Sunday, December 18, 2016

Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela


Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka badan marka laga reebo caanaha hooyada. Waxay daawo u yihiin xanuuno badan.
Caanaha geela waxaa ku jira 3 laab Fiitamiin C-ga ku jira caanaha Lo’da, waxaa kaloo ku badan potassium, Phosphorus, zinc, iron,manganese, fiitamiino, minerals, iyo amino acids. Waxaa Caanaha geela ku jira 200 wax ka badan oo protein ah Sidoo kale caanaha geela waxaa ku jira antibiyootik dabiici ah taas oo ka ilaalineysa inay dhakhso u xumadaan, ama bakteeriya ku dhalato.
Faaidooyinka caafimaad ee cabista caanaha geela:
Daaweynta Cudurka Macaanka: Caanaha geela waxay qani ku yihiin nafaqooyin, waxaa ka mid ah hoormoonka insulin oo ka kantaroosha sonkorta. joogtaynta Caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxay xal dabiici ah u noqon karaan dadka qaba macaanka, Waxaa dhacda in mararka looga maarmo cirbada insul-ta.
Difaaca Jirka: caanaha geela waxaa ka buuxa borotin aad u badan, qaarka ka mid ah borotiinadaasi waxay qaabilsan yihiin inay jirka ka difaacaan jeermiska iyo xanuunada soo boodada ah. Caanaha geelu waxay xoojiyaan difaaca jirkeenna iyagoo naga ilaaliya dhibaatooyinka gudaha jirka iyo kuwa dibada.
Koriinka iyo Kobaca: caanaha geela waxaa ku badan borotiinka xoolaha, kaasoo u fiican koriinimada iyo tayaynta lafaha. Caanaha geelu waxay ugu horreeyaan cuntooyinka la siiyo dhallaanka iyo caruurta nafaqo darradu hayso sababtuna waa borootinka badan ee laga helo. Caanaha geelu waxay kobciyaan caafimaadka iyo fayowqabka.
Wareegga Dhiigga: caanaha geela waxaa ku badan birta (iron) oo u fiican ka hortagga dhiig-yarida, caanuhu geelu waxay muhiim u yihiin wareegga dhiiga iyo firfircoonida unugyada dhiigga. Caanuhu geelu waxay muhiim u yihiin hooyada umusha ah, qofka dhaawacma iyo caruurta ay nafaqo darradu hayso.
Dhakaakaha (Autism): Dhakaakuhu waa naafo muddo dheer la korta qofka oo saamaysa sida qofku ula hadlo iyo ula macaamilo dadka ku xeeran. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu arkay in cabista caanaha geela oo la joogteeyo ay yareyso ama ay daaweyso cudurka dhakaakaha.
Xasaasiyada: Cabista caanaha geela oo la joogteeyo waxay u fiican tahay hoos u dhigidda xanuunada xasaasiyada ka dhasha sida sanboorka, neefta iwm.
Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela waxay isu dheelitiraan kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas daraadeed waxay muhiim u yihiin ka hortagga wadne-qabadka, faaliga (stroke) iyo dhiig karka.
Q/W: Mohamed Nour

Share this article :

0 comments: