Monday, May 2, 2016

8 Qodob oo ay muhiim u tahay Hooyada Uurka Leh Inay Ka Taxadarto by somaliasoftware.blogspot.com

Hab-nololeedka bulshada somaliyeed waxa weeye mid ku salaysan ad-adeeg taaso salka ku haysa dabeecada iyo degaanka ay ku nool yihin oo ku gedamanyihin caqabado iyo dhibatoyin fara badan, hooyada somaliyeedna waxba kama duwana bulshadaa.
waxay ahayd iyadoo foola mid gudata wajibaadkeeda shaqo ee gurigaa waxay ahayd mid iyadu umula jixijix muujin iskuna qabata hawl kastoo lasoo gudbonata hadda oo aynu joogno qarnigee 21aad wax aadi iskamay badalin dhibaatoyinka baxada leh ee lasoo darsi jirey hooyada somaliyeed gaar ahaan xaladay ugu nugushahay ugana baahi badantahay daryeel dheeriya ee uurka iyo umusha.
waxaynu maqalaa hooyo ilmuhu ka qubtay, mid uu ka dhicisobay, mid ku dhashay xaalad cafimaad oo liidata dhamaan xaladahani waxay ka dhasheen daruufta iyo daryeel la’aanta lasoo darsa hooyada xiligay uurka leedahay.
wa kuwan 8 qodob oo ah hooyadu inay ka taxadarto xiligey uurka leedahay.
1.Cunto aan isu dheeli tirneen:- hooyadu xiliga ay uurka ledahay waxa laga marmaana inay quudato cunto isu dheeli tirin markan waxay quudineysa nafteeda oo qudha ma aha ee wa laba nafood kobaca jidheed ee ilmaha wey ka qayb qadanaysaa cuntada isu dheeli tirani.
2.Taagnida fara badan:- waqtigu ay gabadhu uurka ledahay uma ficna taagnida badan waxa ka dhalan kara barar kaga yimada xaga adimada.
3.Duugista khaldan:- wa dhaqan xun oo so jireen ah kaaso qofaan khibrad u lahyn uduugo qofka kale bulshadeena , uma fiicna gabadha uurka in la duuga waxa ka iman kara cadaadia makaanka ku yimada iyo fool xiligeeda kaso roreysaa.
4.jimicsiga xad dhaafka:- talaba kasta oo hoyadu qado waxa muhiima iney ka fakarto samayntu ku yelanayo uurjiifkeeda jimicsiga saaidkaa ee gaadhsisan 160 garac halkii daqiqadba ee garaca wadnahu waxa keeneysaa ogsijeenta oo ka yaraata taso samayn weyn maskaxdiisa ku yelanaysa.
5. is uuminta iyo qubayska biyaha kulul:- cilmi baadhisyo la sameyey waxay shegeen kuleylka inuu usababi karo ilmaha yar khalkhal neerfayashisa taasu uu aayi doona noloshiisa.
6. sigaar cabista:- sigaar cabisto waxay keeni kartaa fawsha oo xiligeeda kasoo hormarta,ogsijiinta uu ku yarata taaso wiiqaysa samaysanka habdhisyadiisa,misaanka ilmaha oo yaraada , qaangaadhis degdega oo mustaqbalka ilmaha ku dhacda gaar ahaan hablaha ,waxaynay kordhisaa khatarta ilmuhu darooga cab noqon doono mustaqbal
inkastoo hoyooyinka somaliyeed cadadan ku badneyn hadan waa sigaar cabayaasha aan firfirconeen madama ay ku noolyihin guryo abayashu cabaan iyo bulsho inteeda badan sigaarka cabto.
7.warwarka iyo daalka badan:- warwarka iyo walbahaarku wa bilawga xalado caafimaad daro oo fara badan oo ku yimada hooyada iyo ilmaha Waxay usababi kartaaa cabsi ku noolado markuu dhasho.
8.falaadha khatarta:- falaadhaha khatarta sida x-ray waxay ukeneen ilmaha is dhalan rog ku yimada jinaadka ilmaha iyo khalkhal hida sidayaashiisa iyo ilmaha oo dhicisoba.

SAWIIRO:


Share this article :

0 comments: