Friday, July 15, 2016

Halista Shiishada ee leydahay





Dadka badankood khaasatan dhalinyarada shiishadda cabto, waxay aaminsan yihiin in ay ka dhibaato yartahay cabidda sigaarka.
Taasi wax ka jira ma lahan, dhibaatadu waa isku mid, mararka qaarne shiishadda ayaa halis badan khaasatan cudurrada ay kala qaadi karaan dadka isla dhuuqo oo ah halis ay shiishaddu dheertahay sigaarka.

Shiishadu waxay keentaa dhowr halis oo u kala horeeyo sidatan:


  • Kansarka: kansarka laga qaado shiishada waxay ka timaadaa siyaabo dhowr ah, maadada nicotine-ka oo shiishada ku jirto sida sigaarka oo kale, una sabab ah kansarka ku dhaco sambabada, tan labaad qiiqa dhuxusha ka baxayo oo isagane sababada aafeeyo oo la ogaaday xittaa hadduu biyo soo dhexmaro in halista ay sideeda u jirto, dadka joogteeyo cabista shiishadda waxay halis ugu jiraan kansarka sambabka, kaadiheysta iyo midka afka ku dhaco.
    Hal saac oo aad shiishad cabtid waxay u dhigantaa 200 oo sigaar adigoo cabay, dadka aaminsan inuu sigaarku dhib badan yahay, waa dad iska indhotirayo halista shiishadda ama dad been loo sheegay.
    Waxaa kaloo la arkay in kansarka ku dhaco afka uu ku badan yahay dadka shiishada cabo markii loo fiiriyo dadka sigaarka cabo.
  • Wadna qabadka: Shiishada waxay si sahlan u xirtaa, una xannibtaa xididada wadnaha, dadka shiishada cabo way ku badan tahay wadna istaagga markii loo fiiriyo dadka sigaarka cabo.
  • Cudurrada ciridka: Maadada Nicotine iyo Cotinine oo shiishada ku jiro waxay waxay dhaawacdaa ciridka, waxayna keentaa caabuq ciridka ku dhaco.
  • Caabuqyada: Shiishada lagu cabo maqaayadaha iyo dukaamda waxaa lagu kala qaadaa cudurro badan oo ay ugu horrayso Tiibishada oo aniga ayaaba la kulmay laba dhalinyaro oo ku kala qaaday Tiibishada / Qaaxad aan daawada karin "MDR-TB", waxaa kaloo lagu kala qaadaa infekshan ku dhaco sambabada oo uu keenjo jeermiska fangaska loo yaqaano "Aspergillus", fangaskaan oo xaaladaha badankood qalliin sambabada u dambeeyo, waxaa kaloo lagu kala qaadaa bakteeriyada gaaska keento ee "H. Pylori", akhriso bakteeriyadaan waxa ay tahay
  • Dhallaan miisaan yar: Hooyooyinka shiishadda cabo iyagoo uur leh waxay dhalaan ilmo dhicis ah oo miisaankoodu aad u yar yahay, waxayna ilmahaas ku dhashaan cillado xagga neefsiga ah.
  • Duqoobis dhakhso ah: Shiishadda waxay qofka u ekaysiisaa inuu dhakhso duqoobayo, waxay maqaarka khaas ahaan kan wajiga u yeeshaa laalaabkii duqnimada.
SAWIIRO




Share this article :