SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA

wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/






Sunday, January 10, 2016

sheeko qosol badaan wiil somalia ah by somalia software

0 comments

Waa maxay qabiilku, se maxay tahay qabyaaladdu? Ma farqi baa u dhexeeya mise waa ba isku mid? Hadday isku mid yihiin siday isku mid u noqdeen? Hadday kala duwanyihiin maxay ku kala duwanyihiin?
waa suaal da weyn dalka yaa iska leh?????



Waa maxay qabiilku, se maxay tahay qabyaaladdu? Ma farqi baa u dhexeeya mise waa ba isku mid? Hadday isku mid yihiin siday isku mid u noqdeen? Hadday kala duwanyihiin maxay ku kala duwanyihiin?
Se bulshadeennu ma kala taqaannaa qabiilka iyo qabyaaladda?
Inta aynaan u gelin ka warcelinta weydiimahan aynnu isla garanno macnaha qabiilka, dabadeedna aynnu isla fahanno waxay tahay qabyaaladdu. Aadamaha adduunkan ku nool oo dhami wuxuu kasoo tafiirmay Aadan, waxayna soo mareen ilaa maantana maraan marxalado kala duwan oo kala ah qof, qoys, qabiil, qoomiyad, qaran iyo qaarad.
Balshadu waa guntumo midba midda kale ku sidkan tahay, aasaaskeeduna yahay qof iyo qofaf kale oo qoys noqday, una sii gudbay qabiil abtirsiinyo wadaaga ah, qabiilooyin isku summad ah ama aan ahayn oo deegaanno wadaag ah. Kuwaas ayaa unka qoomiyad si uun isku mid u ah hadday tahay mid dhaqan iyo mid dhaqaale. Qaranku waxa uu ka kooban yahay qoomiyad ama qoomiyado, qaaradaha adduun kuna waa qarammo ka isiran qoomiyado ka unkamay qabiilooyin isu tegay
BULSHADU MA KALA TAQAANNAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
Sida ay maanta wax walbaaba iskaga keen khladameen ayay qabiilka iyo qabyaaladduna is kaga keen murugsan yihiin. Haddii la arko qof magac qabiil soo hadal qaadaya waa qabyaali, haddii la arko nin wax uu gaar u leeyahay ugu deeqaya degmo ama tuulo reerkiisu degaan waxa la odhanayaa waa qabyaali, haddii la arko nin reerkiisa arrin samo ah la wada waxa la odhanayaa waa qabyaali haddii… haddii…. Bal se dadkuba isma weydiiyaan waxa ay kala yihiin qabiilka iyo qabyaaladdu! Dadkuba ma arkaan qabyaaladda jirta balse meel hoose ayay ka eegaan qabyaaladda, qabyaaladduna maanta bulshada dhexdeeda waa ta ugu xoogga badan, waana mabda’a ugu tunka iyo muruqa wayn bulshada dhexdeeda. Bal aynnu isla fahanno qabiilka iyo qabyaaladda.
QABIILKA
Qabiilku waa qoysas ka yimi qof iyo qofaf isku isir, sowrac, sumad iyo ab ah. In qoys, iyo qabiil la ahaadaa waa sunne kowni ah oo uu Rabbi ugu talo galay. Maadaama qabiilku yahay summad koox dad ahi wadaagaan ula jeedkiisu waa in laysku aqoonsado, laysku xidhiidhiyo, laysku wanaajiyo, wanaagga lays kugu kaashado, xumaantana lays kaga kaashado, laysugu daryeelo laysugana garto, la isugu kaalmeeyo, loona adeegsado isku xidhnaanta. Xikmadda ka danbaysa in qabiilooyin la ahaadaa waa mid si walba inoogu muuqata.
QABYAALADDA
Ku dhaqanka afcaasha iyo ablayaasha taban ee qabiilka ayaa la yidhaahdaa qabyaalad. Qabyaaladdu waxay timaaddaa marka qabiilka loo isticmaalo wax kasta oo ka soo horjeeda sifooyinkiisa wanaagsan. Dhanka togan ee qabiilku waa ula jeedka xaqiiqiga ah ee Alle u abuuray. Haddaynnu si kale u nidhaahno, qabyaaladddu waa u adeegsiga magaca qabiilka dano gaar ah oo aan bulshada midaynnin. Sidoo kale, qabyaaladdu waa marka magacyada qabiilka loo isticmaalo kala sarraysiinta bulshada, kala faquuqidda, kala qoqobka, iyo isliidka bulshada dhexdeeda ah. Qabyaaladdu waa marka aad laba qof ku kala dhaweysato ama ku kala jeclaato abtiirsiinyada. Waxaan odhan karaa afcaasha ama ablayaasha taban ee qabiilku waa danaysiga qabiilaysan (danta ku dhisan anfac siinta qabiil gaar ah), is dulleynta reeraysan (bulshada oo loo kala sarraysiiyo hayb ahaan), is collaysi iyo cadaawad ku salaysan abtirsiinyo hayb hayb ah.
SOOMAALIDA IYO QABIILKA
Soomaalidu waa dad qabiil qabiil ah sida ay bulsho weynta aduuunkuba tahay, bal se waxa ay kaga duwan tahay iyada waxa haga magaca qabiilka iyo caadifaddiisa, si ka duwan caadifadda mabaadi’da kale. Maadaama uu qabiilku yahay sunne kowni ah oo sinnaba loo dhaleecayn karin ama loo tir tiri karin, waxa aynnu odhan karnaa waa mid faa’ido ballaadhan u leh jiritaanka ummadaha. Laakiin waxa lagama maarmaan ah in bulshada soomaalidu aqoonsato ula jeedka qabiilka, kaddibna u daymo lahaadaan caadifadda qabiilka.
Soomaalidu waxa ay u dagtaa deegaannada ay deggan yihiin sida ay isu hayb iyo abtisiinyo xigaan, degaan walbaana wuxuu xigaa degaanka ugu ab iyo oday dhow. Si taas la mid ah ama aan la mid ahayn, waxa ay isu caawiyaan sida ay isugu abtirsiinyo dhow yihiin, waxa ay isaga war hayaan sida ay isugu haybta yihiin, waxa ay isugu hiiliyaan sida ay isugu ab yihiin. Sidaas iyo siyaalo kale oo badanna waxa ay wax isugu qabtaan siday isugu kala hayb, ab, iyo summad dhow yihiin, taasina maaha mid xun. Aniga iyo si-u-araggayga, taas waabay ku ammaanan yihiin.
SOOMAALIDA IYO QABYAALADDA
Marka laga hadlayo xumaanta qabyaaladda meel kale ha ka doonin ee bal u fiirso soomaalida. Waxa maanta gumeeyey waa qabyaaladda, waxa kala irdheeyey waa qabyaalad, waxa kala qoqobay waa qabyaalad, waxa gunnimada, saboolnimada, jahliga, dulliga, iyo darxumada ugu wacani waa darajada ay ka gaadheen qabyaaladda. Meel aad u sarreysa oo bulshooyinka adduunku malahayga hore aanay uga gaadhin dib na aanay uga gaadhayn ayay soomalidu qabyaaladda ka gaadhay.
Maskaxdoodu xor ma aha oo qabyaalad ayaanay xor ka ahayn, aragtidoodu xor ma aha, fikirkoodu xor ma aha, garashadooda iyo garaadkooduna xor ma aha. Waxa xornnimadii ka qaaday oo gumeystay  qabyaalad wax ay tahay aanay jirin. Dan kasta iyo dareen kasta oo guud waxa laga hor mariyaa ama muhiimadda ka leh dano gaar ah oo qabyaaladi saldhig u tahay. Qabyaaladdu waa ta soomalida madaxa u ah, minjaha u ah, obocdana u ah, intaas iyo ino kale oo badan na u ah. Qaybaha bulshada iyo dabaqadda nololsha ba qabyaaladdu saamayn weyn bay ku leedahay. Soomaalidu waa bulsho ku nool oo mabda’ ka dhigtay qabyaalad. Tani waa mid aynnu ka dharegsannahay, umana baahna sharraxaad badan iyo tusaalayaal ba.
Soomaalida idilkeed ba, hadday tahay, aqoonyahan iyo siyaasi, reer miyi iyo reer magaal, culimo iyo  caammo, carruur iyo cirroole, gadh madoobe iyo ganboolay iyo dhallin iyo waayeel ba, waxa ay isla qireen, islana qirayaan in qabyaaladdu tahay aafada haysata. Kii TV ka hadlay, kii madal laysugu yimi ka hadlay, siyaasi shir jaraa’id qabtay, iyo cid walba oo bulshada la hadashaaba waxa ay leeyihiin qabyaalad baa jirta oo naftii inoo keentay. Dadkuba qabyaaladda ayey ka cabanayaan, dadkuba qabyaaladda ayay caayayaan, dadkuba dagaal afeed buu kula jiraa, haddana bahashu ma tagto, ma dhimato, habeen ma dhaxdo, goobtii reer ku Alle baryaba way joogtaa. Xataa goobihii cibaadada ayay iminka gashay! Oo hadday dadkuba sidan u naceen oo khadyaan ka taagan yihiin, yaa wada oo koriya bahasha? Bal adba!
Marka la aqoonsado dhibtu waxa ay tahay ayaa looga gudbaa raadinta xalkeeda, ogaanshaha dhibtuna wuxuu kaa kaalmeeyaa in xalka si fudud loo helo. Bal se dhib iyo dhibaato jirta oo aan la aqoon waxa ay tahay, sida xal loogu helaa way adag tahay oo way dhib badan tahay.
Soomalidu maanta waa isla garteen dhibta ugu weynni inay tahay qabyaalad, haddana illaa iyo maanta xal loo helay ma aragno. Taas macnaheedu waa laba mid uun: waa mid’e, dadka ayaan dhab u yaqiinsanayn inay qabyaaladi jirto, bal se ku afgobaadsada uun. Waa ta kale’e dadkan ka cabanaya qabyaaladda ayaaba ku dhaqma oo inta aan tuug la odhannin dadka kale kaga horreeya. Bulshada badankeedu ba qabyaaladda way ku dhaqmaan oo quutal daruuri ayay ka dhigtaan, nin kastaana waxa uu qabyaaladda ka cawdaa marka uu cid kale oo aan reerkiisa ahayn ka arko qabyaalad, bal se uma muuqato marka ay inta la reer ka ahi ku dhaqmayaan.
Qoraha warbixinta Eng: mohamed abubakar abdulkadir(dalnuurshe)
waxii figraad ah 
somaliasoftware@gmail.com ama





in Badan si aqri...

Friday, January 8, 2016

Tarikhada kumbiyuutarka Personal Computers 4aad ee Xalkhada manta by Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments


waxey no jogtey sida tan 
Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani sameeyaan kumbiyuutarro wata processor-kaas.


halkan ayaa ka si ama qaditona manta xalkhada Tarikhada kumbiyuutarka.

1987-kii waxay Apple soo saartay Mac II oo watay processor loo bixiyey 68020. Islaa sanadka xiga sanada 1988-waxa soo baxay Mac IIx oo wadatay processor-ka 68030 waxaana ku xigay processor-ka 68040. 1984 waxay Apple soo saartay Power Mac oo watay processor ay ka wada shaqeeyeen IBM, Apple iyo Motorola oo loo yaqaan PowerPC.

Sanadkii 1989 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80486 loona soo gaabiyo 486. Processor-kaasi aad ayuu suuqa u qabsatay oo waxaa soo baxay kubiyuutarro aad u fara badan oo wata processor-kaas isla markaana si aad ah ayaa loo gatay. Markaa ayaa waxaa dhacday in shirkado kale oo aan ahayn Intel ayna ka mid yihiin Cyrix iyo AMD ay sameeyaan processor wata magaca 486. Taasi waxay keentay in Intel ay ka xumaato islamarkaana ay ku dacwooto in shirkadahaasi ay ku xad gudbeen xuquuqda Copyright-ka Intel. Waxayse maxkamaddii arrintaas la hor keenay go'aamisay in maadaamaa 486 ay tahay tiro, aanay cidina gaar u sheegan karin. Intel halkaas ayaa dacwadii looga adkaaday oo way weyday wax ay ku difaacdo magaca 486.

Sanadkii 1993 waxay Intel soo saartay processor-kii ku xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay inuu magaciisu noqon doono 586 waxay u bixisay Pentium. Taasna waxay u yeeshay si ay ugu suurtowdo in ay sharci ahaan Copyright uga difaacdo shirkadaha kale inay magcaas la baxaan. Kadibna waxaa si isdaba joog ah u soo baxay Pentium MMX, Pentium Pro, Pentium II iyoPentium III oo hadda ugu dambaysay.

Itaas ayaan casharkaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa dhismaha guud iyo qeybaha ay PC ka kooban tahay. Ka dibna casharrada ku sii xigaa ayaan mid mid ugu soo qaadan doonnaa mid kasta oo ka mid ah qeybahaas






in Badan si aqri...