Friday, March 25, 2016

Qaab Sahlan Oo Aad Ilkaha U Caddeysan Kartid By Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir



Wax kasta ma isku dayday si aad u caddayso ilkahaga



                   


Wax kasta ma isku dayday si aad u caddayso ilkahaga, walina wax horumar ahna maad weysantahay?

Waxa hubaal ah inay qaali tahay ilkaha oo dakhtar ku cadeeya. Qaabkan sahlan oo lacag aan saas u badnayn kaga baxayn ayaa ilkaha ku cadeynaya oo isbadal weyn waqti yar ku keenaya.
Faroowlah (strawberry) iyo leebito ‘kicisada burka’ (baking soda) ayaa kuu sahlaya inaad adiga gacantada ku caddaysatid ilkahaga. Maadooyin (Malic acid, sodium bicarbonate) ku jira farowlaha iyo kicisada burka ayaa wasqada ilkaha ku dhagta si sahlan uga baabi’iya, sidoo kale ka nadiifinaya wasaqda ilkaha dhex gasha.
Maxa u baahantahay:


  • Hal farowla ah
  • qaando badhkeed oo kicisada burka
  • buraashka ilkaha
Isticmaalka:


  • Daqiiq farowlaha markaas ku dar kicisada burka
  • buraashka kisto mari markaas ku cadayo
Wax laba isbuuc ka yar ayaad arki doonta natiijada taasoo isbadal aad ka dareemeysid ilkahaga.
Xeelad kale: waxaad isku qastaa qaado barkeed liin dhanaan ah iyo qaado barkeed kicisada burka ah/baking soda kadibna ku cadayso ilkaha, daqiiqad kadib ka luqluqo.


Ilkaha cadaanka ah waxey kusoo jiida qurux zaa’id ah.


qoraha By  Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir 

jiijawo caafimad 


                                            







Share this article :

0 comments: