Wednesday, May 25, 2016

Tarikhada computer Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC by Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir














Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC 







1987-kii waxay Apple soo saartay Mac II oo watay processor loo bixiyey 68020. Islaa sanadka xiga 1988-kiina waxa soo baxay Mac IIx oo wadatay processor-ka 68030 waxaana ku xigay processor-ka 68040. 1984 waxay Apple soo saartay Power Mac oo watay processor ay ka wada shaqeeyeen IBM, Apple iyo Motorola oo loo yaqaan PowerPC.

Sanadkii 1989 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80486 loona soo gaabiyo 486. Processor-kaasi aad ayuu suuqa u qabsatay oo waxaa soo baxay kubiyuutarro aad u fara badan oo wata processor-kaas isla markaana si aad ah ayaa loo gatay. Markaa ayaa waxaa dhacday in shirkado kale oo aan ahayn Intel ayna ka mid yihiin Cyrix iyo AMD ay sameeyaan processor wata magaca 486. Taasi waxay keentay in Intel ay ka xumaato islamarkaana ay ku dacwooto in shirkadahaasi ay ku xad gudbeen xuquuqda Copyright-ka Intel. Waxayse maxkamaddii arrintaas la hor keenay go'aamisay in maadaamaa 486 ay tahay tiro, aanay cidina gaar u sheegan karin. Intel halkaas ayaa dacwadii looga adkaaday oo way weyday wax ay ku difaacdo magaca 486.

Sanadkii 1993 waxay Intel soo saartay processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay inuu magaciisu noqon doono 586 waxay u bixisay Pentium. Taasna waxay u yeeshay si ay ugu suurtowdo in ay sharci ahaan Copyright uga difaacdo shirkadaha kale inay magcaas la baxaan. Kadibna waxaa si isdaba joog ah u soo baxay Pentium MMX, Pentium Pro, Pentium II iyoPentium III oo hadda ugu dambaysay.

Itaas ayaan casharkaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa dhismaha guud iyo qeybaha ay PC ka kooban tahay. Ka dibna casharrada ku sii xigaa ayaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa mid kasta oo ka mid ah qeybahaas



Share this article :

0 comments: