Sunday, January 22, 2017

Shirkada Nokiya oo soo bandhigtay telefoonkii Nokia 6 Android ee ugu horeeyay

Telefoonkii ugu horeeyay oo Nokia Android ayaa lagu iibinayaa Shiinaha oo kaliya.
Telefoonka ayaa lagu iibin doonaa dukaanka internetka ee JD.com.
Shaqaalaha ku howlan telefoonka Nokia 6, ayaa sheegay in telefoonka loo sameeyay si aad u saraysa ayna soo jiidan doonto macaamiisha waddanka.
Ku dhawaaqidan ayaa ku soo aaday maalintii ugu danbaysay ee bandhiga teknoolajiyada ee CES ee lagu qabtay Las Vegas, halkaas oo telefoono cusub iyo qalabyo kale ee teknoolajiyada lagu soo bandhigay.
Nokia ayaa joojisay inay soo saarto telefoono laakiin waxay ogolaansho u siisay shirkada Finishka ee HMD Global inay samayso telefoonada Nokia.
Ilaa hadda , telefoonada ay HMD u soo saaraysay Nokia ayaa ahaa kuwa raqiiska ah ee aan ahayn Smartphone.
HMD Global ayaa soo bandhigi doona bisha Febraayo taleefoono Nokia Android oo lagu iibin doono suuqyada kale
"Iyadoo ay jireen 552 milyan oo macaamiil oo isticmaala smartphone dalka Shiinaha sanadkii 2016, waxaa la filayaa in tiradan ay kororto oo ay ka badnaato 593 oo milyan oo qof oo isticmaala smartphone sanadka 2017, waa suuq istaraatiijiyad u leh telefoonada sida fiican loo sameeyay ayna macaamiisha qadariyaan tayadooda" ayay shirkada ku sheegtay hadal ay soo saartay.
HMD Gobal ayaa iibisa telefoonada raqiiska ee Nokia 150, ee lagu iibiyo adduunka oo dhan

Telefoonka Nokia 6 ayaa ku shaqeeya Android 7.0 oo ah borogaraamkii ugu danbeeyay oo loo yaqaano Nougat.
Wuxuu joogaa 1,699 yuan ($245; £200).
Wuxuu wax yar ka qaalisan yahay Huawei's Honor 6X laakiin ka raqiisan yahay Xiaomi Mi 5s.
"Nokia ayaa ah telefoonada adduunka sida wayn looga yaqaano" ayuu sheegay Ben Wood oo ah la taliye teknoolajiyada ee CCS Insight.
" Waxay rajaynayaan magaca Nokia inuu ka caawiyo in laga aqoonsado suuqa telefoonada iphoneka oo ay yaalaan telefoono kala duwan, oo tartan badan uu ka jiro telefoono isku si loo sameeyay.
Q/W: Mohamed Nour

Share this article :

0 comments: