Friday, July 15, 2016

SIGARKA IYO TUBAKAGDA MAXAY KADHAHEYN SCIENCYAHANADA CAFIMAADKA??

 




Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaaka

Sigaarku wuxuu bulshada ku hayaa dhibaato baaxad wayn leh, dhakhtar kasta iyo cilmibaare kasta waxay isku waafaqsan yihiin inuu caafimaadka halis u yahay, laakiin sidaas ay tahayne, isticmaalkiisu maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii kordhayaa, waa maandooriye halis ah oo hadduu qofka qabatimo ay adag tahay inuu joojiyo, mar walbana marka ka sii dambaysa, isticmaalkiisu wuu sii kordhiayaa illaa uu noloshaada oo idil la wareego.

Sigaarka uma roono caafimaadka, dhaqaalaha iyo dhaqanka intaba, qeyb kasta oo jirka ka mid ah wuu saameeyaa sida habdhiska neefsiga, habdhiska wadnaha iyo xididada, habdhiska dheefshiidka, habdhiska kilyaha iyo qashin saarka, habdhiska maskaxda iyo dareemaha, habdhiska lafaha iyo murqaha, wuxuu keenaa cudurro kala duwan oo halis ah, waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 50 cudur inuu bini'aadanka u keeno, habdhiska neefsashada kaliya wuxuu ku ridaa 6 cudur.

Waxaan halkaan ku soo koobi doonaa 10-ka cudur ee ugu halista badan ee laga qaado cabista sigaarka:
  • Kansarka: sanbabada, afka, cunaha, hunguriga, caloosha, xiidmaha, beerka, kaadihaysta, ilmo-galeenka iyo ganaca "pancreas".
  • Wadne xanuunka, wadne qabadka iyo wadne gariirka.
  • Burkiitada raagto ee loo yaqaano COPD, waa cudur halis ah oo qofka ku yareeyo oksajiinta, qofka wuxuu ku noolaanayaa nolol silac ah inta uu ka dhimanayo.
  • Cudurka Faaliga ama Stroke-ga
  • Macaanka type 2, sigaarka wuxuu baab'iyaa unugyada kotaroola heerka macaanka ee jirkeena.
  • Neefta iyo ciriiriyowga hawo mareenada sambabaka, khaasatan caruurta waalidiintooda ku ag cabaan sigaarka.
  • Madhalaysnimo, sigaarka wuxuu baab'iyaa uuna daciifiyaa ugxanta dumarka, hooyada sigaarka cabto ama lagu agcabo waxay halis mar waliaba ugu jirtaa madhalaysnimo, sidoo kale ragga wuxuu u keenaa shahwo iyo xawo yari, waa nooc ka mid ah madhalaysnimada oo dhalinyaro badan lagu arkay..
  • Dhiciska iyo caruurta oo ku dhalato miisaan hoose, waa dhibaato kale oo hooyooyinka sigaarka cabo xilliga uurka ama lagu cabo ay la kulmaan, badanaa caruurta uurka ku jiro ma bilo dhameystaan.
  • Indho la'aan, sigaarka wuxuu indhaha saaraa caadka loo yaqaano "Cataract", wuxuu kaloo baabi'yaa unugyada aragga qaabilsan.
  • Sigaarka wuxuu keenaa in hooyada ay la kulanto waxa loo yaqaano "Ilmo-qoolan" ama "Ectopic Pregnancy" oo ah macnaheeda in uurjiifka uu ku abuurmo meel ka baxsan minka sida tubooyinka iyo meelo kale, tan oo halis wayn ku ah hooyada, maxaayeelay uurjiifka markuu korriimo bilaabo, wuxuu ku dhex dillaacaa hooyada, tan oo ay ku naf wayn karto.

Sigaarka waxaa ka buuxa sun sanbabadaada geleysa marka aad sigaarka dhuuqdo. Sigaar kasta waxaa ku jira 4000 oo kiimko ah iyo 43 waxyaabood oo kansar-ka keena. Nikotiinku waa wax la qabatimo wuxuuna kor u qaadi karaa cadaadiska dhiiggaaga.

Sigaar cabiddu waxay sidoo kale halis u tahay dadka kale. Dadka aan sigaar cabbin ee ku neefsada qiiqa tubkaadu waxay ku jiraan halis la mid ah kuwa sigaar cabba.

Carruurta joogta meesha sigaarka lagu cabbayo waxay badanaa qaadaan hergeb, xiiq, jeermis gala dhegaha ama dhibaatooyinka kale ee neefsashada.

Tubaakada aan qiiqa lahayn sida midda la ruugo waxaa ku jira nikotiin ka badan kan sigaarka. Isticmaalkoodu wuxuu keeni karaa dhibco caddaan ah ama guduudan oo xanuun leh oo afka ku sameysma oo ka dibna noqon kara kansar. Kuwa isticmaala tubaakada aan qiiqa lahayn waxay badanaa qabaan dhibaato ilko sida cirridka oo gadaal u durka iyo ilkaha oo bolola oo suus galo.

Faaiidooyinka Joojinta Isticmaalka Sigaar Cabidda iyo Tubaakada
  • Halistaada cudurka wadnaha iyo hawl gabidda maskaxdu (faalig) way yaraanayaan.
  • Heerka neefsashadaada iyo tamartaadu way soo hagaagayaan.
  • Halista aad kansar ugu jirto way yaraanaysaa.
  • Haddii aad uur leedahay, waxaad fursad fiican u yeelanaysaa inaad dhasho ilmo caafimaad qaba.
  • Waxaad hoos u dhigi doontaa halista caafimaadka ee kuwa aan sigaarka cabbin haddii aad joojiso.
  • Dareenkaaga urinta iyo dhadhamintu way soo hagaagayaan.
  • Jirkaaga, dharkaaga, baabuurkaaga iyo gurigaagu sidii tubaako uma soo uri doonaan.
  • Waxaad kaydsan doontaa lacag.


Barashada Sida loo Joojiyo
Dhakhtarkaaga kala hadal joojinta. Kaalmayso qof horay u joojiyay sigaarka kuna guulaystay. Taageero ka hel oo baro sida wax looga qabto welwelka iyo stress-ka.
Takhtarkaaga kala hadal daawooyinka iyo kaalmooyinka kale ee kaa caawinaya joojinta.

Joojinta isticmaalka tubaakadu waxay hagaajin doontaa caafimaadkaaga iyo caafimaadka kuwa hareereysan. Way adag tahay in la joojiyo, laakiin caafimaadkaaga ayaa u qalma inaad joojisa.
Q/W: Mohamed Abubakar Abdulkadir





Share this article :