Tuesday, August 2, 2016

waxtarka caafimaad ee xulbada leydahay waa maxeey???




Xulbadu waa dhir-daweed waxtar badan Waxayna wax ka badali kartaa caafimaadkaaga iyo noloshaada. Xulbada waxaa laga sameeyaa dawooyin badan. Xulbada afka ayaa laga qaadan karaa korkana waa la marsan karaa.

1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:

35.5 oo kaloori ah
6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah
2.5 garaam oo borotiin ah
0.7 garaam oo dufan ah
2.7 garaam oo fiber ah
3.7 miliigaraam oo bir ah
21 miligaraam oo macdanta magnesium ah
32.6 miligaraam oo foosforas ah
0.1 miligraam faytamiin B6 ah
Faa’iidooyinka xulbada
-Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka.

-Waxay hoos u dhiigtaa caabuqa gudaha jirka sida boogaha afka, boronkiitada iyo qaaxada.

-Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa..

-Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga.

-Saliida xulbada waxay khafiifisaa xanuunka caadada dumarka

-Xulbadu waxay kordhisaa caanaha hooyada ilmaha naaska nuujisa.

-Xulbada waxaa lagu daaweeya agoolka (dandruff)

-Xulbada waxaa ku jira borotiino timaha salka ka adkeeya islamarkaana kobciya koritaankooda, Sidoo kale waxay timaha ka ilaalisaa daadashada.

Fg: Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka.

Share this article :