Sunday, December 18, 2016

Ma Ogtahay Noocyada Caado Wareerka Dumarka Iyo Asbaabaha Keena



Caado wareerku waa cillad dumar badan lasoo gudboonaata. waa is badal ku dhaca hab-socodka dabiiciga ah ee caadada, waxaanaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah:
  1. Dhiig bax aan caadi ahayn
  2. caadada oo isku soo dhowaato (sida caadada oo timaada 2 goor bil gudaheed)
  3. Caadada oo kala fogaato
  4. Caadada oo la waayo
Asbaabaha caadiga ah ee keeni karaa caado wareerka waxaa ka mid ah:
·         Cuno xumo
·         Culeeska jirka oo lumo
·         xilliga hore ee dhalmo deyska
·         Uurka iyo naas-nuujinta: Caadada oo gabto waqtigeedi ama soo daahdo waa caalamadaha ugu horeeya ee tilmaamo inuu jiro uur, Naas nuujinta waxay daahisaa soo noqoshada caadada uurka kadib.
·         dawooyinka qaar sida kuwa uurka looga hortago
·         Welwelka: Dhakhatirtu waxay isku raacsan yihiin in welwelka uu sabab weyn u yahay caado wareerka,
·         Jimicsiga badan: Badanaa haweenka jimicsiga badan caadadoodu way qaldantaa. Jirku waxuu u baahan yahay tamar si ay haweenku caado u helaan, haddii  aad jimicsiga badsato tamar badan ayaa ka baxaysa jirka taas oo hoos u dhigaysa suurtagalnimada inaad caado hesho bishaas.
Cudurrada keeni kara caado wareerka waxaa ka mid ah:
·         Caabuqa miskaha
·         Howlgabka iyo kacsanaanta qanjirka thyroid-ka:  Xaaladaha uu kacsanyahay ama uu dhacsan yahay qanjirka thyroodhka waxa ay keeni karaan caadada oo kaa wareerto ama siyaado noqoto socodkeeda.
·         Ugaxan-sidaha Fiixda Leh: Ugxansidaha fiixda leh waa xaalad caafimaad oo loo yaqaanno “Polycystic Ovary Syndrome”  Waa xaalad ku dhacda haweenka taasoo keenta dhowr dhibaato oo ay ka mid tahay caado wareer. Waxay sababta in caaadada dumarka la waayo, in ay soo daahdo iyo in muddo ah in ay iska socoto..Waxay kaloo sababtaa qofka oo aad u cayila, madhalaysnimo, timaha oo aad u baxa.
Maxaan sameeyaa si aan uga hortaggo caado wareerka?
Si joogta ah u samee baaritaan xaga miskaha ah, sababtoo ah waxay sahli kartaa in si dhaqsa ah loo ogaado haddii ay jirto xaalad khatar ku ah xubintaada taranka.
La tasho dhaqtar haddii:
  • Caadada aysan imaan in ka badan 90 maalmood adigoon lahayn uur
  • Caadada haddii ay isdaba marto iyadoo awal joogta ahayd
  • Hadii dhiiga uu socdo in kabadan 7 maalmood
  • Haddii dhiigda uu dareero si ka culus sida caadi kuu ahayd, ama haddii aad isticmaashid 1 tambooni saacadi ama laba
  • Haddii 2di caado ay udhexeeso 21 maalmood ama wax ka badan 35 maalmood
  • Haddii dhiig uu kaa yimaado ayadoo xiliga caadada ahayn
  • Hadii aad dareentid xanuun daran xiliga caadada
  • Haddii aad dareentid qandho ama aad xanuun saaid mar kasta oo aad isticmaashid tambooni.
Q/W: Muno ali

Share this article :

0 comments: