:Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

Waa maxay Sanboorka?
Sanboorka (Rhinitis) waa xanuun ka mid ah xanuunada xajiinta ama allerjiga, wuxuu ku dhici karaa da’ kasta.
Waxyaabaha kiciyo xanuunkaan waxaa ka mid ah: boorka, qiiqa, daawooyinka iyo cunnooyinka qaar.
Maxaa lagu gartaa?
Waxaa lagu gartaa calaamadahaan hoos ku xusan:
1- Hindhiso
2- Cuncun sanka ama indhaha
3- San-dudur
4- Cabursanaan
5- Duuf
Sanboorka waxuu la socon karaa xanuunada allerjiyada kale sida allerjiga indhaha, allerjiga maqaarka iyo allerjiga hawo-mareenka (Neefta/Xiiqa).
Inkastoo sanboorka uusan ahayn xanuun halis ah, laakiin waa dhibaato saameyn karto nolol maalmeedkaaga.
Qofka isku og sanboorka waa inuu iska ilaaliyaa waxyaabaha kiciyo sida busta, qiiqa, carafta iyo waxyaabaha kiimikada ah.
Maxaa keeno Sanboorka?
Waxaa kaloo kiciyo hargabka, cimillada qabow, cunnooyinka kulul ama dhanaanka ah, cabitaanka aashitada leh, daawooyinka sida “Asprin, Ibuprofen, daawooyinka dhiig karka iyo xittaa daawooyinka sanka lagu buufiyo oo loo isticmaalo sanboorka laftirkiisa way keeni karaan, hadduu qofka la qabsado.
Waxaa kaloo kicin kara isbadalka hormoonada jirka ku dhaca sida xilliga uurka, caadada iyo qaadashada daawooyinka ka hortagga uurka iyo welwelka / diiqada.
Ma jiraan xanuuno kale oo xiriir la leh Sanboorka?
Waxaa jiro dhowr xanuun oo ka dhalan karo ma xiriir la leh sanboorka waxayna kala yihiin:
1- Hilibka Sanka ka soo baxo,
2- Caabuqa sanqada,
3- Caabuqa dhagta
4- Xajiinta
5- Neef ama Xiiq,
Sidee loo daaweyn karaa sanboorka?
Sanboorka ma laga bogsado, qofkane kama baxo ee markuu kugu kacsan yahay yaa daawo dajiso ama damiso loo qaataa waana sida lagu yaqaano xanuunada allerjiga la xiriira.
Waxaa jiro daawooyin badan oo loo qaato allerjiga iyo sanboorka, waxaa kala hadli kartaa takhtarkaaga, waxaa kaloo jiro daawo dhireedyo dhowr ah oo iyagane lagu daaweeyo sanboorka.
Waxaa ku yarayn kartaa dhibaatada Sanboorka adigoo caba biyo badan, kana fogaada cabidda kafeega iyo coco-colada, waxaa kaloo isku qiiqin kartaa saliid xabad sowdada adigoo uumiga kugu baxo waxay ka mid tahay qaababka guriga la iskugu daaweeyo.
Fadlan haddii aad isku aragto qandho ama qufac ama neefta oo ku dhibayso la xiriir takhtarkaaga sida ugu dhakhsiyaha badan, waxa aad dareemayso Sanboor kaliya ma ahan.

Q/W:Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir



Sawiiro:



Share this article :

0 comments: