Thursday, March 9, 2017

Nafaqada Iyo Caafimaadka Baamiyaha(- Xug Muhin ah -)



Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyaha, waa geed aad uga baxa dalkeena laguna beerto labada wabi inta u dhaxayso.


Muhiimada Baamiyuhu uu u Leeyahay Hooyada Uurka Leh Iyo Dadka Macaanka Qaba
Cilmibaadhis ay samaysay Valery Aspenas oo ah haweenay caan ka ah dalka Faransiiska oo ku takhasustay Nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa iftiimisay in Baamiyaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo aad ugu fiican caafimaadka qofka.

Daraasaddan aynu soo turjunay waxa ay daahfurtay in Baamiyuhu uu qani ku yahay Faytamiin C, isla markaana uu si weyn u caawiyo isu-dheelli-tirka iyo nidaaminta sonkorta iyo Kalastaroolka jidhka ku jira. Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaama oo asiidhka Folic Acid ku badan yahay Baamiyaha uu yahay khudradaha cunistoodu aad ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin.
Daraasaddan aynu kasoo xiganay  wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat waxa ay intaas ku dartay in Bamiyuhu uu u fiican yahay caafimaadka kelyaha isla markaana uu maqaarka (Jidhka) kala dagaalamo coodh-coodhka iyo astaamaha gabowga.



Baamiyaha waxaa aad uga buuxo vitamino iyo macdano, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc

Waxtarka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay:

Caafimaadka Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.
Kobcinta Aragga: Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha.
Caafimaadka Maqaarka: Baamiyaha waxaa ku badan vitamin A iyo maadooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaaqan “antioxidants” kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Baamiyuhu waxuu yareeyaa finanka iyo astaamaha dhakso u duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho.
Difaaca jirka: Baamiyuhu wuxuu kor u qaadaa shaqada unugyada difaaca jirka, waxaa ku badan vitamin C kasoo firfircooni ku abuuro unugyada cad ee jirka ka difaaca caabuqyada kala duwan.
Caafimaadka wadnaha: Baamiyuhu wuxuu qani ku yahay vitamins iyo macdano muhiim u ah wadnaha, waxaa ku jirta macdanta potasium oo awood u leh inay hoos u dhigto cadaadiska dhiiga ee sarreeya, waxayna ka hortagaa xinjirowga iyo gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis).

Caafimaadka Uurka: Baamiyaha waxaa ku jirta maadada la yiraahdo Folate ama Folic Acid oo caawiso koriimada uurjiifka, Sidoo kale maadadani waxay hooyada uurka leh ka difaacda dildilaaca maqaarka xiliga ay xamilada tahay.

Q/W: Drs. Safiya  
Share this article :

0 comments: