SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA

wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/






Friday, June 24, 2016

(-Xog Muhiin ah-) Fadliga 10ka danbe ee bisha ramadaan iyo waxa lagaaga baahan yahay



Caawa ayaa waxay ku began tahay habeenkii ugu horeeyay ee 10ka ugu danbayso bisha ramadaan ee martida u ah dadka muslimiinta ah eek u nool dunida daafaheeda kala duwan waxaana la gudboon caawa iyo 9ka haben ee foda nagu soo haya in dadka musliminta ah ay ku dadaalaan cibaadada EEBE.

Walaalkay iyo walaashay muslimka ahow waxaa aan soo ku dhex jiraan bisha ugu barakada iyo khayraadka badan ee islaamku lee yihiin waxaana bishan ay u qaybtan tahay sadex qaybood.



1 Bilawga waa Naxariis

2- Bartamaheedo waa Danbi Dhaaf

3- Dhamaadkeedu waa Naar ka xorays.

Marka muslimiintow waxaan iminka galnay wakhtigii Naarta laga xoroobi lahaa waxaana haboon in laga faa’iidayso 10kan habeen ee caawa aan galay waxaa xusid wayn mudan in EEBE oo u soo dagayo samada dunida isagoo u danbi dhaafaya cidii danbi dhaaf waydiisato siinayo cidii siin dalbato ajiibayo cidii barida ama toogta .

10ka danbe ee bisha Ramadan ee Martida noo ah waxaa uu ahaa Nabiga SCW  ee aan jecelanay inaan ku dayano mid isago istaaga uu isaaago cirbihiisu ay dil dilaaci jireen iyadoo marka ay caa’sha hooyada muslimiinta ay tiri maad iska dayside uu ugu jawbay miyaanan noqonayn aduun ilaah ku mahad celiya.

Xadiis nabiga la wariyay wariyay  Muslim ayaa waxaa uu ahaa ‘’ Nabiga SCW waxaa uu ku dadaali jiray 10ka danbe Ramadaan si uusan ugu dadaalin xiliyada kale ‘’ walaalayaan anka oo aan gaari Karin Nabiga iyo waliba Asaxaabta waxa loo bahan yahay in aan moojiyno dadaal kaas u dhigma EEBE hana aqbalee .

Xadiith kale oo ay Ca’sha Nabiga ka soo warisay oo ku qoran kitaabka saxiixaynka Muslim iyo Bukhaari ayaa waxaa uu ahaa ‘’ Nabigu SCW waxaa uu aha hadii oo kalo 10ka danbe ee bisha ramdaan mid nooleeya habeenka isagoo kiciya ama toosiya ehelkiisa macawuustana si adag u xirta’’ .

Fadliga 10ka Danbe ee Bisha Ramadaan.

Eebe ayaa Suurad dhan kaga hadlay fadliga ay lee dadalay 10ka danbe gaar ahaan habeenka laylatul Qadar.

Qaar ka tirsan Salafka umada islaamka gaar ahaan Ibnu Cabaas iyo Qataadaha iyo Siciid bin jabiir iyo cikaramah iyo mujaaid ayaa waxay sheegeen in habeenka leelaytul qadar quraanku soo dagay .

Eebe ayaa quraanka Kariimka ku yiri ‘’ 'Annagaa soo dejinnay Quraanka Habeenkii Laylatul Qadriga (Habeen barakaysan ee sharafta leh), ma taqaannaa Leylatul Qadriga? Waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa habeenkaa soo dega malaa'igta iyo Malagga Jibriil idinka illaahay dartii iyo amarkiisa, waa habeen nabadgelyo inta waagu beryayo" {Suurat Al Qadr-1-5}.

waxayna u dhigataa 84 sano iyo dhawr bilood habeenkaasi oo kaliya ayaa waxaa laga yaabaa ajar iyo acmaal khayraad ah oo aad samaysan lahayd 84 sano inaad heshid ALLAHU AKBAR faa'du badnaa eebow na waafaji .

Ictakaafka Masaajidyada ama ku nagaanta

waxaa haboon cidii wakhti u saamaxayo in 10kaa danbe lagu nagado masaajiyada habeen iyo maalin in marka laga baxanaya looga baxo arimo adag oo xaajadu lagama maarman ka dhigayso waxaana Nabigu ahaa mid ictikaafa 10ka danbe ee bisha Ramadaan .

 waxaan ku boorin mar labaad walaalahays somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka fa'idaystaan 10kaan bari ee aduunka aan laga yaabin inta hada joogta in badan oo ka mid ah inoosan soo marin ama mar danbeba uusan soo laaban .

Habeennada sida adag loogu tilaamo in ay ku jiran oo lagu tilaamo habeenkaasi laylatul Qadarka ayaa waxaa ay kala yihiin 21-23-25-27-29 waxaana culumadu u badiyeen 27ka Aan faaidayso walaalayaan Aduun ayaa la joogaa Adoon Rabi ayaan nahay Allahu Akbar.

Akharinaa na sugasyo Adkaarta iyo Aayadaha Eeebe aan badino

Aduunku waa inta aad joogtid Akharinana waa tan dheer ee Aan dhamaan

Aboowe iyo Abaayo Aan ka faa'idaysno habeenkaas aan soo sheganay.

waad mahad san tihin
Q/W: Mohamed Abubakar Abdulkadir

Xiigasho: SomaliTalk
                         

in Badan si aqri...

Thursday, June 16, 2016

Xug-Muhiin ah 10-kan Dabeecadood Hadii Aad Leedahay Guul Ma Gaari Kartid


Dadka leh dabeecadaha hoos ku xusan ma noqdaan kuwo guul ka gaara shaqada iyo ganacsiga, maadaama ay yihiin dabeecado qofka ka horstaaga in uu nolosha horumar ka sameeyo. Hadaba qiimeyn isku samee oo haddii aad 10-kaan dabaceedood qaar ka mid ah leedahay waa in aad bilowdaa sidii aad isaga reebi lahayd.

1 – Waad hami weyntahay  – Waxaad leedahay gool aan caqliga galayn oo waxaad doonaysaa in aad samayso waxyaabo aan macquul ahayn ama aad u adag. Tani waxay noqonaysaa mid waqtiga kaa qaada inta aad ku haminayso in aad gaadho waxyaabo aan suuro gal ahayn.

2 – Qaladaadka waxaad u aragtaa fashil – Haddii qof kale uu sameeyo waxyaabo ka wanaagsan mida adigu aad hayso, waxaad isku aragtaa in aad fashilantay, sidoo kale waad qarisaa khaladkaaga adiga oo ka cabsanaya in aad ceebowdo. Ma tihid mid qaladkiisa qirta oo cashar ka qaata.

3 – Naftaada kuma qanacsanid – Qaasatan marka aad qalad samayso kor iskuma qaadid ee waxaad eedeysaa naftaada iyo adiga oo aan lahayn kalsooni aad wax ku qabato maadaama aadan is aaminsanayn.

4 – Waxaad ka cabsataa qataraha – Oo haddi aad samayso waxyaabo qatar leh waxaad ka cabsanaysaa in aad ku fashilanto, waliba adiga oo ay kaa maqantahay kalsoonidii aad ku guuleysan lahayd, sidaa darteed ayaad jeceshahay in aad ka dheeraato waxyaabah qataraha ka imaan kara sida in aad ganacsi abuurto ama aad loolan gasho.

5 – Waxay kaaga dhagantahay miraha – Kuma raaxaysatid in aad wax cusub barato ama aad gasho loolan xiiso leh oo aad wax cusub tijaabiso. Maadaama ay kaaga dhagantahay in aad natiijo gaadho.

6 – Waxkasta 100% ayaad jeceshahay – Waxaad tahay mid jecel in waxkasta ay yihiin 100% oo haddii taasi la waayo dareemaya in fashil ay tahay hawshaada.

7 – Uma adkaysan kartid dhaliisha – Maadaama aad tahay qof aad u qiimeeya fikradaha dadka kale, hadana waxaad tahay mid aan aqbali karin oo aan u adkaysan karin marka laguu soo jeediyo dhaliil ama la dhaliilo shaqada aad qabatay.

8 – Dadka kula shaqeeya ayaad cadaadis saartaa – Waxaad doonaysaa in qofkasta uu sida adigu aad wax u samayso ay u sameeyaan, oo haddii aysan wax u qaban sida aad doonayso oo laga yaabo mararka qaar in aysan macquul ahayn, ayaad eedaysaa dadka kula shaqeeya.  Tani ayaa keenaysa in xiriirka kaala dhexeeya dadka kale uu liito.

9  – Shaqada ma qeybisid – Maadaama aad doonayso in waxkasta 100% ay noqdaan isla markana aad ka cabsi qabto fashilka, ma aamin sanid dadka kale in ay shaqada si fiican u qaban karaan oo waxaad doonaysaa in waxkasta adigu aad dusha saarato.

10 – Waad wahsataa – Maadaama aad doonayso in waxkasta loo qabto si heer sare ah ayaad noqotaa mid wahsanaya maadaama aad aaminsatahay in aad 100% wax u qabato ama aadan waxba qaban. Tani oo keenaysa in aad fashilanto.

Marka aad fahanto 10-kaan dabaceedadood iyo sida ay xiriirka u leeyihiin ayaa waxaad dareemaysaa in haddii qaar ka mid ah dabeecadahaan aad leedahay in ay sabab u noqonayaan in aad kuwo kalena yeelato maadaama mid-ba-ay mid kale kuu dhiibayso.
Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir
in Badan si aqri...

Cuntooyin Oo Ku Haboonayn In Tallaagadda ama Finijeerka La Gashto Iyo Sababta Khubaradu U Diideen








Dad badan ayaa tallaagadda ku kaydsada cuntooyinka ay uga baqayaan in ay uxmaadaan, gaar ahaan xilliyada kulaylku badan yahay iyo bisha Ramadaanka oo cuntooyinka aad loogu gurto tallaagadaha, laakiin xeeldheerayaasha dhinaca nafaqaynta iyo waxtarka cuntadu waxa ay ka digayaan in tallaagadda lagu rito noocyo ka mid ah cuntada. Qormadan oo aynu ka soo xiganay warbaahinta Russia today, waxa aynu ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah cuntooyinkaas lagu talinayo in aan tallaagadda lagu kaydsan:

1. Muuska: Culimada Saynisku waxa ay sheegeen in heerkulka aadka u hooseeyaa (Qabowga aadka ahi) uu dilo ama yareeyo qaar badan oo ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee uu leeyahay.

2. Basasha: Qabowga badan ee tallaagaddu waxa uu dedejiyaa in basasho dhaqso u burburto ama xumaato, sidaa awgeed talada ugu fiicani waa in lagu kaydiyo meel hawada u furan, iyada oo laga taxaddarayo in diirkeeda laga dhilo marka aan isla markaa la isticmaalayn.

3. Barashada: Sida lagu ogaaday xog ururin cilmibaadhiseed oo laga sameeyey beeraleyda degmada Alberta ee dalka Canada, waxaa habboon in baradhada lagu kaydiyo meel heer-kulkeedu hooseeyo oo qallalan, isla markaana madow ah oo iftiinku aad ugu yar yahay. Sida la og yahayna tallaagada qabowgeeda waxaa wehehliya qoyaan ku samaysma shayga, taas oo aan u fiicnayn baradhada. Marka dhinaca caafimaadka laga eegana baradhada waxaa ku jira sonkor dabiici ah, taas oo sababta in Carbohydrate ka Guluukoosta leh ee baradhada ku jirtaa ay dhaqso isugu beddesho sonkor.

Sidoo kale waxa ay baadhistani ka digtay in baradhada lagu kaydiyo kiish bac (Plastic) ka samaysan, balse ay sida saxda ahi tahay in lagu kaydiyo kartoon warqad qaro leh ah oo leh daloollo hawo fiican uu ka heli karo.

4. Toonta: Toonta oo tallaagadda lagu ridaa waxa ay keentaa in ay hoosta ka burburto, in kasta oo dusha sare aanu muuqaalka qaabkeedu isbeddelin.

5. Afukaadho: Afukaadhada oo aan dalkeenna ka bixin, laakiin muddooyinkan dambe isticmaalkeedu ku soo badanayo ayaa ay khubaradu sheegeen in qabowga badan ee tallaagaddu uu hor istaago in ay iskeed u dhamaystirato wixii bisaylkeeda ka dhinnaa marka la soo gooyey, maadaama oo marka ugu haboon ee bisaylka midhaha la garan karin, waxaa muhiim ah in la ogaado in marka midhaha la soo gooyo ay badankoodu iskood u sii dhammaystirtaan wixii yar ee ka dhinnaa bisaylkooda, taas oo dhici weydaana waxa ay yaraynaysaa waxtarkii midhahani caafimaad ahaan ay lahaayeen.

6. Khubusta: Roodhida, laxooxda, khubusta diyaarsan iwm ah waxaa ku jira dareere dabiici ah oo ka ilaaliya in ay dhaso u qallafto, laakiin haddii tallaagadda lagu rido dhaqso ayaa uu dareerahaasi u qallalaa kadibna cuntadu isu beddeshaa qallaf.

7. Bunka: Midhaha Bunku waxa uu u baahan yahay in lagu hayo meel qabow, iftiin aan lahayn oo madow isla markaana qallalan, taas oo u ilaalinaysa dhadhanka iyo urta fiican ee bunka, haddaba haddii aad bun badan oo aanad isticmaalin haysato, waxa aad ku haysataa kiish si fiican u xidhan, laakiin ka ilaali tallaagadda.

8. Tamaandhada: Tamaandhadu marka tallaagadda lagu rido waxaa is beddela dhadhankeeda fiican, sidoo kale qabowga badani waxa uu hor istaagaa in ay dhamaystirato wixii bisayl ahaan uga dhinnaa, taas oo haddii ay dhamaystirmi lahayd sii wanaajinaysa faa’idooyinka caafimaad ee tamaandhada iyo dhadhankeeda.

9. Malabka: Malabka haddii lagu shubo weel si fiican u xidhan sannado badan ayaa la kaydsan karaa, sidaa awgeed uma baahna in tallaagad lagu rido, waayo khubarada caafimaadka cuntadu waxa ay xaqiijiyeen in qabowga badan ee tallaagaddu waxa uu adkeeyaa midhaha (qururuxa) sonkorta ah ee malabka gudihiisa ku jira, oo marka aanu qaboobayn aan la dareemin, laakiin haddii kale sida ciidda noqonaya, cunistiisana dhib ka dhigaya.

10. Kharaha ama Xabxabka: Caadi ahaan xabxabku inta uu isku daboolan yahay ee aan la’ kala jeexin uma baahna in tallaagad lagu xafido, in lagu hayo meel heer-kulka qolka caadiga ah leh ayaa ku filan in ay u ilaalso maaddooyinka dabiiciga ah ee ku gudo jira.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaana xaqiijiyey n xabxabka oo lagu kaydiyo tallaagaddu uu ku keeno in uu lumiyo qaar ka mid ah maaddooyinka ku jira ee faa’idada caafimaad u leh jidhka, maaddooyinka xabxabka ee ay tallaagaddu disho waxaa ka mid ah Beta-Caroline oo ah maaddada keenta midabkiisa casaanka ah iyo quruxda ay leedahay inta la cunayaa, marka uu qofku cuno ee jidhka ay gashana isu beddesha Faytamiin jidhka aad ugu fiican.

11. Saliid Saytuunta: Saliid Saytuuntu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka aanay u fiicnayn in tallaagadda lagu kaydiyo, waxa aanay ka dhigtaa adayg aan fiicnayn.

12. Khudradda lafta adag leh: Midhaha lafta adag leh ee uu ka mid yahay cambe Lafka/Maangaha ayaa iyagana haddii tallaagadda lagu kaydiyo waxaa joogsada dhamaysiranka bisaylkiisa oo sida caadiga ah iska socda xitaa isaga oo geedka ka soo go’ay, waxa aanay tallaagaddu dishaa curiyeyaasha iyo maaddooyinka cunto ee ku jira ee muhiimka u ah caafimaadka.
Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir 
in Badan si aqri...

Thursday, June 9, 2016

XISNUL MUSLIN  DHUFEYSKA MUSLINKA  حصن املسلم من أذكارِ الكتاب والسنة. 1aad

0 comments


Asc dhamaan Aqristayasha sharafta leh ku so dhawada BUUKA. XISNUL MUSLIN DHUFEYSKA MUSLINKA حصن املسلم من أذكارِ الكتاب والسنة
waxaa manta halkan ku xusaya ilaa 3ad Adkaar.. waa cashirki 1ad 
1- Fadliga xussida  ilaahay?
2- Ducada marka laga soo tooso hur-dada?
3- Ducada xirashada dharka?


Fadliga xussida  ilaahay  ركذلا لضف
           
             :ilaahay wuxuu yiri  :  ىلاعت لاق      
( نورفكت لاو يل اوركشاو مكركذأ ينوركذاف }
{ i xusa , aan idin xussee,(ajir idin siiyee)
iguna mahadiya hana igu gaaloobina}.
( اريثك اركذ للها اوركذا اونمآ نيذلا اهيأ اي )
 {kuwa xaqa rumeeyaw xussa ilaahay
xusid badan}
 تاركاذلاو اريثك للها نيركاذلاو) :ىلاعت لاق
.( اميظع ارجأو ةرفغم مهل للها دعأ
Alle wuxuu yiri: {raga inbadan ilaahay
xusa iyo haweenka inbadan  xusa,
wuxuu Eebe u darbay (diyaariyay) dambi
dhaaf iyo ajir weyn}.
 نودو ةفيخو اعرضت كسفن يف كبر ركذاو )
( ينلفاغلا نم نكت لاو لوقلا نم رهلجا
 {ku xus rabigaaga naftaada adigoo  
khushuuc(baryo) iyo cabsi muujinaya )18(
kuna jirto qaylo la,aan, aroor iyo galabba,
hana noqon kuwa halmaama xuska ilaa-
hay}.al-acraaf 205
 ركذي يذلا لثم) :ملسو هيلع للها ىلص لاق و 
(تيلماو يلحا لثم هبر ركذي لا يذلاو هبر
{ qofka rabbigii xusa iyo ka aan xusin
waxay lamid yihiin qof nool iyo qof
dhintay}.
 ريخب مكئبنأ لاأ ):ملسو هيلع للها ىلص لاق و
 يف اهعفرأو مككيلم دنع اهاكزأو مكلامعأ
 قرولاو بهذلا قافنإ نم مكل ريخو مكتاجرد
 اوبرضتف مكودع اوقلت نأ  نم مكل ريخو
 . ىلب اولاق ؟مكقانعأ اوبرضيو مهقانعأ
 ( ىلاعت للها ركذ  ) :لاق
 {Ma idiin sheegaa camaladiina ka ugu
khayr badan, uguna udgoonka badan
boqorkiina agtiisa, uguna sarayn badan
darajooyinkiina, idiin-kana khayr badan
inaad bixisaan(sadaqaysataan) dahab iyo )19(
qalin (lacag), kana sii khayr badan inaad
la kulantaan cadowgiina, kadibna aad
garaacdaan luqumahooda, iyaguna ay
garaacaan luqumihiina? Waxay dheheen:
haa (noo sheeg) wuxuu yiri s.c.w: {waa
xusidda ilaahay kor ahaaye}.
 للها لوقي )):ملسو هيلع للها ىلص لاق و  
 اذإ هعم انأو يب يدبع نظ دنع انأ :ىلاعت
 يف هتركذ هسفن يف ينركذ نإف ، ينركذ
 ريخ لأم يف هتركذ لأم يف ينركذ نإو ،يسفن
 اعارذ هيلإ تبرقت اربش يلإ برقت نإو ، مهنم
  يناتأ نإو،اعاب هيلإ تبرقت اعارذ يلإ برقت نإو
(ةلوره هتيتأ يشي
 Wuxuu yiri rasuulku s.c.w: wuxuu
leeyahay ilaahay kor ahaaye:{waxaan
ag ahay waxa uu iga filayo adoonkaygu,
aniguna isagaan lajiraa haddii uu
i xuso, haddii uu igu xuso naftiisa
dhexdeeda waxaan ku xusi naftayda )20(
dhexdeeda,haddii uu igu xuso qolo
dhexdoodna,waxaan  kudhex xusi qolo
ka khayr badan kuwaas,haddii uu iisoo
dhawaado taako, waxaan u dhawaan
dhudhun, haddii uu iisoo dhawaado
dhudhunna waxaan u dhawaan baac,
haddii uu ii yimaado isagoo socda
waxaan u imaan anigoo ruclaynaya.}.
 لاجر نأ هنع للها ىضر ةرسب نب للها دبع نعو))
 ترثك دق ملاسلإا عئارش نإ  للها لوسر اي:لاق
 لازي لا): لاق،هب ثبشتأ ءيشب ينربخأف يلع
.(للها ركذ نم ابطر كناسل
 Waxaa laga wariyey cabdullaahi ibnu
busrata a.k.r : in nini yiri:{ rasuul allow
waxaa igu badtay shareecooyinka
islaamka ee ii sheeg shay aan ku dhago?
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{yuusan ka
suulin carrabkaagu in uu ku qoyanaado
xusidda alle}.)21(
 أرق نم):ملسو هيلع للها ىلص للها لوسر لاقو
 ةنسلحا و ةنسح هب هلف  للها باتك نم افرح
 فلأ نكلو فرح(ملأ) لوقأ لا ،اهلاثمأ رشعب
( فرح ميمو فرح ملاو فرح
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{ qofkii akhriya
xaraf kamid ah kitaabka ilaahay wuxuu
leeyahay xasano, xasanadaasina waa
toban lamid ah, madhahayo: (aliflaamiim)
waa xaraf kaliya, laakiin alif waa xaraf
laamna waa xaraf miimna waa xaraf}.
 جرخ ) :لاق هنع للها يضر رماع نب ةبقع نعو
 يف نحنو:ملسو هيلع للها ىلص للها لوسر
 موي لك ودغي نأ بحي مكيأ ) :لاقف ةفصلا
 ينتقانب هنم يتأيف قيقعلا ىلإ وأ ناحطب ىلإ
 اي:انلقف ؟محر ةعيطق لاو مثإ ريغ يف نيواموك
 مكدحأ ودغي لافأ) :لاق .كلذ بحن للها لوسر
 للها باتك نم ينتيآ أرقي وأ ملعيف دجسلما ىلإ
 نم هل ريخ ثلاثو ينتقان نم هل ريخ لجو زع
 نم نهدادعأ نمو عبرأ نم هل ريخ عبرأو ثلاث)22(
(لبلإا
Waxaa laga wariyey cuqbah ibnu caamir
a.k.r inuu yiri rasuulka ayaa noo soo
baxay anagoo joogna suffah markaa suu
yiri: :{kiinee jecel inuu u kallaho maalin
kasta xaga (budxaan ama caqiiqba)
kadibna kala yimaada laba halaad oo
shilshilis si dambi la-aan iyo qaraabo
gows la-aani ku jirto? Waxaan dhahnay:
rasuul allow waan jecelnahay arintaas.
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{hadaba
muu u kallaho midkiin misaajidka oo
ogaado ama  uu akhristo laba aayadood
oo kitaabka ilaahay kamid ah ayaa 
uga khayr badan laba halaad, saddex
aayadoodna waxay uga khayr badan
yihiin saddex halaad, afarna waxay
uga khayr badan yihiin afar halaad iyo
tirooyinkooda oo geel ah}.)23(
 ادعقم دعق نم )::ملسو هيلع للها ىلص  لاقو
 نمو ،ةرت للها نم هيلع تناك هيف للها ركذي مل
 تناك هيف للها ركذي مل اعجضم عجطضا
( ةرت للها نم هيلع
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{qofkii
fadhiista fadhi uusan kudhex xusin
ilaahay, wuxuu ku noqonayaa
(fadhigaasi) qoomamo. Qofkii seexdana
meel uusan kudhex xusin  ilaahay,
waxay ku noqonaysaa meeshaasi
qoomamo(shallayto)}.
 موق سلج ام ):ملسو هيلع للها ىلص لاقو
 ىلع اولصي ملو،هيف للها اوركذي مل اسلجم
 نإو مهبذع ءاش نإف،ةرت مهيلع ناك لاإ مهيبن
(مهل رفغ ءاش
 Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{ ma
fariisan qolo fadhi aysan kudhex xusin
ilaahay,kuna salliyin nabigood, haddii
ay yeeleen sidaas wuxuu ku noqon )24(
fadhigaasi shallayto (qoomamo),
ilaahayna haddii uu doono wuu cadaabi
haddii uu doonana wuu u dambi dhaafi}.
 موق نم ام )::ملسو هيلع للها ىلص لاقو
 لاإ هيف للها نوركذي لا سلجم نم نوموقي
( ةرسح مهل ناكو رامح ةفيج لثم نع اوماق
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w:{majiraan qolo
ka kacaysa fadhi iyagoon ilaahay xussin,
hadday jiraana waxay ka kaceen wax
lamid ah dameer bakhtigiis, waxaana u
sugnaatay qoomamo}.
1- Ducada marka laga soo tooso hur-
dada.
 هيلإو انتامأ ام دعب انايحأ يذلا لله دملحا )) 1-
.(( روشنلا
1- {al-xamdu lillaahi alladii axyaanaa
bacda maa amaatanaa, wa ilayhinnush-
uur}.
“mahad waxaa iska leh allihii na )25(
nooleeyay intuu na dhinsiiyay
kadib, xaggiisuuna ahaaday soo
bixitaanku(maalinta qiyaamaha)”.
 كللما هل هل كيرش لا هدحو للها لاإ هلإ لا ) 2-
 للها ناحبس ريدق ئش لك ىلع وهو دملحا هلو
 لاو لوح لاو ربكأ للهاو للها لاإ هلإ لاو لله دملحاو
 (يل رفغا يبر ميظعلا يلعلا للهاب لاإ ةوق
2-  {laa ilaaha illallaahu waxdahu, laa
shariika lahu, lahul mulku wa lahul-
xamdu wa huwa calaa kulli shey-in
qadiir,subxaanallaah, wal-xamdu lillaah,
wa laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar,
walaa xawla walaa quwwata illaa bil-
laahi al-caliyyi al-cadiim rabbi iqfirlii}
“ilaah xaq lagu caabudo majiro ilaahay
mooyee, kaligii cid wax la wadaagtana
ma jirto, wuxuu leeyahay boqornimo,
wuxuuna leeyahay mahad, wax kastana
wuu awoodaa, illaahaybaa ka huffan )26(
xumaan,mahadna leh, ahna ilaaha xaq
lagu caabudo, allaana weyn, xeelad iyo
awoodna waxay u sugnaadeen allihii
sareeyay ee weynaa , rabiyow ii dambi
dhaaf }.
 درو يدسج يف ينافاع يذلا لله دملحا )  3-
  (هركذب يل نذأو يحور يلع
3- {al-xamdu lillaahi, alladii caafaanii
fii jasadii, wa radda calayya ruuxii, wa
adina lii bidikrihi}
«mahad ilaahaybaa leh, allihii ii caafiyey
jidhkayga, iina soo celiyey ruuxdayda,
iina ogalaaday xusiddiisa».
 فلاتخاو ضرلأاو تاوامسلا قلخ يف نإ ) 4-
 رخأ يلإ ( ...بابللأا يلولأ تايلآ راهنلاو ليللا
.نارمع لآ يهو ةروسلا
2- Ducada xirashada dharka       
 بوثلا اذه يناسك يذلا لله دملحا )5-
 (ةوق لاو ينم لوح ريغ نم هـيـنـقزرو)27(
5 -{alxamdu lillaahilladii kasaanii
haadaa, {al-thawba} wa rasaqaniihi min
qayri xawlin minnii walaa quwwah}
“mahad waxaa leh allihii ii xiray maradan,
iguna irsaaqay  iyadoon jirin, xeelad iyo
awood ka ahaatay xaggayga”.................

Qoraalka waa u sisocda 
lasoco cashirka 2ad ee 
XISNUL MUSLIN  DHUFEYSKA MUSLINKA
 حصن املسلم من أذكارِ الكتاب والسنة. 

Q/W: Mohamed Abubakar Abdulkadir 

in Badan si aqri...

Wednesday, June 8, 2016

OGEYSIIS MUHIIN AH WAXAA MANTA BILAWIDONA KUTUB AD IYO AD U MACAN OO NOLASHADA ISBADAL KU RIDAAYO حصن املسلم من أذكارِ الكتاب والسنة.OO LAKU TARJUMAY AFKA-SOOMAALIIYAA

0 comments



OGEYSIIS MUHIIN AH WAXAA MANTA BILAWIDONA KUTUB AD IYO AD U MACAN OO 
NOLASHADA ISBADAL KU RIDAAYO حصن املسلم من أذكارِ الكتاب والسنة.OO LAKU TARJUMAY AFKA-SOOMAALIIYAA
XISNUL MUSLIN
DHUFEYSKA MUSLINKA



Hordhac
 Mahadda ilaahaybaa leh, isaga 
ayaan mahadinaynaa, kaalmo iyo danbidhaafna waydiisanaynaa, waxaana 
uga magan galaynaa ilaahay shararka 
nafaftayada, iyo xumaanta camaladana, 
qofkii ilaahay hanuuniyana wax lumin 
karana majiro, qofkii uu lumiyana wax 
hanuunin kara majiro. waxaan qirayaana 
inuu san-jirin ilaah xaq lagu caabudo 
ilaahay mooyee, kaligiina wax lalama 
wadaago, waxaan kaloon qirayaa in 
nabi muxammad yahay adoonkii ilaahay 
iyo ergaygiisii, naxariis iyo nabad galyo 
korkiisa ha ahaatee isaga, ehelkiisa, 
asxaabtiisa iyo kuwii ku raacay wanaag 
ilaa maalinta qiyaamada.
Intaa kadib:
Kani waa kitaab gaaban, oo an ka-

soo gaabiyey kitaabkaygii ku magac 
baxay{addikru wadducaa wal-cilaaju 
birruqaa minal kitaabi wassunnati} 
waxaana kasoo gaabiyey kitaabkan 
qeybtii ducooyinka, si uu u noqdo khafiif 
la qaadan karo safarada. Waxaan 
ku ekaadayna ducooyinka kaligood, 
axaadiistoodana waxaan ku kaaftoomay 
inaan u saleeyo hal iyo labakitaab qofkii 
doonaya aqoon korarsi xaga xadiiska 
iyo saxaabiga wariyeyna, ha u noqdo 
kitaabkayga aan kor ku xusay.
ilaahay waxaan ku waydiisanayaa 
magacyadiisa wanwanaagsan, iyo 
tilmaamihiisa sareeya, in uu ka yeelo 
{kitaabkan} mid loola jeedo wajigiisa 
wanaagsan, iyo in uu igu anfaco 
camalkan nolashayda iyo geeridaydaba, 
iyo in uu ku anfaco qofkastoo akhrista, 

 fadlan gaadhsii walaalkaa muslinka ah.



Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir



in Badan si aqri...

Kartoon Adkaar waysada, adinka iyo salaada

0 comments



Kartoon Adkaar waysada, adinka iyo salaada
ka fa'ideysi wacan 


Halkan Hose Ka Daawo


in Badan si aqri...

Sunday, June 5, 2016

RAMADAN KAREEM: Waajibaadka Iyo Axkaamta Uu Leeyahay Bisha Barakeysan Ee Ramadan Iyo Fadligiisa

0 comments



Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.
Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”.

Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan?
Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah
  • Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal
  • Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aanka kariimka
  • Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda
  • Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii badar ee dadka taariikhda aqriyey la socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday
  • Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo balanqaaday oo ahayd furashadii Makkah Al-Mukarramah, dadkii reer Makkana ay Islaamka u soo galayeen iskadaba joog
  • Waxaa la furaa bisha Ramadaanka albaada jannada, waxaana la xiraa albaabada naarta iyo shayaadintaba. Laakiinse shayaadiinul insi nagama maqna (dadka alle ku caasigaroobay)
Marka waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan waa nicmatullah uu Alle u gaar yeelay inta rumeysay si ay uga faa’idaystaan khayraadkaasi faraha badan ee bisha Ramadaan.
Marka la soomayo Ramadaanka
Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar la qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeesa buuxsamo.
Maxaa la xiriira Soonka
Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur’aanka iyo sunnada ku xusan. Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa. Qofkii afura maalin soon isago haysan cudur daar caqli gal ah, waa danbiile weyn. Haddii la seego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar la’aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo baana door roon.
Waamaxay waajibaadka Soonka
Dunida aan maanta ku nool nahay wax walba waajibaad bay leeyihii bal aan fiirino waajibaadka Ramadaanka waana kuwan
1. Waxaa waajib ku ah qofka sooman inuu ka tago xanta iyo beenta, xantana waxaa la yiraahdaa in aad qof walaalkaa ah ama walaashaa ah aad ka sheegto wax uu dhibsanayo haba ahaato
2. tilmaantaa. Namiimnimada oo ah warka loo kala qaado dadka dhexdiisa oo dabadeedna ay dadkii is dhexmaraan ama ay dhalato fidno iyo fasaad
3. Lacnada (oo habaarida ah)
4. Cayda waa inuu iska ilaaliyo oo aanu afkiisa ka oran eray xun noocuu doono ha noqdee isla markaana uusa dhageysan, indhihiisa waa inuusa xaaraan ku fiirin, carrabkiisana uu ka dhowro inuu ku hadlo wax xaaraan ah, sida beenta ama hadal been ah oo la abuurto. Rasuulkii Allena isgoo ka hadlaya arrimahan soo sheegnay wuxuu yiri. (“Qofkii aan iska dayneyn, beenta iyo ku dhaqankeeda Ilaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntadiisa iyo cabbiddiisa”).

Maxaa Soonka buriya
1. Cunto iyo cabid kas ah, Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan sidaa daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isgoo sooman inuu wax cabo ama cuno Alle wuu u ogolaaday soonkiisa inuu jira
2. Galmada yacni adiggoo afadaada jaamacdo maalinnimo nooc kasta ha ahaatee, sidoo kale waa la mid ah manida (shahwada) qofka sooman soo jeed kaga timaado. Laakiinse waxba kuma jabna inuu nin la fadhiisto afadiisa, dhunkado waayo tani aalaaba ma keento shahwo laakiinse haddii uusan qofku hanan karin naftiisa inuu ka dheeraado (afadiisa) inta maalinnimada ah.
3. Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqa sideyaasha ah.
4. haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo 5. Ismatajin kas ah, haddiise aan la iska keenin soonku kuma burayo
6. ka bixidda diinta Islaamka (riddoobid), Allaa ka magan galne’e

Soonka waajibka ah
Haddii uu qofku nidar ku galo inuu soomo amaba ay tahay inuu soomo kafaaro gud ahaan dambiyo ka dhacay oo soomid loo waajibeyey, qofkaa waxaa saaran inuu soomo maalmaha cayiman ee waajibka ah inuu soomo, haddii aysan maalmahaa cayinayn, inuu dhakso iska gudo baa dhowrsanaan badan
Soonka sunnada ah
Soonkani waa sunne uu Nabigu (s.c.w) naf ahaantiisu soomay, Muslimiintana ku booriyey inay soomaan, inkastoo ajar weyni ku jiro, haddana waajib kuma aha inuu qofku soomo, waana kuwakan soonanka sunnada ah;
  • Cashuura- 9ka iyo 10ka bisha Muxarram dago
  • Soomidda maalinta Carafaad, 9ka bisha xajka, haddii uusan qofku xaaji ahayn
  • Soomidda maalmaha nayla qaadka (ayaamul bayd) 13ka 14ka 15ka bil dayaxeed kasta
  • Lix maalmood oo laga soomo bisha Shawwaal (soon fur)
  • Soomidda isniin iyo khamiis waliba
  • Siddeedda maalmood ee ugu horreeya bisha xajka (carafo)
Soonka karaahiyada ah
  • Soonka la soomo oo keliya sabtida, ama axadda, ama jumcaha
  • Soonka sunnada aha ay soonto haweeney idan la’aan ninkeeda isagoo jooga
  • soonka isku bixis maalmaha loo soomo iyadoon la afurayn, oo aan kala goa’lahayn oo loo yaqaan (Wisaal).
Soonka xaaraanta ah
Waa wax reebban inaan soonno maalmaha soo socda
  • Maalinta ciidda Soonfur
  • Maalinta ciida Al-Adxaa
  • Maalmaha hilba waradka (waa 11ka. 12ka. 13ka ee bisha xajka) marka laga reebo qofka hadyigu waajib ku yahay ee aan heli karin ee ku soomaya xajka intuusan u laaban ehelkiisa.
Shuruudaha Soonka
Shuruudaha uu ku ansixi karo soonku waa laba noox:
  • Shuruudaha ansixidda oo ka dhigaya soomidda ansax
  • Shuruudaha aasaasiga ah oo la doonayo in lahelo la’aantoodana soonku qofku waajib ku ahayn
Shuruudaha ansixidda iyo aqbalidda Soonka
  • Inaad tahay Muslim, soomidda qofka gaalka ah ma aha ansax
  • Inaad tahay daahir (haweenka) waa inay ka yihiin daahir caadada (xaydka) iyo (Nifaaska) dhiiga la yimaada dhalmada
  • Inaad niyaysato habeennimada soonka maalinta xigta, niyadduna waa inaan lagu dhawaaqin, maxaalkeeduna (booskeeda) waa qalbiga. Qofka walibana gaarkii buu u niyaysan haddiina uusan qofku horay uniyaysan xittaa haddii uu markaa ka af qabsado oo uu ka joogo dhammaan waxa ka reebban qofka sooman, soonkiisu ma ansaxayo
  • Waa inaad tahay qaan gaar; Soonka lagama rabo ilmo aan baaluqin
  • Inaad garowsantahay faral ahaanta soonka.
  • Inaad fayowdahay oo aad caafimaad qabto; waa inaad ka maran tahay tabar darro gaarsiisan heerka ay shareecadu qofka ka cafido inuu soomo.
Qaybaha sunnada ah ee Soonka
  • Waa sunno inaad wax cunto ama cabto oogga ka hor (yacni inaad suxuurato) walow aad qaadato dhowr xabbo oo timir ah ama dhowr kabbo oo biyo ah.
  • Waxaa sunno ah inaad dib dhigto suxuunta oo aad qaadato wax yar ka hor waaberiga.
  • Waxaa sunno ah in dhakhse loo afuro marka qorraxdu dhacdo, intaan salaadda la tukan, iyadoon lagu talax tagayn si waqtiga salaadda loo dhowro
  • waxaa sunno inaad afurka ku af billowdo timir ama biyo cad Rasuulkii Allena wuxuu yiri: (”Dadka khayr kama suulayaan inta ay afurka dedjinayaan suxuurashadana dib u dhigayaan”).
Sida aad u billaabayso oo u afurayso Soonka
Waxaa la isugu diyaariyaa soonka suxuurta oo la qaato wax yar ka hor waaberiga.
Nebigu (s.c.w) aad buu ugu dadaali jiray suxuurta oo ahmiyad gaar ah ayuu siin jirey, wuxuuna yiri: (”Suxuurta cunisteedu waa barako ee ha ka tegina kabbo biyo ahna ahaatee, sababtoo ah Ilaahay iyo Malaa’igtiisuba waxay xusaan oo u duceeyaan kuwa suxuurta”).
Rasuulku asxaabtiisa wuxuu ku dhiiri gelin jirey inay suxuurtaan, wuxuuna oran jirey: (”Suxuurta suxuurta barako ayaa ku jirtee”).
Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga ka sugnaatay, waxaana kala saara soonka Muslimiinta iyo soonka Yahuudda iyo Nasaarada, Muslimiinta way suxuurtaan marka ay soomayaan, halka aysan Yahuudda iyo Nasaarada ka suxuuran. Xittaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo oo caano ama biyo ah.
Muxuu qofka soomani ku afurayaa?
Waxaa sunno ah inaad ku afurto Rudub (timir busur yac yacood ah) ama timirta kale, haddii aad weyfo kuwaas qofku wuxuu ku afuri karaa biyo cad, sidaas buuna yeeli jirey Nebigu s.c.w.
Anas a.k.r. wuxuu yiri: (Nabigu s.c.w. wuxuu ku afuri jirey dhowr xabbo oo timir busur ah intuusan salaadda maqrib u soo bixin, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey timirta kale, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey xoogaa biyo ah.) [Waxaa weriyey At-Titmidi iyo Abuu Daawuud]
Wuxuu sidoo kale Nabigu ku dhiiriyey asxaabtiisa inay isla sidaa u afuraa. Timirta guud ahaan waxaa aad looga helaa Jasiirada Carabta. biyahana sidoo kale waa wax meel walba laga helo, gunta arrintaasina waxay ahayd inaysan dadku dhib kala kulmin furidda soonkooda oo ay ku afuraan waxyaalaha guud ee la heli kar. Dhinaca kale timirtu waxay qofka u kabtaa wixii jirkiisa siin karay tamar iyo xoog. Biyuhana ma aha wax guud oo keliya ee la heli karo ee waa daahir wax daahiriya.
Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka debedda iyo gudahaba. Markii uu qofka soomani ku afuro soonkiisa biyo qabow oo nadiif ah haraad maalin dhan ah, waxaa hubanti ah inuu dareemi doono farxad iyo raynrayn iyo abaal uu u hayo Alle kor ahaaye.
Sidaa oy tahay, ma aha inuu qofku naftiisa tahlukeeyo oo dhibaateeyo isagoo taqwo u suubanaan u jeeda ee waa inuu ku afuraa waxyaalaha kale. Waxaa jira wardiyo iyo ducooyin lala yimaado waqtiga afurka ama dabadi. Wardiga aad la iman afurka kaddib: (Dahabad- dama’u wabtallatil curuuqu wathabal ajru inshaa Allaah). Oo la macne ah (Waan oon baxay oo xididadii qoyeen oo haddii Alle idmo ajarku waa sugan yahay).
Ajarka weyn ee ku jira afurinta qof sooman
Inaad siiso cunto, cabbitaan uu ku afuro qof soomman waxaa ku jira ajar weyn oo waa sunno nalagu booriyay. Waxay barako u tahay qofka wax afurinaya iyo kan la afurinayaba xittaa haddii uu ku sadaqaysto afuriyaha dhowr luqmadood ama hal timir ah ama labo, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisoo kale, iyadoon qofkii soommanaa ajarkiisa waxba laga nusqaaminayn).
Arrimo kuu oggolaanaya inaadan Soomin
Waxaa jira arrimo kuu oggolaanaya inaadan soomin, waana sida soo socoto
  • Inaad ku jirto safar
  • Inaad tahay bukaan
  • Inaad ilmo siddo (xaamilo tahay)
  • Inaad ilmo nuujineysida
  • Da’ iyo tabar darro daran inay ku heyso gaarsiisan heerka lagu rukhsadeeyo afurka.
  • Inaad mashaqo kala kulanto soonka halis la hubo gelineysa naftaada.
Xaamiladda iyo nuujisadu hadday u baqaan ilmaha ay nuujinayaan ama kan caloosha ku jira way u bannaan tahay inay afuraan, wayna qallaynayaan soonkii, waxaana ugu wanaagsan inay qalleeyaan sida ugu dhaqsi badan ee ay karaan, waxayna bixinayaan oo qallahooda raacinayaan quudin miskiin intii ay afureen (ama siin qadar in dhan kiilo iyo bar oo bariis ama galley ah, ama mesego, iwm, miskiin maalintii, sidaa awgeed haddii ay afureen bishii oo dhan waxay bixinayaan jawaan bariis ah, ama wax la mid ah oo 45 kiilo ah iyagoon qalleynayana soonkii). Laakiin haddii ay naftooda u baqaan way afurayaan kaddibna waxay qallaynayaan soonka markay awoodaan sida ugu dhakhso badan, quudinna lagama rabo.
Qofka da’da ahi ee aan karin soonka wuxuu quudinayaa maalin walba oo soon ah. qof waxaa isna sidaas oo kale ah kan jirran oo qaba cudur aan laa rajo qabin ka bogashadiisa.
Xaaladda qofka loo rukhseeyey inuu soonka jebiyo
  • Qofka waa loo oggol yahay inuu soonka jebiyo haddii jirro ku soo booddo, ama shil galo iwm. oo qofka xaalladiisu halis tahay.
  • Qofka waa loo oggol yahay inuu jebiyo soonka haddii cudur kaasi aanu khatar ahayn, hase yeeshee halis noqonayo haddii aan soonka la furin.
  • Qofka waa loo oggolyahay inuu Soonka jebiyo haddii uu la kulmo gaajo, haraad daran oo ka baqo in wadiddiisa dhib ka imaanayso.
Faa’iidooyinka soonka
  • Faa’iidooyinka ssonka waxaa kamid ah qofka inuu ka barto sabar, iyo inuu taqwo ka korarsado
  • Waxay kaga faa’iidaysan karaan walaalaheen Muslimiinta ah ee sigaarka iyo qaadka ku ibtileysan iska daynta waxyaalaha xun, ayna ogaadaan in Alle dartiis qofkii uga taga shay xaaraam ah in Alle ugu beddelo wax ka qayr badan
  • Waxaa kaloo uu leeyahay soonku faa’iidooyin bulsheed oo ah inay dareemaan midnimo iyo inay jeclaadaan caddaaladda iyo sinnaanta
  • Waxaa kaloo soonku leeyahay faa’iidoooyin caafimaad ah sida inuu daahiriyo caloosha iyo xiidmayaasha iyo jirkaba, wuxuu ka fududeeya qofka culayska cayilka, baruurta
  • Waxaa kaloo ka mid ah faa’idooyinka soonka qofka qaniga ah wuxuu ogaanayaa qaddarka Nimcada Rabbi siiyey oo aanay haysan qaar badan oo fuqaro ah.

Q/W: Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir




                                                              Halkan ka Dawo 


in Badan si aqri...