Wednesday, August 24, 2016

Nucyada Ugu Wanaagsan Ee Dhaqdhaqaaqa Xiliga Foosha



Waxaa laga yaabaa inaad ka welwelsan tahay oo aad ka fikirayso maalinta dhalmada  iyo dareenka xiliga foosha gaar ahaan hadii aad tahay ugub.

Fooshu waxay u qeybsantaa 3 qeybood oo kala ah:
Qeybta koobaad: waxaa bilaabanaya inaad dareento fool taasoo ay sababayso isbedel ku imaanaya ilmo  galeenka,  si buuxda u furmayaa ilmo galeenka. Heerkaan foosha waxaa loo kala qaadaa laba qeybood oo kala ah:

1.. Fool jajabow:  ilmo galeenka si tartiib ah ayuu u furmaa. 10 ama 15 kii daqiiqaba mar ayay timaadaa
 2. Foosha hooyooyinka ilmaha horay usoo dhalay..gabdhaha ugubka ahna 20 kii daqiiqaba mar, way ka badan kartaa wayna ka yaraan kartaa.
3. Foosha firfircoon: Waa fooqabasho ka adag tii hore. Hadii uu kugu jiro shaki ah inay ku hayso foosha firfircoon waxaa muhiim ah inaad dhakhtarkaaga la xiriirtid.
Qeybta Labaad: Waa marka ilmaha soo baxayo, qeybtaan waxaa loo yaqaan marxalada “riixitaanka”.

Qeybta saddexaad: waa marka ilmuhu dhasho.

Calaamadaha foosha:
Maroojinta: Xanuunka foosha ayaa sii badanaya, waqtiyo isdaba joog ah ayuu imaanayaa.
Dilaaca xuubka: biyo ayaa kasoo burqanaya waxaana keenaya kiish dheecaan ah oo ilmaha ku hareeraysan oo dilaacaya.
Q/W: Hodan Axmed

Sawiro Tusale ah Videoka hostiisa
 Sawiro



Share this article :

0 comments: