Sunday, November 13, 2016

Google Oo Ka Tallaabsatatay Shirkadda Apple Noqotayna Shirkadda Aduunka Ugu Qiimaha Badan

Shirkadda Alphabet oo ah shirkad la sameeyey sannadkii 2015ka si ay isugu ururiso shirkadda Google iyo dhammaan faracyadeeda oo ay u noqdaan hal shirkad ah, ayaa qiimayntii u dameeyey ee shirkadaha dunida lagu sameeyey ku noqotay shirkadda ugu qiimaha badan dunida oo dhan, kadib markii ay rubuc-dhammaadkii afaraad ee sannadkii 2015ka gaadhay guulo maaliyadeed oo aad u waaweyn.
Shirkadda Alphabet saddexdii bilood ee u dambeeyey sannadkii 2015 waxa uu dakhligeed ugaadhay 21.3 Bilyan oo doolar, iyada oo faa’idadeeda saafiga ahina ahayd 4.9 Bilyan oo doolar, saddexaad bilood. Waxa aanay sidaas kaga tallaabsatay shirkadda Apple oo qiimaha ay suuqa ka joogtaa marayo 535 Bilyan oo doolar.
Sida la xasuusan yahay markii ugu dambaysay ee shirkadda Google ay ka qiimo sarrayso shirkadda Apple waxa ay ahayd bishii Feebarweri ee sannadkii 2010ka, xilligaas oo labada shirkadoodba qiimaha ay suuqa ka joogaan ahaan jiray 200 oo Bilyan oo doolar, waana ka hor intii aanay shirkadda Apple soo saarin IPad kii u horreeyey, talefannadeedana uu ugu dambeeyey iPhone GS 3.
Kor u kaca shirkadda Google waxa uu la soo bilowday ku dhawaaqistii adeegga e-mail ka ah ee Gmail (Google Mail) oo helay macaamiil si firfircoon u isticmaala oo bil kasta tiradoodu ka badan tahay Bilyan ruux, taas oo macnaheedu celcelis ahaan u dhigmayo in qiyaas dadka dunida marka toddoba meelood loo qaybiyo ay meel ahaani isticmaasho GMAIL. Adeegyada kale ee Google ku horumaray waxaa ka mid ah, baadhista Google ka, barnaamijka Android, khariiradda Google, Google Chrome, You Tube iyo Google Play oo mid kasta dadka isticmaalaa ay ka badan yihiin Bilyan qof. Bishii May ee sannadkii 2015ka dadka isticmaala Gmail waxa ay tiradoodu dhaaftay 900 oo milyan.
Q/W: Mohamed Nour

Share this article :

0 comments: