Friday, March 25, 2016

Farsamo Aad Xayrta Caloosha Ugu Baabi’in Karto

Farsamo Aad Xayrta Caloosha Ugu Baabi’in Karto 7 Maalin

                   



Daraasad laga soo saaray dalka ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay jiraan waddooyin lagu baa bi’in karo xaydha caloosha muddo 7 maalin ah
Cilmi baadhistaan laga soo saaray dalka ingiriiska ayaa lagu sheegay in haddii la joogteeyo qodobbada soo socda ay ka dhacayso jidhka 3 kg todobaadka kastaba.
In la qaato 3 cunno maalintiiba: iyada oo labada xilli ee qadada iyo cashada ay noqonayso cunno adag, halka tan kalana ay fududaanayso.
Gaajada iska ilaali: waayo baahida badan waxa ay saamaynaysaa heerka sonkorta dhiigga.
Subaxwalba af bilow hakuu noqdo koob biyo diirran ah: haddii ay kuu suurta galaysana in aad ku darsatid liin, sidoo kale waxaa habboon in uu qofku cabo maalintii 6 ilaa 8 koob oo biyo ah.
Ka dheeraw cunitaanka roodhida: khamiirka ku jira roodhga waxa uu keenayaa in caloosha ay gasho neef ama hawo, taas oo hilibka iyo xaydha sii kordhinaysa.
Ka fogow cunnooyinka ay sonkorta ku badantahay, taa baddalkeedna isticmaal khudaarta.
Ka fogow inaad milix badan ku darsatid cuntada, waayoo milixdu cuntada ay ku badantahay waxa ay biyaha ku xayiraysaa jidhka gudihiisa.
Raashinka in loo cuno si daggan oo tartiib ah, waayoo raashinka oo la boob lagu cuno waxa uu keenaa in dhaqsa uu qofku dhargo, kadibna uu cabbudhsamo.
Digirta cun:  dadka sida joogtada u cuna digirta ayaa daraasadu sheegtay in durba dhexdeedooda iyo miisaankoodu yaraado marka loo fiiriyo dadka aan cunin.
Daraasadan kasoo baxday dalka ingiriiska ayaa lagu sheegay in qoddobadaa ay yihiin kuwa ugu munaasabsan ee looga hor tagi karo hilibka badan ee caloosha.

Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir ( Dalnuurshe )




Share this article :

0 comments: