Thursday, December 24, 2015

Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website

Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah


Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah. Waxa ay kaga waramaysaa shirkadu horumarkii ay samaysay iyo masuuliyadeeda xataa cuntada ay cunaan shaqaalaheedu iyo qiimaynteedii.

Microsoft waxay sheegtay in bishii la soo dhaafay ee August 75 Million oo qof ay ku install gareeyeen computer radooda Windows 10, balse imika aan wali la garanayn inta ku koradhay tiradaa. Waxayna sheegtay inay doonayso in tiradu ay gaadho Billion qof sannadka 2018, balse kamay waramin tirada guud ee windows yada oo dhan.

Waxay shirkadu ku sheegtay maqaal ay leedahay in 1.2 Billion qof ay isticmaalaan barnaamijyadeeda Office ka ah ee maktabadaha, taas oo macnaheedu yahay in todobadii qof ee meel wada fadhiya aduunka uu mid kamid ah isticmaalo Office ka. Sidoo kale tiro gaadhaysa 150 Million oo qof ay ku download gareeyeen Office ka mobile lada Iphone, Ipad iyo kuwa kale ee Android ka ku shaqeeya iyo ISO ga.

Google App kuna waxa uu sheegay in magaca " Word " lagu qoray 50 Million oo jeer, halka la download gareeyay Excel iyo Power Point in ka badan 10 Million oo jeer. Halka ay isticmaalaan Outlook geeda 400 oo Million oo kunool dacalada dunida. Waxay raacisay tabarucaadka ay bixisay inay gaadheen 2,6 Million doller maalin kasta oo ah 86,000 oo ah barnaamijyo bilaash ay internet ka kusoo galisay halka lacagtaa sare ay ka qaadi lahayd dadka.

Waxa cajiib ah in website kooda ay ku sheegeen cuntada ay shaqaaluu ugu jecelyihiin ee ay ka dalbadaan cafateria ha udhow oo ah nooca loo yaqaan Counterfeit potatoes oo sawirkeedu ka muuqdo  barta hoose, balse ay ku qiyaastay tiro ka yar Million in laga dalbado cafateria haas sannad walba.




Share this article :

0 comments: