Tuesday, December 29, 2015

Tariiqda kumbiyuutarraada hore ilaa kuwa hada jira maxaa farqi u dhaxeyaa ? Eng: Maxamad Abuukar A/Qadir




Marka horey an ku bilawno Xalkhada 1aad kumbiyutarka xiliikii labilaawey yaanaa bilaawe.
Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii 1946,wanaa xilikii jogge kumeys tahay dalka Somalia iyo afriika waliba caalaamka inta badan.   Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar. Wanaa Tusale an ku so khadane
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).

Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari. iyo kuwa kale oo inta an ku xuusen Balse an soo khadandona cashiirada xiiga.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.

Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.
Waxaa kale bar bar socdey so sariida kumbiyuutrrada ee shiirkadaha u dhaxeye. Xiilikii xiliga ka dambeya 

Sikasto hanokhoto intaa ayaa ku so afmereena inta an ku kulmeno moduca xiga
Waxaaa naa ku so khaadan doonaaa Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC
Eng: Maxamad abuukar A/Qadir




Share this article :

0 comments: