Sunday, August 21, 2016

10 ka Laptop Ee Ugu Batariga Fiican 2016


Sababaha ugu muhiimsan ee laptop lagu xusho waxaa ka mid ah cimriga batariga, Dad badan ayaa ku dhib qaba batariga dhakhso dhamaanaya. Shirkado badan ayaa bilaabay inay soo saaraan laptop yo daba hayn kara mudo dheer.

Qormadaan waxan ku eegi doonaa laptop yada leh batari cimri dheer:
Lenovo ThinkPad X260
laptop-ka ThinkPad X260 ee ay soo saarto shirkadda Lenovo waxa uu dabka hayn karaa mudo 17 saacadood ah. Maalintii oo dhan ayaad ku shaqayn kartaa waana khafiif oo meel kasta ayaad u qaadan kartaa.
Lenovo ThinkPad T460
Waxa uu leeyahay botoomo aad u fiican waxaana uu dabka hayn karaa 17 saacadood. inta badan shirkada Lenovo ayaa ku caan baxdey Batariga ugu fican laptop yada 
Acer Aspire One Cloudbook
Waa laptop aad u raqiis ah, waxaana uu dabka hayn karaa mudoo 14 saacadood iyo 45 daqiiqo ah
wanaa laptopka so labeyo
Apple MacBook Air
Waxaa uu dabka hayn karaa 14 saacadood, waxaa ku jira barnaamijyo badan oo tayo leh. Ballaca shaashadiisu 13 inch.
Dell Chromebook 13
Qoloftiisa kore waxay ka samaysan tahay karboon waana sababta uu fududyahay. Waxaa uu leeyahay awood badan howl-gudasho fiican Cimriga batarigiisu waa 13 Saacadood.
Waa laptop kii ugu horeeyay ee ay soo saarto shirkadda caanka ee Microsoft, waxa uu leehay awood badan, xawaarihiisana aad ayuu dheereeyaa.  Surface Book cabirka shaashaddiisu waa 13.5 Inch, Waxaa uu dabka xejin karaa 12 saacadood iyo bar.
Apple MacBook Pro
Cimriga batarigiisu waa 12 saacadood
Dell XPS 13
RAM kiisa waa 8 GB ah qaadkiisa guduhu (Internal disk storage) waa 128GB, 12 saacadood ayuu dabka xejin karaa.
Vaio Z
Ma ahan raqiis laakiin dabka waxa uu haynta 12 saacadood.
Lenovo 100s Chromebook
Aad ayuu jaban yahay qiimo ahaan, miisaankiisu 2.2 KG, dabkana waxaa hayn karaa in ka badan 11 saacadood.
Q/W: Mohamed Nour


Share this article :

0 comments: