Monday, April 3, 2017

Wax Ka Baro Taariikhda Youtube-ka ?



Youtube waa shabakadda ugu wayn adduunka ee lagu wadaago muuqaalada ,xarunteeda u wayn waxay ku taalaa San Bruno, California, Maraykanka.
waxa la aasaasay bishii labaad ee sanadkii 2005,taas oo macnaheedu yahay youtube waxa uu jiraa keliya 11 sano,xataa facebook wuu ka Da’ yaryahay, waxaa aasaasay saddex shaqaale oo hore uga tirsanaa shirkadda paypal oo la kala odhan jirey Steve Chen,Chad Hurley, Jawed Karim .
bishii april isla sanadkii 2005 muuqaalkii ugu horeeyey ayaa youtubeka lasoo geliyey.

Nashqada youtube-ka markii u horreeysey ee la aasaasay
Bishii oktoober 2006 shirkadda wayn ee google ayaa iibsatay youtube ,waxaanay ku iibsatay qiimo dhan 1.65 bilyan dollar,
Juun 2007 youtube waxa laga bilaabay sagaal wadan,waxaana ka mid ahaa Ingiriiska.
bishii diisember 2008 youtube-ka waxa uu bilaabay muuqaalada tayada sare leh ee 720 HD(high Defination).
oktoober 2009 waxa uu gaadhay in 2 bilyan oo qof maalin kasta ka daawadaan muuqaalada , isla 2009 youtube waxa uu bilaabay muuqaaday aad ka u tayada badan ee 1080 HD .
2010 maalin kasta 2 bilyan oo qof ayaa ka daawada youtube-ka muuqaalo , markaas oo youtube-ku bilaabay in muuqaaladu uu dhex geliyo xayaysiiska google -ka ee google adwords ,dadka muuqaalada soo geliyana waxay bilaabeen in ay lacag ku helaan muuqaaladood habka google Adsense.lacagta uu google ku ka helay xayaysiiska youtube 2013 waxay gaadhay 3.7 bilyan dollar.

tani waxay soo jiidatay dad badan waxaanay dhiirigelin u noqotay in muuqaalo badan la soo geliyo youtube-ka ,taas oo kordhisey dadka ku xidhan ee xiiseeya youtube-ka.

2011 dadka daawada muuqaalada youtube maalin kasta waxay gaadheen 3 bilyan.halka 2012 ay gaadheen 4 bilyan.

Haddaba ayno eegno qiimaynta u dambeysey ee laga sameeyey youtube sanadkan 2016
maalin kasta youtube waxa laga daawadaa 600 bilyan muuqaal.
dadka ku xidhan waxay gaadhayaan 1,700,000,000 .
500 saacadood muuqaalo ah ayaa halkii daqiiqo la soo geliyaa
Q/W: Mohamed Nour


Share this article :

0 comments: