Saturday, October 8, 2016

Calaamadaha Lagu Garto Haduu Jidhkaagu Sumaysan Yahay & Sida Sunta Jidhka Looga Saaro






Waxaa jira arrimo badan oo sababi kara in suntu ay u gudubto jidhkaaga sida qaadashada cuntada aan nadiifta ahayn, sigaar cabbista, jimicsi la’aanta iyo wasakhowga hawada.
Symptoms If the body is poisoned as toxins from the body

Waxaa jira cuntooyin ku wasakhaysan bakteeriyo oo sababi kara sumowga, waxaa dhici karta in cuntooyinkani ay u egyihiin kuwo aan wasakhaysnayn marka la eego muuqaalkooda, dhadhankooda iyo urtooda.
Sida ay dhakhaatiirtu sheegaan, jidhka bini aaadamku waxa uu iska yareeyaa ama iska saaraa sunta xilliyada kaadida iyo dhididka.

Calaamadaha aad ku garan haduu jidhkaagu sumaysan yahay:

In muuqaalkaaga carrabkaaga uu isbedelo oo uu noqdo huruud ama cadaan.
Cuncunka jidhka
Madax wareer joogto ah
Daal joogto ah
Hurdo la’aan
Dildilaaca dibnaha
Sida sunta jidhka looga Saaro

Dhidid badan oo la iska keeno.
Sharaabka laga sameeyo sinjibiisha, liin dhaanta iyo tufaaxa. Waa la  isku qooshaa waxaa la cabbaa aroorta hore quraacda ka hor. Sharaabkaan ayaa maalin gudaheed jidhka kaga sifeeya sunta.



                                  Halkaan ka Daawo Xuseen Kurdi oo Faahfaahinaya Arintan



Share this article :

0 comments: