Sunday, March 26, 2017

Xaalada ugxaan sidaha fiixda leh (Polycystic Ovary Syndrome)


Ugxan Sidaha Fiixda Leh  (Polycystic Ovary Syndrome)
 waa arin caan ah oo ka dhalata isku dhexyaaca habka dheecaanada jirka dumarka, waa xaalad ay dareemaan dumarka ku jira da’da dhalmada.

Dumarka qaba xaaladaan waxey leeyihiin ugxaan side weynaaday oo gudahiisa ay ka buuxaan dheecaan.
Waxa dhabta ah ee sababa xanuunkaan si sax ah looma garanayo, baaritaan hore iyo daweyn ay la socoto cayil dhimis ayaa ah siyaabaha lagu yareyn karo dhibaatooyinka uu keeni karo xanuunkaan, sida sonkoroow nooca labaada iyo xanuunada wadnaha. Dhibaatooyinka kale ee xalaadaan ay haweenka u keeni karto waxaa ka mid ah:

In ay saameyso caadada dumarka in la waayo in ay soo daahdo in muddo ah in ay iska socoto.
Isku dheellitir naan hormoonnada jirka
Xanuunada wadnaha iyo xididada dhiigga
Madhalaysnimo.
Fiixyo tiro badan oo ku samaysma dhinacyada ugxan sidayaasha.
In qofku aad u cayilo.
Waa Maxay Sababta Keento Cudurkaan?

Ilaa iyo hadda dhaqaatiirta si buuxda uma oga waxa sababa, hasa yeeshee waxaa la aamin san yahay in arimahaan ay qeyb ka qaataan.

Hiddo. Hadii hooyadaa ama walaashaa ay qabaan xaaladan waxaa jira fursad uu xanuunkaan kugu imaan karo.
 Isku dheellitirnaan hormoonnada taasoo hormoonnada haweenka ay yaraadaan ama hormoonnada ragga ay haweenka ku bataan taasoo keento in caadadii wareerto, Finan wajiga ka soo baxa sida fin doobka
 xaad badan oo haweeneydu ay yeelato.
Insulin xad dhaaf ah. Insulin waa hormoon laga soo daayo ganaca kaasoo u tilmaama unugyada jirka iney isticmaalaan sonkorta ama glucose ta ku jirta dhiiga oo aan ka helno cunnada. Insulin dheeraad ah oo uu jirka soo daayo waxey kicineysaa ugxaan sidaha si uu u soo daayo hormoonka androgen oo ah hormoon faragelin ku sameyn kara shaqada ugxaan sidaha.
Waa Maxay Calaamadaha Cudurkaan?

Dhalmo la’aan (haweentii oo aan uur qaadaynin maxaa yeelay ugxan sidihii ugxan soo saari maayo, cudurkani waa cudurka ugu badan oo haweenka u keeno madhalaysnimada).
Caado wareer
Xaad badan “Hirsutism” taasoo ka soo baxdo wajiga, xabadka, caloosha iyo suulasha dhabarkooda.
Fiixyo badan oo ugxan sidaha ka soo yaaco
Miisaanka oo kordho una badan dhinacyada caloosha, Tinta oo meelaha qaar madaxa ka daadato ama yaraato.
Fin doob iyo agool badan oo madaxa ku samaysmo.
Miisaanka oo kordho una badan dhinacyada caloosha, Tinta oo meelaha qaar madaxa ka daadato ama yaraato.
Baro baro ku samaysma jirka sida qoorta, gacmaha, naasaha iyo canjirrada taasoo midabkeedu yahay huruud ama madow.
Welwel iyo murugo
Neefsashada oo istaagto waqti kooban xilliga hurdada
Sidee Cudurkaan u keenaa dhalmo la aanta?

Ugxan-sidaha waa meesha dumarka ugxantooda laga soo saaro, ugxantaas waxay gashaa Gal si ay ugu korto oo markii ay gaarto heerkii la bacrmin karay ayaa laga soo sii daayaa taasoo soo aaddo dhinaca minka si loo bacrimiyo
iyadoo soo marayso tubooyinka. Haddii haweentu ay qabto cudurkaan, ugxan- sidaha awood uma lahan inuu kobciyo ama koriyo ugxanta maadaama hormoonnadii ka qeyb qaadan lahaa howshaan aysanba jirin. Marka Galkii
ugxanta lagu kobcin lahaa ayaa waxaa ka buuxsamo biyo taasoo keensato cudurkaan.

Cudurkaan Ma Is badalaa xilliga dhalmo ka baxa?

waxaa dhici karta inuu is bedelo iyo inaanu is bedelin. Cudurkaan wuxuu saameeyaa hab dhisyo badan oo jirka ah sidaa awgeed calaamado badan way sii jirayaan inkastoo ugxantii ay hawlgabtay heerkii hormoonadane ay is badaleen. Waxaa sii jiri doona in xaaddii iyo timahii ka soo yaacay haweentii ay sii badato, iyadoo dhanka kale na timahii madaxa sii baaba ayaan iyadoona ay dhici karto in haweeneydu yeelato bidaar Waxaana halis weyn kaga imaan kartaa haweeneyda, wadna xanuun iyo kaadi- macaan.

Goormaa la arkaa dhaqtar
Booqo dhaqtar hadii aad qabtid walwal xaga caadada ah, hadii aad ku jirtid xili dhalmo la’aan ah ama hadii aad isku aragtid finan badan iyo timaha lagu yaqaano ragga.

Q/W Drs. Safiya 



Share this article :

0 comments: