Tuesday, December 29, 2015

Tarikhada kumbiyuutarka cashiirkii lawata ee manta byEng: Mohamed Abubakar Abdulkadir computer history from two member today

Waxaan casharkeenii koobaad ku soo qeexnay waxa uu yahay kumbiyuutarku, inta nooc ee guud ahaan loo khaybiyo iyo nooc walba meelaha ama waxa inta badan loo isticmaalo. Xalkhadii  oo ah kii labaad waxaan si faahfaahsan ugaga hadli doonaa Personal Computers (PC) oo ah mid ka mid ah noocyaddii aan u soo kala qaybinay kumbiyuutarka.


Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah:

PC
Macintosh

Haddaba inta aanan sii dhexgalin dhismaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay personal Computer-ku waxaan dib ugu yara noqonaynaa taariikhda noocaan kumbiyuutarrada ah iyo siday ku billowdeen:

Taariikhda Personal Computers
Waxaa laso ciitiirafey
Sanadkii 1975 ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanadkii uu noocaani dhashay oo soo saaristiisa la bilaabay. Joornaal la oran jiray Popular Electronics ayaa wuxuu sanadkaas soo bandhigay kumbiyuutar magiciisa loo bixiyey Altair 8800 oo ay soo saartay shirkad la oran jiray MITS. Kumbiyuutyarkaas oo ahaa PC-gii ugu horeeyay wuxuu qiimihiisu ahaa lacag gareyso ilaa 3000 doollar.xiiliikasi

Sanadkii 1976 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutar loo bixiyey Apple I.Processor-kiisa (maskaxda kumbiyuutarka) oo loo bixiyey 6502 waxaa lahaa shirkadda Motorola. Sannadkii 1977ayaa waxaa soo baxay Apple II oo isagu noqday fikrad lagu guulaystay muddo sanado badan ahna haystay suuqa PC-ga.

Sanadkii 1981 ayaa waxaa soo baxay kumbiyuutar aad wax uga beddelay taariikhda Personal Computers-ka. Kumbiyuutarkaas oo loo bixiyey IBM PC waxaa sida magiciisa ka muuqata soo saaray shirkadda IBM processor-kiisa oo ahaa  8088 waxaa lahaa shirkadda ilaa iyo maanta hormuudka u ah samaynta processor-adda ee la yiraahdo Intel. Program-ka kumbiyuutarka ka shaqaysiiya (Operating system) waxay IBM u dooratay MS-DOS oo ay soo saartay shirkad aan markaas aad loo aqoonin laakiin manta waxeey  haysata suuqa program-yada oo la yiraahdo Micrsoft(waa shirkadda samaysay Windows, Word, Excel, Powepoint, Internet Explorer iyo program-yo kale oo fara badan sida VB.net, SQL iwm). 
IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka lagu kaydiyo wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee kumbiyuutarka loo isticmaalo xiiligasi) uu qaadkeedu ahaa 360 KB. 

IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday muddo yar kadibna waxaa suuqa Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo MS-DOS.
intan ayaa ku so afmerena manta.
 xalkhada xiigta ee barito waa sida ayaa u dhaceysa.  
Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT.   halkan ayaa ka siwadidona barito.
waxaa so garney kheebihii xasasika ahaay yooku dhaafin cashirka barito insha allah.   
sawirada personal computer  pc 








Share this article :

0 comments: