Wednesday, December 30, 2015

Tarikhada kumbiyuutarka Personal Computers 3aad ee Xalkhada manta by Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

Hadan Is Xasusino Xaalkhadii hore ee shalay., IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka lagu kaydiyo wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee kumbiyuutarka loo isticmaalo jire xiligii hore) uu qaadkeedu ahaa 360 KB. 

IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday muddo yar kadibna waxaa suuqa Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo MS-DOS.


halkan ayaa ka siwadidona manta 

Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT. Noocaas oo lahaa Hard Drive qaaday 10 MB wuxuuna aad kor ugu qaaday isticmaalka Personal Computers-ka.

 Sanadkii 1984 waxay Intel soo saartay processor cusub oo loo bixiyey 80286 inta baddanna loo soo gaabiyo 286. Halkaasna waxaa  ka billowday nambar taxane ah oo magac looga dhigay processor-adda ay soo saarto Intel.

 Taasina waxay keentay inay IBM soo saarto kumbiyuutar la oran jiray AT oo wata processor-ka 80286 iyo Diskette uu qaadkeedu ahaa 1.2 MB.

waxaa so badanaye tartamo u dhaxeyo shiirkadaha so saro Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC


Sanadkii 1984 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Macintosh. Noocaasi wuxuu keenay in shirkadda Apple ay suuqa ku soo noqoto.inbadan



IBM waxay dooratay inay u bandhigto una fasaxdo cid kasta oo xiisaynaysa inay isticmaalaan farsamada ay kumbyuutarradeedu ku salaysan yihiin, halka ay Apple ka dooratay inay farsamadeeda gacanta ku haysato oo aysan cid kale u ogalaan.


 Arrintaasi waxay keentay inay shirkado fara badani qaataan farsamada IBM oo ay sameeyaan kumbiyuutarro ku salaysan  habkii loo sameeyay IBM PC. 

Shirkadaha qaatay farsamada IBM waxaa ka mid ah companies, Dell, HP, lenova,  iyo kuwa fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
 Shirkadahaasi waxay ilaa maanta soo saaraan kumbuyuutarro loo yaqaan IBM Compatibles oo micnaheedu yahay inay ku salaysan yihiin farsamadii IBM.


Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani sameeyaan kumbiyuutarro wata processor-kaas.

halkan Ayaa Ka siwadidona Moducaa Barito. Insha allah 
Eng: Maxamed Abuukar C/Qadir
wixii fah-faahin dheerada ah kala xari Qebta Adega macamisha 
478,ama E-mail: maxamedabuuka@gmail.com
Tell: 0615166134/640909



https://www.youtube.com/somalia software.com
https://www.witter.com/somaliasoftware
https://www.facebook.com/somaliasoftware


Share this article :

0 comments: