Sunday, December 27, 2015

Dowlada Federaalka oo amar ku diidey xuska Sanadka Cusub ee 2016

ilahy hanaga hayo inan ku daba daysano kuwa u dabal dagayo sanadka cusub walalahyga musliminta ahaw nafsadina ıyo naftayda waxan ugu dardarmaa inan dintena waxay na farayso an sameyno wixi Naga rebtane an ka tagno insha alah


Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta xukuumada  federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska Munaasabadda Ciidda Kirismaska oo loo dabaaldago Bilowga Sanadwalba, iyagoo ku amray laamaha Ammaanka Dowladda inay ka hortagto isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow ayaa sheegay in Arrintaan haddii Umadda Soomaaliyeed ay sameeyaan waxbadan u dhimayso Caqiidadooda, isagoo soo jeediyay in laga feejignaado Arrimahaan.
Wuxuu sheegay Agaasimaha Guud Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta in dabaal degaan ee xuska Ciida Kirismiska meelo badan oo caalamka oo ay ku sugan yihiin Masiixiyiinta laga dabaal degayo Bilowga Sanad walba.

Laamaha amaanka Dowlada ayaa lagu amray in arintaan ay ka hortagaan,islamarkaana ilgaar ah ay ku eegaan si aysan arintaan u dhicin.

Waxaa maalmo kooban inaga xiga bilashada Sanadka Cusub ee 2016’ka iyadoo Dadka aan muslimiinta ahayn ay sameeya dabaaldagyo loogu magacdaray Ciidda Kirismaska.
Xafiis Wareedka somalia software media (www.somaliasoftware.blogspot.com)


Share this article :

0 comments: