Monday, July 4, 2016

Gabay ku saabsan Malinta Ciida

CIID WANAAGSAN


Waxa  aan  hanbalyo  udirayaa

Dhammaan  ummadda  islaam  ka  meel  kastooy ee adduunka  ka  joogaan

Gaar  ahaan  umadda  soomaaliyeed



Maal maheenan ciidee wanaag (CAADIL inasiiyay

camalkii sanbay waajib tahay

ciidan kii noqo,e

caruur tiyo haween kaa xarago

lagu casuumaaye,

cishadaa bakhayl nimo ayaa

 ceeba fara weyne

 waa  calaamad  dunidii  muslina

caana  weligeede

carrab  kuna  salaan  gaarabaa

uu  celceli  yaaye

kulli  caam  inaa khayr  tihiin

 cayn  walba  usheegye

 calooshiinna  xaadhoo  ka  jira

culuq  inuu  jiifo .

cabsi  ( EEBBAHAY ) yay  marnaba

ciiro  kaa  qaqrinin  .

cudur  daarna  haw  yeelin  iyo  cadawga  shaydaana  .

ceesh  kii  xalaalana  baryada

( CAADIL )  kaga  tuuga

cunideeda  xaaraan  ayay marnaba

 buuxin  caman  kaaga.

Colaadiyo  fidmada  yaad  unoqon  . ceelka  laga  dhaansho  .

cisho  timiba  khayr  fala  sidaan  cadhaba  kuu  daarin .

carbintii  samaan  dhalisabaa

lagu  cigaalaaye .

codka  iyo  salaan  tana  ka  dhiga

 kii  samaan  curiya  .

nabaduna  aday  caana  iyo

wiil  cad  kuu  dhaliye .

 cimrigaa  inay  leexatiyo

ciiris  ka  ilaali  .

walaal  kaa  cadaad  iyo  qodxaha

 caran  car  haw  aasin

BISIN ) KAW  QABSADA  XAAJADOO

CAAQIL  NIMO  MUUJA

.

CIID  WANAAGSAN  CIID  WANAAGSAN

SANNAD  WALBA  INNAKOO  NABAD IYO CAAFIMAADA QABNA ALLOW NAGARSI
Q/W: G' Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir
Share this article :