SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA

wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/






Wednesday, December 30, 2015

Tarikhada kumbiyuutarka Personal Computers 3aad ee Xalkhada manta by Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments
Hadan Is Xasusino Xaalkhadii hore ee shalay., IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka lagu kaydiyo wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee kumbiyuutarka loo isticmaalo jire xiligii hore) uu qaadkeedu ahaa 360 KB. 

IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday muddo yar kadibna waxaa suuqa Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo MS-DOS.


halkan ayaa ka siwadidona manta 

Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT. Noocaas oo lahaa Hard Drive qaaday 10 MB wuxuuna aad kor ugu qaaday isticmaalka Personal Computers-ka.

 Sanadkii 1984 waxay Intel soo saartay processor cusub oo loo bixiyey 80286 inta baddanna loo soo gaabiyo 286. Halkaasna waxaa  ka billowday nambar taxane ah oo magac looga dhigay processor-adda ay soo saarto Intel.

 Taasina waxay keentay inay IBM soo saarto kumbiyuutar la oran jiray AT oo wata processor-ka 80286 iyo Diskette uu qaadkeedu ahaa 1.2 MB.

waxaa so badanaye tartamo u dhaxeyo shiirkadaha so saro Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC


Sanadkii 1984 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Macintosh. Noocaasi wuxuu keenay in shirkadda Apple ay suuqa ku soo noqoto.inbadan



IBM waxay dooratay inay u bandhigto una fasaxdo cid kasta oo xiisaynaysa inay isticmaalaan farsamada ay kumbyuutarradeedu ku salaysan yihiin, halka ay Apple ka dooratay inay farsamadeeda gacanta ku haysato oo aysan cid kale u ogalaan.


 Arrintaasi waxay keentay inay shirkado fara badani qaataan farsamada IBM oo ay sameeyaan kumbiyuutarro ku salaysan  habkii loo sameeyay IBM PC. 

Shirkadaha qaatay farsamada IBM waxaa ka mid ah companies, Dell, HP, lenova,  iyo kuwa fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
 Shirkadahaasi waxay ilaa maanta soo saaraan kumbuyuutarro loo yaqaan IBM Compatibles oo micnaheedu yahay inay ku salaysan yihiin farsamadii IBM.


Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa processor-kii ugu horreeyay ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani sameeyaan kumbiyuutarro wata processor-kaas.

halkan Ayaa Ka siwadidona Moducaa Barito. Insha allah 
Eng: Maxamed Abuukar C/Qadir
wixii fah-faahin dheerada ah kala xari Qebta Adega macamisha 
478,ama E-mail: maxamedabuuka@gmail.com
Tell: 0615166134/640909



https://www.youtube.com/somalia software.com
https://www.witter.com/somaliasoftware
https://www.facebook.com/somaliasoftware


in Badan si aqri...

Tuesday, December 29, 2015

Tarikhada kumbiyuutarka cashiirkii lawata ee manta byEng: Mohamed Abubakar Abdulkadir computer history from two member today

0 comments
Waxaan casharkeenii koobaad ku soo qeexnay waxa uu yahay kumbiyuutarku, inta nooc ee guud ahaan loo khaybiyo iyo nooc walba meelaha ama waxa inta badan loo isticmaalo. Xalkhadii  oo ah kii labaad waxaan si faahfaahsan ugaga hadli doonaa Personal Computers (PC) oo ah mid ka mid ah noocyaddii aan u soo kala qaybinay kumbiyuutarka.


Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah:

PC
Macintosh

Haddaba inta aanan sii dhexgalin dhismaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay personal Computer-ku waxaan dib ugu yara noqonaynaa taariikhda noocaan kumbiyuutarrada ah iyo siday ku billowdeen:

Taariikhda Personal Computers
Waxaa laso ciitiirafey
Sanadkii 1975 ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanadkii uu noocaani dhashay oo soo saaristiisa la bilaabay. Joornaal la oran jiray Popular Electronics ayaa wuxuu sanadkaas soo bandhigay kumbiyuutar magiciisa loo bixiyey Altair 8800 oo ay soo saartay shirkad la oran jiray MITS. Kumbiyuutyarkaas oo ahaa PC-gii ugu horeeyay wuxuu qiimihiisu ahaa lacag gareyso ilaa 3000 doollar.xiiliikasi

Sanadkii 1976 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutar loo bixiyey Apple I.Processor-kiisa (maskaxda kumbiyuutarka) oo loo bixiyey 6502 waxaa lahaa shirkadda Motorola. Sannadkii 1977ayaa waxaa soo baxay Apple II oo isagu noqday fikrad lagu guulaystay muddo sanado badan ahna haystay suuqa PC-ga.

Sanadkii 1981 ayaa waxaa soo baxay kumbiyuutar aad wax uga beddelay taariikhda Personal Computers-ka. Kumbiyuutarkaas oo loo bixiyey IBM PC waxaa sida magiciisa ka muuqata soo saaray shirkadda IBM processor-kiisa oo ahaa  8088 waxaa lahaa shirkadda ilaa iyo maanta hormuudka u ah samaynta processor-adda ee la yiraahdo Intel. Program-ka kumbiyuutarka ka shaqaysiiya (Operating system) waxay IBM u dooratay MS-DOS oo ay soo saartay shirkad aan markaas aad loo aqoonin laakiin manta waxeey  haysata suuqa program-yada oo la yiraahdo Micrsoft(waa shirkadda samaysay Windows, Word, Excel, Powepoint, Internet Explorer iyo program-yo kale oo fara badan sida VB.net, SQL iwm). 
IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka lagu kaydiyo wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee kumbiyuutarka loo isticmaalo xiiligasi) uu qaadkeedu ahaa 360 KB. 

IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday muddo yar kadibna waxaa suuqa Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo MS-DOS.
intan ayaa ku so afmerena manta.
 xalkhada xiigta ee barito waa sida ayaa u dhaceysa.  
Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT.   halkan ayaa ka siwadidona barito.
waxaa so garney kheebihii xasasika ahaay yooku dhaafin cashirka barito insha allah.   
sawirada personal computer  pc 








in Badan si aqri...

Tariiqda kumbiyuutarraada hore ilaa kuwa hada jira maxaa farqi u dhaxeyaa ? Eng: Maxamad Abuukar A/Qadir

0 comments



Marka horey an ku bilawno Xalkhada 1aad kumbiyutarka xiliikii labilaawey yaanaa bilaawe.
Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii 1946,wanaa xilikii jogge kumeys tahay dalka Somalia iyo afriika waliba caalaamka inta badan.   Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar. Wanaa Tusale an ku so khadane
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).

Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari. iyo kuwa kale oo inta an ku xuusen Balse an soo khadandona cashiirada xiiga.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.

Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.
Waxaa kale bar bar socdey so sariida kumbiyuutrrada ee shiirkadaha u dhaxeye. Xiilikii xiliga ka dambeya 

Sikasto hanokhoto intaa ayaa ku so afmereena inta an ku kulmeno moduca xiga
Waxaaa naa ku so khaadan doonaaa Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC
Eng: Maxamad abuukar A/Qadir




in Badan si aqri...

Sunday, December 27, 2015

Dowlada Federaalka oo amar ku diidey xuska Sanadka Cusub ee 2016

0 comments
ilahy hanaga hayo inan ku daba daysano kuwa u dabal dagayo sanadka cusub walalahyga musliminta ahaw nafsadina ıyo naftayda waxan ugu dardarmaa inan dintena waxay na farayso an sameyno wixi Naga rebtane an ka tagno insha alah


Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta xukuumada  federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska Munaasabadda Ciidda Kirismaska oo loo dabaaldago Bilowga Sanadwalba, iyagoo ku amray laamaha Ammaanka Dowladda inay ka hortagto isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow ayaa sheegay in Arrintaan haddii Umadda Soomaaliyeed ay sameeyaan waxbadan u dhimayso Caqiidadooda, isagoo soo jeediyay in laga feejignaado Arrimahaan.
Wuxuu sheegay Agaasimaha Guud Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta in dabaal degaan ee xuska Ciida Kirismiska meelo badan oo caalamka oo ay ku sugan yihiin Masiixiyiinta laga dabaal degayo Bilowga Sanad walba.

Laamaha amaanka Dowlada ayaa lagu amray in arintaan ay ka hortagaan,islamarkaana ilgaar ah ay ku eegaan si aysan arintaan u dhicin.

Waxaa maalmo kooban inaga xiga bilashada Sanadka Cusub ee 2016’ka iyadoo Dadka aan muslimiinta ahayn ay sameeya dabaaldagyo loogu magacdaray Ciidda Kirismaska.
Xafiis Wareedka somalia software media (www.somaliasoftware.blogspot.com)


in Badan si aqri...

5-aad isbar PhotoshopCS5 by Eng: Mohamed Abuukar Abdulkadir Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta

0 comments

Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta
 Cashirkiisa 5-aad.sida boor lo subiyo oo ah xaayeesiin
Daawasho wacan

in Badan si aqri...
0 comments
Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta Cashirkiisa 2-aad. wanaa sida lo baadalo medabka dhaarka
taawiintu waa Eng: mohamed abuukar abdulkadir(dalnurshe)
in Badan si aqri...

isbar PhotoshopCS5 Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta Cashirkiisa 4-aad. by Eng: mohamed abuukar abdulkadir

1 comments
Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta
 Cashirkiisa 4-aad. waxaanaa ku khalaa dhigiitonaa  sida astaan losubiyo ama LOOGO
Daatiyaha barnamishaka waa  Eng: mohamed abuukar abdulkadir(dalnurshe)
in Badan si aqri...

isbar photoshop Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta Eng: mohamed abuukar abdulkadir(dalnurshe)

0 comments
Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta
 Cashirkiisa 3-aad. waxaanaa ku barantoonta sida tesaro losubiyo
taawiintu waa Eng: mohamed abuukar abdulkadir(dalnurshe)


Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta
 Cashirkiisa 3-aad. waxaanaa ku barantoonta sida tesaro losubiyo 
taawiintu waa Eng: mohamed abuukar abdulkadir(dalnurshe)
in Badan si aqri...

isbar photoshopCS5 Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maant by Eng: mohamed abuukar abdulkadir

0 comments
Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo isticmaalo  Barnaamijka Photoshop-ka kaasi oo aan ka qaadan doono maanta Cashirkiisa 2-aad. wanaa sida lo baadalo medabka dhaarka
taawiintu waa Eng: mohamed abuukar abdulkadir(dalnurshe)
in Badan si aqri...

Thursday, December 24, 2015

Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website

0 comments
Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah


Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah. Waxa ay kaga waramaysaa shirkadu horumarkii ay samaysay iyo masuuliyadeeda xataa cuntada ay cunaan shaqaalaheedu iyo qiimaynteedii.

Microsoft waxay sheegtay in bishii la soo dhaafay ee August 75 Million oo qof ay ku install gareeyeen computer radooda Windows 10, balse imika aan wali la garanayn inta ku koradhay tiradaa. Waxayna sheegtay inay doonayso in tiradu ay gaadho Billion qof sannadka 2018, balse kamay waramin tirada guud ee windows yada oo dhan.

Waxay shirkadu ku sheegtay maqaal ay leedahay in 1.2 Billion qof ay isticmaalaan barnaamijyadeeda Office ka ah ee maktabadaha, taas oo macnaheedu yahay in todobadii qof ee meel wada fadhiya aduunka uu mid kamid ah isticmaalo Office ka. Sidoo kale tiro gaadhaysa 150 Million oo qof ay ku download gareeyeen Office ka mobile lada Iphone, Ipad iyo kuwa kale ee Android ka ku shaqeeya iyo ISO ga.

Google App kuna waxa uu sheegay in magaca " Word " lagu qoray 50 Million oo jeer, halka la download gareeyay Excel iyo Power Point in ka badan 10 Million oo jeer. Halka ay isticmaalaan Outlook geeda 400 oo Million oo kunool dacalada dunida. Waxay raacisay tabarucaadka ay bixisay inay gaadheen 2,6 Million doller maalin kasta oo ah 86,000 oo ah barnaamijyo bilaash ay internet ka kusoo galisay halka lacagtaa sare ay ka qaadi lahayd dadka.

Waxa cajiib ah in website kooda ay ku sheegeen cuntada ay shaqaaluu ugu jecelyihiin ee ay ka dalbadaan cafateria ha udhow oo ah nooca loo yaqaan Counterfeit potatoes oo sawirkeedu ka muuqdo  barta hoose, balse ay ku qiyaastay tiro ka yar Million in laga dalbado cafateria haas sannad walba.




in Badan si aqri...

isbar photoshop CS5 Eng: Mohamed abubakar abdulkadir

0 comments






caashirkan waxaa ku barantoonta sida lo jaro sawir lona saro background photoshop CS5 1aad
in Badan si aqri...

baro side loo soo celin karaa pc taa soo saamenayso windows8.1 by Eng:mohamed abubakar abdulkadir

0 comments


caashirkan waxaa ku baran tontaa window8.1 loosing data maxey tahay

baro side loo  soo celin karaa pc taa soo saamenayso windows8.1
adigoo la soo baxaysit loosing data ama data hore u tirtay kubaro afka-somalida daawasho wacan

in Badan si aqri...

Tuesday, December 22, 2015

fahanka Nolosha by Eng:mohamed abubakar abdulkadir

0 comments

fahanka Nolosha



“Noloshaan waan na wareerisay. Dhib, shaqo, gaajo, lacag la’aan, khilaaf, dagaal, cabsi, eex, caddaalad darro, nolosho dhib badanaa. Noloshaan ma leedahay waddo toosan oo haddii la raaco waxaas oo dhan xal loo helayo?”.Ma jirtaa si loo noolaado oo aan qaxar iyo dhib lahayn?Waxaan isku dayayaa inaan su’aalahaan jawaab u raadiyo oo aan si toos ah oo dabiici ah oo dhib lahayn aan uga jawaabo. Noloshu waxay leedahay xeerar iyo tiirar”.
Haddii lala yimaado tiirarkaas iyo xeerarkaas noloshu way fududaanaysaa. Wax kasta oo dhib ahna meesha way ka baxayaan. Waxaan doonayaa inaan ku sheego maqaalladeyda tixanaha ah lix xeer oo ay noloshu hagaagsani leedahay.
1.       Fahamka iyo barashada sida loo noolaado:
Xayawaanka nool oo dhan waxaa la baraa sidii uu u noolaan lahaa. Shinbiraha markay dhashaan waalidkii dhalay waxay baraan wixii ay cuni lahaayeen iyo sidii ay u heli lahaayeen. Muddo yar kadib, shinbirtu kuma tiirsana mana sugto hooyadii dashay, ee iyada ayaa shaqo tagto. Dawacada, durwaaga, libaaxa waa sidaas oo kale. Ciyaalkooda muddo yar oo kooban ayay taba baraan kadibna waxay isaga dhex baxaan iyaga iyo dabeecadda. Waa inay gaajoodaan oo cunno u baahdaan. Kadibna waa inay raad sadeen. Kii caleen cuni lahaa iyo kii xayawaan kale cuni lahaa iyo kii ciidda cuni lahaa mid walba wuxuu garanayaa sidii uu u noolaan lahaa oo uu dabeecadda ula qabsan lahaa. Ilaahay markii uu abuuray wuu tusay dariiqadii noloshooda oo wuu ku ilhaamiyay, waalidkii dhalayna way ku taba bareen oo way tuseen. Wixii intaas ka danbeeya iga ayaa is dabara. Iyaga oo gaajaysan lama arko inta badan. Haddii aysan dhicin masiibo wayn oo dabaacadda xaggeeda ah. Iyaga oo tuugsanaya lama arko. Iyaga oo qaxooti ah lama arko. Iyaga oo baqaya oo aan Alle ku kalsoonayn lama arko. Waxay qaadayaan waddo dabeeci ah oo Alle u sahlay oo iyaga baray. Way tarmaan. Way is nikaaxsadaan. Way farxaan. Si fiican oo dabeeci ah ayay u nool yihiin.
Dadka Soomaaliyeed waligood looma sheegin, lama barin, fursadna uma helin inay ogaadaan sida loo noolaado iyo asbaabta nolosha runta ah. Ma aysan arkin shaqo si run ah ugu xiran cimi iyo aqoon wax barasho. Waxay arkeen Madaxwayne, ilaa iyo garaani oo aan wax shuruud ah ku xirnayn, oo aan ka ahayn inuu qofkaasi qabiil laandheere ah ka dhashay iyo inuu leeyahay ama heli karo xiriir awoodeed oo shaqadaas u qalqaaliya. Halkaas waxaa ku dhintay qiimihii cilmiga iyo wax barashada, waxaana la sugay inaysan qiimo kalahayn waddanka soomaaliya dhexdiisa.
Ma jiro qof isku mashquulinaya wax barasho si uu u helo nolol, maxaa yeelay wuxuu la noolaan karaa qaraabadi iyo dadka dawladda ka agdhow oo ay isku qabiilka yihiin. Farsamadii, xirafaddii iyo dadaalkii nolosha saas ayuu u qiimo belay, waxaana qiimo tiray dhaqan qabyaaladeed oo baadiye iyo xoolo dhaqasho ku salaysan oo si fudud loo magaaleeyay. Qof kasta oo farsamo yaqaan ah ama waa tumaal ama waa laangaab aan heli karin ilma adeero badan oo uu shaxaado. Dhaqanka noocaas ah, ayaa qiima riday noloshii dhabta ahayd isla markaasna sameeyay bulsho kulligeed wada curyaan ah oo uu yar yahay qof isku kalsoon oo naftiisa iyo xirfaddiisa aamminsan.
Sidaas oo kale ayuu aadanuhu u baahan yahay in wax loo baro oo dariiqada nolosha ee runta ah la tuso. Haddii la wareeriyo, oo la baro inuu noolaan karo isaga oo aan shaqayn, fikirin, dadaalan, wax isku dayin, cilmi baran, farsamo aqoon wuxuu noqonayaa qof wareersan oo aan garanayn meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo. Waxaa la baray  inuu qayl qayliyo oo marba dhinac u ordo, oo uu iskula waynaado inuu reer hebal ka dhashay, ninka habel la dhahana ay qaraabo yihiin. Sidaas daraadeed ay suura gal tahay inuu shaxaad helo oo uu marba qof la xiriiro.  Haddii ay dhacdo inuu waayo wixii uu rabay uu markaas dad eedeeyo, haddii ay kalliftana uuba dagaal ku galo xaalkaas wareersan ee noloshiisa ku saabsan.
Nin ka yimid waddama reer galbeedka ayaa ii sheekeeyay. “Waxaan damcay inaan ka ajarsado shinbiro badan oo meel garoon ah fadhiya. Waxaan u soo gaday masago markaas ayaan u daadiyay. Dhawr maalmood markaan masagii siiyay ayaa maalintii danbe la ii yeeray. Xaafiiska dawladda hoose ayaa la igeeyay. Waxaa la I waydiiyay, ‘Yaa kuu diray hawshaan aad haysid’ Waxaan ku jawaabay, cidna iima dirin ee Alle ayaan ajri ka rabaa. Ilaa goorma ayaad raashinka siinaysaa shinbiraha? Ma sii wadayo, laakiin markii aan helo ayaan siinayaa. Waxaa la iigu jawaabay, danbi ayaad shinbiraha ka gashay. Dawladdana danbi ayaad ka gashay, maxaa yeelay nidaamkii ay shinbirahaan ku noolaayeen ayaad ka qastay. Waxaad bartay wax aysan filayn oo aysan iyagu raadsan oo aad u keentay. Mana ku sii wadaysid. Marka aad noloshooda dabeeciga ah ka wareeriso oo ay isku kaa halleeyaan ayaad ka tagaysaa. Marka khalad wayn ayaad gashay ee ha u noqon, shinbirahana raalli gali.”
Ka warran ummad dhan oo laga wareeriyay qaabkii runta ahaa ee nolosha oo aan haba yareetee garanayn meel ay ka bilaabaan iyo meel ay ku dhammeeyaan. Baryo, shaxaad iyo markii loo baahdo in dagaal la galo kaliya ayay noloshii dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan dhallin yarada wiilasha ah ay ku soo u ruursatay. Farsamo malaha. Shaqo malaha. Cilmi iyo wax barasho run ah ma jirto. Nolol toosan oo qofku isku tashanayo ma jirto. Xaalku waa iska daba wareeg iyo Jaah wareer. Maxaa yeelay waxaa dhuntay waddadii runta ahayd ee nolosha loo maralahaa iyo taba barkii. Bulshada sidaas unnool, waxay noqonaysaa sida manta Soomaalidu tahay. Maxaa yeelay waxaa maqan shardigii u horeeyay ee ahaa in la fahmo sida adduunkaan loogu noolaado.
Waxaa beermay oo koray malaayiin dad ah oo nolosha u yaqaan Qabiil, Qaad, shaxaad iyo dagaal lala galo qabiil kale ama koox kale.
Waxaa loo baahnaa in hooyo kasta iyo aabe kasta baro caruurtiisa inay wax bartaan inta ay yaryihiin, kadibna xirfad shaqo bartaan, kadibna shaqo tagaan oo nasiibkooda tijaabshaan. Wiil kasta iyo gabar kasta haddii la bari lahaa inay wax isku dayaan oo shaqo tagaan, oo ay bartaan waddooyinka dabeeciga ah ee nolosha waxaa dhalan lahaa bulsho dhisan oo aan wax xumaan ah ku jirin noloshooda iyo qaabka ay u dhisan yihiin. Laakiin markii uu dhumay qaab nololeedkii reer baadiyaha oo runtii si fiican oo dabeeci ah u noolaa, ayaa waxaa soo baxay dad aan aqoon sida loo noolaado iyo waddada loo maro nolosha. Noloshii hore ee runta ahayd ee reer baadiyihii Soomaalida, waxay ku dhisnayd run iyo tacab iyo in la fahmo dabeecadda sida daruuraha, dabaysha iyo qoraxda. Wax badan ayay ka yaqaaneen sida dabeecaddu u shaqayso, markaas ayay filan jireen roob ama abaar. Waxay ku barbarin jireen caruurtooda inay meel ka qabsadaan nolosha oo ay bartaan sida loogu noolaado noloshaas dabeecadda ku dhisan ee baadiyahay.
Wiilku waxuu baran jiray sidii xoolaha loo dhaqi lahaa, reerka loo maamuli lahaa, biyo loogu raadin lahaa, geelo loogu raadin lahaa awrkii rimin lahaa, markii u dhalo, sidii loo korin lahaa abudka. Sidoo kale gabadhu waxay ciyaari jirtay booskeeda nolosha. Waxay usi diyaarin jirtay, sidii ay hooyo u noqon lahayd, ubadkeeda u korin lahayd, u baran lahayd sidii ninkeeda ay u dhiqi lahayd. Waxaas oo dhan waxay ka soo guurin jirtay, hooyadeed iyo ayaydeed iyo bulshada guud oo ay la nooshay. Ma jirin qof baagamuuddo ah, oo qof kale wax ka sugaya. Sidaas daraadeed ma jirin noloshaas qof saa’id ah oo iska wareega oo aan waxba hayn isla markaasna fisha inuu helo wax kasta oo uu u baahan yahay, lagu daro qaadkii iyo mirqaankii balwadda.
Kadib markii ay timid nidaamka dawladnimada oo qaab nololeedka Soomaalida ku cusbaa oo aysan wax fikrad ah ka haysan isla markaasna aan waafaqsanayn qaab nololeedkii ay yaqaanneen, ayaa waxaa dhacay jahwareer iyo faham la’aan xagga nolosha ah. Wareerkaas wuxuu taagnaa ilaa intii dawlad la noqday. Waxaa la arkay dad raaxaysanaya oo aan haddana shaqaynayn. Waxaa la arkay dad xoola baddan haysta oo ka helay dawladda ay xiriirka la leeyihiin. Markaas ayaa la isku dayday. Qof walba wuxuu jeclaystay inuu mar dawladda ka mid noq  si uu u helo nolol rakhiis ah oo aad u jaban.
Halkaas ayaa waxaa ka bilaamay nolol aan run ahayn oo ku dhisan been iyo shaxaad. Noloshaasi waxay isu baddashay khilaaf iyo dagaal lagu dagaallamay nacfigaas dawladnimada ku yimid iyo xiriirka lala leeyahay caalamka kale. Dagaalkaasi wuxuu isu baddalay qabiil iyo sidii waayihii hore loo kala daganaa oo la isu weerari jaray iyo faan, tartan ku dhisan badnaan qabiil iyo geesinnimo qabiil, ilaa lawaayay wixii la isku dilayay oo ahaa dawladnimo. Haddii dawladdii la waayay, waxaa soo haray xoogaaga nacfiga ah oo lag sadaqaysanayo dadka macaluulay oo dagaalka ku baaba’ay. Xooggaas iyo wax noo qabta, noo yabooha waxay keentay kaliya in shakhsiyaad boosasa magac leh joogay ay ka faa’iidaystaan oo ay ka helaan wax ay is leeyihiin waad ku noolaan kartaan.
Faham la’aantaas waddada nolosha iyo macnaha dawlad nimada ayaa keentay, inay samaysmato dawlad dadkale iyo dawlada kale u shaqaysa, maxaa yeelay, kharashka dawlada iskama bixin karto. Mushaarka dawladda oo dhan lagu daro madax waynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa bixiye dawlado kale, oo ku bixiya canshuurta ay dadkoodu dawladda siiyaan. Sidaas daraadeed, dhammaan dawladda iyo dadka u shaqeeya waxaa laga waardiyeeyaa dadkoodii ay iyagu matalayeen. Kharashka waardiyahay iyo dhammaan adeega aminigana waxaa bixiya dawlado kale. Haddana dadkaas ku magacaaban boosaska sare ee dawladda waxay u hayastaan inay dawlad yihiin oo sax yihiin, isla markaas waxay isku khilaafaan oo ay isku diriraan nacfiga yar ee dawlado kale bixiyaan oo dalkooda la siiyay. Waxaas oo dhan waxay tusinayaan sida aan u fahamsan nahay ama u naqaanno waxa dawladi tahay iyo sida ay u taallo.


in Badan si aqri...

somalia software

0 comments

in Badan si aqri...

tahriib dhalanyaro somaliyeed oo ku dhebateysan libiya

0 comments
tahriibaayal somalia ah oo is kula jiira raag iyo dumor ayaa video kan laka so tubay 

kumanaanka ruux ee tahriibka ku joooga dalka libiya ayaa doonaya inay ka tilaban baada u dhaxeyso talyaniga iyo libiya iyaga oo radinayo noloshii hore afrika mid ka duban hadaba maxaa ku khabsade safarkii ee ku marayeen saaxraha libiya  
in Badan si aqri...

Monday, December 21, 2015

barashaada ku shuubida windows 7 computer-kag By Eng Mohamed abukar

0 comments

side loku shubikara window7 computer-kag 4ad waa gunanadka barnamishaka 
caashirkan waxaa ka barantonta sida loku shubto window7 computer-kag
waxuuna ku baxaaya Afka somali ka
dawasho wacan
in Badan si aqri...

barashaada ku shuubida windows 7 computer-kag By Eng Mohamed abukar

0 comments
khebta 3aad sida window7 ugu shubi garto computer kag
caashirkan waxaa ka barantonta sida loku shubto window7 computer-kag
waxuuna ku baxaaya Afka somali ka
dawasho wacan
in Badan si aqri...

barashaada ku shuubida windows 7 computer-kag By Eng Mohamed abukar

0 comments
caashirkan waxaa ka barantonta sida loku shubto window7 computer-kag 2ad
waxuuna ku baxaaya Afka somali ka
sida logu shubta window7 computer kag khebtii 2ad
dawasho wacan
in Badan si aqri...

Baro side loo so celin karaa windows 8.1 felashii horey ad u tiirtey By Eng Mohamed Abubakar Abdulkadir

0 comments
caashirkan waxaa aad ku baraneysaa file ad horey u terye inaa so ciiliso
Baro side loo so celin karaa windows 8.1 taas oo sababeenayso ama socodsiinayso oprating system eyadoodib at u soo celinayso data dii horay at u soo tirtay feelashi horay
in Badan si aqri...

Shabakadda Somalia software waxay ardayda sharaftaleh u diyarisey ardayka ku xidhan u soo gudbinaysaa liiska websiteyada wax barashada ah ee ka jira dunida si ay uga faa’iidaystaan

0 comments
Shabakadda Somalia software waxay ardayda sharaftaleh u diyarisey ardayka ku xidhan u soo gudbinaysaa liiska websiteyada wax barashada ah ee ka jira dunida si ay uga faa’iidaystaan iyaganu. Qaybta Koobaad ee websiteyada aanu maanta idiin soo bandhigayno waxaad ka baran doontaa Duruusta kala ah:
Programming, Web Development, Networking and More…
1.       www.somaliasoftware.blogspot.com
2.       www.lynda.com
3.       www.udemy.com
4.       www.udacity.com
5.       www.coursera.org
6.       www.w3schools.com
7.       www.thenewboston.org
8.       www.programmr.com
9.       www.codeavengers.com
10.   www.codeschool.com
11.   www.learnstreet.com
12.   www.teamtreehouse.com
13.   www.sqlzoo.net
14.   www.codehs.com 19. www.tutorialspoint.com
15.   20. www.javatpoint.com
16.   21. www.cplusplus.com
17.   22. www.learncpp.com
18.   23. www.tutorialspoint.com
19.   24. www.cprogramming.com
20.   25. www.stackoverflow.com
21.   26. www.learncodethehardway.org
22.   27. www.bloc.io
23.   28. www.howtocode.io
24.   29. www.edx.org
25.   30. www.instructables.com
26.   31. www.developer.apple.com
27.   32. www.developer.android.com
28.   33. www.developers.google.com
29.   34. www.developer.mozilla.org
30.   35. www.msdn.microsoft.com
31.   36. www.dev.opera.com
32.   37. www.www.developphp.com
33.   38. www.quackit.com
34.   39. www.htmlite.com
35.   40. www.siteduzero.com
36.   41. www.dreamincode.net
37.   42. www.phpbuddy.com
38.   43. www.php.net
39.   44. www.microsoftvirtualacademy.com
40.   45. Ardaykaab.com



in Badan si aqri...

barashaada ku shuubida windows 7 computer-kag By Eng Mohamed abukar

0 comments
caashirkan waxaa ka barantonta sida loku shubto window7 computer-kag
waxuuna ku baxaaya Afka somali ka
dawasho wacan

1side_loku_shubikara_win7_computer-kag
in Badan si aqri...

Ciiwanka manta Guul iyo Guldaro

0 comments





warbixiinta manta

Isbuucii hore waxey nojogtey sidan
Hadii aad labadan ariin sameyso waxaa
shaki la`aan ah inaad guul dhab ah gaarayso (Insha Allah)
su’aal:
Dad waxaa jira u muuqda inay guul gaaren,
Hadana sida muuqata aad ugu liita xaga diinta,
Amaba waa dad aan muslimba aheyn. Dadkaas guushooda maxaa lagu tilmaami karaa?
Dadkaas waa labo arimood midkood:
1. Qokaas guusha uu gaaray inay tahya mid u muuqata dadka kale oo kaliya, balse uu isagu ku jiro nolol ciriiri ah. Maxaa yeelay guushu ma ahan hanti baan leeyahay. Ama mantiiqad sare
Ayaan gaaray oo kaliya. Balse waxaa muhiim ah in qofka niyadda u dhisan tahya. Oo dareenkiisu sareeyo. Oo sida ay dadku u arkaan iyo si ka wanaagsan uu isu arkon isaga. Raaxana u noqon
Meyso dadka sidaas ayay kuu arkaan.
Xigmad ayaa aheyd ama hadal murtii leh

لس السؤ ا ل كيف ير اك ا لنا س و لكن السؤ ا ل هو : كيف تر ي ا نت نفسك؟

Ma aha inaad ku xisaabtanto oo aad isweydiiso
Sida ayaydadku kuu arkaan? Balse waxaa sax ah su’aasha ah :
Sided isu argtaa adiga ? taas waxaa tusaale loogu soo qaadana karaa. In dad aad u badan oo dunida ku nool ay aminsan yihiin
Ama ay u arkaan dalalka ay reer galbeedku ku noolyihiin meel jano ah oo qofkii taga halkaas uu barwaaqo galayo. Lakin xaalku sida ma’aahan inbadan waxa amiinsan dadka muhaajiiriinta
Taas oo sameneso damiir xumo iwm. Aqriisto aan siiwato Qoralkega saas oo ay tahay waa
Meesha ugu badan marka laga hadlayo in qofku is dilo. Oo uu nafta iska qaado!!! Sababta uu isu dilayna ma ahan inay hanti la’aan hayso. Tusale taahriibku meeqo kuun lagu qasariiya. Is weytii adigu? Ee waxaa maqan dareenkii ku xiri lahaa Allihii u nicmeeyey. Taas oo lagama marmaan ah.
2. Arinta labaad waa iyada oo qofku si dhab ah u gaaray guul. Oo uu aad ugu qanacsan yahay guushaas, qofkaas hadii uu yahay mid aan xiriir fiican laheyn Allah,
Waa mid loo seta dheereynayo, sidii ku dhacday in badan oo kamid ah dadkii aduunka soo maray.
Allah S.W waxa uu leeyahay isaga oo ka sheekaynaya dadka diiday amarkiisa:

" فلما نسواماذ كر و ا به فتحنا اعليهم أنواب كل شئ حتي اذا فر حوا نما أوتو أخذ نا هم بغتة "
in Badan si aqri...

How to dwonload 3-D Album by Eng Mohamed abuukar

0 comments



Cashirkaan waxa uu ku saabsan yahay sida loo soo dajiyo Barnaamijka 3d album
Waxaana halkaan kasoo jeedinayo Eng mohamed abuukar

in Badan si aqri...