Sunday, September 11, 2016

MACMACAANKA CIIDA




Waxaa foodda inagu soo haya oo ay ummadda muslimiintu isu diyaarinayaan maalinta ciiddal carafa, Cooking with Hafza ayaa natusinaysaa macmacaanka ciida oo hab fudud loo samaynayo.

Macmacaankaan ay Hafza ciida ugu talo gashay ayaa ah miiska kuu qurxinaya caruurta iyo qoyskana ka farxinaya.



Habka diyaarinta:

Waxaad u baahan tahay

Koob Caano ah oo qandac ah
2 Qaado iyo bar khamiir ah
2 Qaado iyo bar  sonkor ah
Cusbo
4 koob oo bur ah
2 Xaboo oo ukun ah
Canoo garoor (yogurt)
3 Qaado oo lows shiidan ah (almond)
Qaado saliid ah (canola oil)
Waa la isku qasayaa, waxaa la sugayaa mudo 1 saac ah. Marka burku si fiican uu usoo kaco waxaa  lagu darayaa naacnaac shiidan (mint) si ay u carfiso, kadibna waxaa la dhex gelinayaa timir.

Halkan Daawo sida fudud ee loo diyaarinayo macmacaankaan




Xigasho: http://tolmawaaye.blogspot.com
Share this article :

0 comments: