Thursday, March 9, 2017

Lee Jae-yong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed



Madaxa Shirkadda Samsung oo la xiray Lee Jae-yong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed isaga oo loo haysto laaluush iyo eedaymo kale.
Arrintan ayaa lala xiriiriyay fadeexaddii horseeday in xilka laga xayuubiyo Park Geung-hye.
Samsung ayaa lagu eedeeyay in ay deeq siisay mu'sasado aan faa'iido doon ahayn oo ay maamusho Choi Soon-sil,oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore Park, arrintaas oo ay shirkaddu ku badalanaysay in ay gacan ka hesho dawladda.
Lee iyo shirkadda Samsung Group labaduba way diideen in ay wax gaf ah gaysteen.
Lee oo si ku meel gaar ah u ah madaxa shirkadda Samsung ayay markii koobaad dacwad oogeyaashu su'aalo waydiiyeen bishii koobaad balse waxay go'aansadeen in aysan xirin.
Laakiin todobaadkan horaantiisii ayay mar kale su'aaalo waydiiyeen.
Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed oo xilka laga xayuubiyay
Cilad gashay taleefankii u dambeeyay ee Samsung
Samsung oo ganacsigeeda daabacaadda hal bilyan dollar ku iibinaysa
Maraykanka oo duullimaadyada ka mamnuucay Galaxy Note 7
Jimcihii ayay maxkamaddu sheegtay in ay mihiim tahay in la xiro Lee Jae-Yong ka dib markii dacwaddiisa lagu soo kordhiyay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo horleh oo la helay.
Dacwad oogeyaasha ayaa hawshiisa sii baari doona 20 maalmood si ay dacwad rasmi ah ugu soo oogaan.
Xiritaankiisu kama dhigna aragtida maxkamadda oo dambiile ama dambilaawe ah balse waxay ka dhigan tahay in ay dambigan u aragto mid khatar ah.

xigashgo: bbc
Share this article :

0 comments: