Saturday, September 24, 2016

Waa Maxay Cudurka Neefta?

What is asthma?
Cudurka neefta  ama Asma (Asthma) waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab.

Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato. Waxyaabaha kicin kara neeftu in ay ku qabato waxaa ka mid ah xajiinta, hergebka, daawooyin, habaaska ama boodhka, catarka iyo baruufannada, qiiqa, kiimikooyin, jir dhis ama niyad kac.



Calaamadaha:

Neefsasho siyaado ah ama dhibaato neefsashada ka timaadda
Xiiq ama neefsasho cod leh
Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta hore
Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo
Wadna garaac
Cune cun-cun
Daal in aad dareento
Madax xanuun
Waxaa laga yaabaa in aad calaamado badan oo neef ama asma aad qabto haddii aad:

Xajiin ama xasaasiyad qabto
Aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo neef qaba
Aad u nugushahay wasaqowga hawada
Aad la kulanto qiiq
Aad diiqo qabto
Daryeelkaaga:

Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara:

Qaadashada daawooyin kala duwan si:

  • Marinnada hawadu kuugu furmaan.



  • Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta.
  • Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada.
  • Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka.


Ogaanshada waxa sababa calaamadahaaga.
Baarid xajiin.
Isticmaalidda mitirka lagu hubiyo neefta, loogana hortago in neeftu ku qabato.
Cabidda koob weyn oo cabitaan ah 1-2 saacadood ee kastaba.
Tani waxay kaa caawinaysaa in xabku uu khafiifo. Xab khafiif ah way kuu fududaanaysaa in aad qufacdo oo uu kaa soo go’ o wuxuuna hoos u dhigayaa bararka sanbabadaada. Cabitaannada cad ayaa ugu fiican, sida biyaha, casiirka furutada, shaaha, maraqa ama maraq cad.

Ka fogaanshada waxyaabaha laga sameeyo caananaha marka aad xiiq leedahay maxaa yeelay waxay ballaarin karaan xabka.
Share this article :

0 comments: