Sunday, August 7, 2016

Facebook Oo Soo Kordhisay Qaab Koox Ahaan Loogu Wada Hadli Karo messenger ka





Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay kusoo darayso adeegyada ay bixiso ee Facebook-ga qaybo cusub oo sahli doonta in dad badani mar ku wada hadlaan Facebook-ga,iyaga oo afkaartooda isku weydaarsan doona .

Qaabkan ayaa noqonaaya mid cusub,iyada oo laga isticmaali doono Messenger-ka,waxaanu fududaynayaa in ay dad badani sida Call Conference ka oo kale ugu wada hadlaan kuna kala qaataan warbixinaha,sidoo kalena ay ku galaan shirarka ,halka ay markii hore ku geli jireen habab kale oo ka duwan habkan.



Calaamada Applications kan cusub ayaa la filaayey in arbacadii dhoweyd lagu soo daro Facebook-ga laakiin taasi weli may noqon mid suurtagasha ,iyada oo lagu jiro Process kii ama hanaankii loogu xidhaayey,waxaanay sheegeen masuuliyiinta Facebook in laga yaabo inuu saacaddaha ama maalmaha soo socda soo galo .

Afhayeen u hadlaayey shirkadaasi oo la hadlay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in laga heli karo Application-kan ama barnaamijkan cusub taleefanada Android ka iyo sidoo kale iOS ka,kuwaas oo laga yaabo siduu sheegay inay kusoo biiraan 24 saacadood ee soo socda ,waxaanu noqon doonaa ayuu yidhi mid calaamad cusub wata.

Calaamadan ayaa ka muuqan doonta barta wada sheekaysiga ee Chat ka loo yaqaano ,taas oo fududayn doonta inay dadkaasi is urursadaan si toosana u wada hadlaan.

Qofka sameeya Chat Call ka ama kooxdaasi sida wada jirka ah u wada sheekaysanaysaa meesha ay isticmaalayaan ,waxa uu noqonayaa qofka marwalba kaantaroolaaya ,waaanu ku darayaa cidii uu doono ,isaga oo kana saari kara,waxa kale oo inta uu wadahadalkaasi socdo laysu diri karaa cod,kaas oo isaguna sida Message ka oo kale kusoo gelaaya.

Facebook-ga ,gaar ahaana qaybta Messenger ka ayaa ah mid leh in ka badan 900 million oo qof kuwaas oo isticmaaleyaal ah,isaga oo sidoo kalena noqday walaxda ugu isticmaalka badan sannadkii
2015 kii.
Q/W: Mohamed Abubakar Abdulkadir
Share this article :