Monday, April 10, 2017

Meere astaamo dhulka la mid ah leh oo la ogaaday


Saynisyahanno ayaa sheegay in ay markii ugu horreysay ogaadeen jawi (atmosphere) la mid ah kan koonkan aan ku nool nahay oo ku xeeran meere dhulka la mid ah.
Waxay daraasad ku sameeyeen duni kale oo loo yaqaanno GJ 1132b, taasoo 1.4 goor ka weyn dhulka, noona jirta fogaan ah 39 sannad-iftiin.
Sannad-iftiin (light year) ayaa ah halbeeg lagu qiyaaso masaafada uu sannadkii iftiinku jari karo marka uu dhex socdo meel maran, wuxuuna halkii sannad-iftiin la mid yahay 9.5 trilyan oo KM.
Daraasadooda ayey ku ogaadeen in meerahaas uu ku gadaaman yahay dahaar ka samaysan gaasas noqon kara inay yihiin uumi ama maaddada Methane, ama labadaba, waxaana lagu soo bandhigay majalladda the Astronomical Journal.
Talaabadan ayaa loo arkaa horumar laga sameeyey baadigoobka loogu jiro in la helo noole ku nool meelo ka baxsan koonkan, iyo in wax laga ogaan karo jawiga meerayaasha, waxaase la sheegayaa in meerahaas uusan noqon karin meel nololi ka jiri karto, maadaama heerkulkiisa uu yahay 370 C.

Share this article :

0 comments: