Monday, May 30, 2016

Shirkadda HP Oo Soo Saartay Laptop ka Dunida Ugu Khafiifsan Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir



Shirkadda caalamiga ah ee HP ayaa shir tiknoolajiyadda la xidhiidha oo horraantii bishii aynu soo dhaafnAy ee Abriil ka dhacay magaalada Versailles ee dalka Faransiiska waxa ay ku soo bandhigtay Kombiyuutarkii ugu casrisanaa ee ay samaysay oo ah nooca ballaca muraayaddiisu tahay 13.3 Inch oo ay shirkaddu u bixisay Spectre.

Kombiyuutarkan oo u samaysan qaab laga soo dhegtay shandadaha iyo qalabka ay dumarku qurux ahaanta u qaataan, ayaa lagu tilmaamay Kombiyuutarka gacmeed (Laptop) ee dunida oo dhan ugu khafiifsan, waxa aanu dhinaca dhumucda kula tartamayaa Kombiyuutarka shirkadda gacanta (Laptop) ee MackBook 12 oo ay soo saarto shrkadda Apple, waxase uu kaga sii fiican yahay dhinaca shaashadda iyo awoodda mishiinkiisa.
Kombiyuutarkan ay soo bandhigtay shirkadda Hp qoloftiisa sare waxa ay ka samaysan tahay, macdanno iyo Karboon taas oo sabab u ah in uu fudayd aad ah noqdo, adkaysigiisu bato, isla markaana tayada samayskiisu aad u weynaato. Kombiyuutarkan oo ah jiilka lixaad ee mishiinka Intel waxa uu ka kooban yahay laba nooc oo kala ah, Cori5 iyo Cor i7, RAM kiisa oo 8 GB ah, qaadkiisa guduhu (Internal disk storage) waa 512 GB, waxa aanu leeyahay nidaam is-qaboojineed oo aad u casri ah. Kombiyuutarkan casriga ah ee HP Spectre waxaa la socda sameecado dheeraad ka ah kuwa ku samaysan.
Waxaa xiise gaar ah leh awoodda dhinaca baytariga ee Kombiyuutarkan oo ay shirkaddu xaqiijisay in uu muddo 9 saac iyo badh ah shaqaynayo baytarigu halkii mar ee la buuxiyo. Ugu dambayntiina waxa ay shirkaddu sheegtay in diiwaangelinta dadka ugu horreeya ee iibsanaya kombiyuutarkani ay bilaabantay 25kii bishii aynu ku soo dhaafnay ee Abriil, waxa aanu iibkiisu ku furmayaa qiime dhan Kun, boqol iyo toddobaatan (1’170) Doolar, iyada oo suuqyadana si rasmi ah loogu soo deyn doono bishan aynu ku jirno ee May, 22 keeda. Sidoo kale shirkaddu waxa ay soo bandhigi doontaa noocyo si gaar ah loo iibinayo oo ah kombiyuutarkan oo qoloftisu ka samaysan tahay dahab nooca 18 giraam loo yaqaanno ah iyo macdanno kale oo qaaliya.


Share this article :

0 comments: