Tuesday, April 26, 2016

7 Sababood Oo Keena Caano Yaraanta Naasaha



Hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naasahooda in ay ku yaryihiin ilmahooda, sababtane waxay tahay iyagoo aaminsan waxyaabo qaldan oo ay ku ogaadaan in caanaha ay yaryihiin ama ay badan yihiin.
Tusaale ahaan, hooyooyinka qaar ayaa waxaa calaamad u ah in hadduu cunuggu dilqaynin in naasahooda caanaha ku yaryihiin.
Hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in haddii naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso ay caano la’aan tahay.
Qaar baa aamisan haddii naasaha culees aysan ka dareemin in caanaha ay ku yaryihiin.
Intaasba waa qalad in wax looga qiyaas qaato.
Ilaahay wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay, midda kale ma ahan macnaheeda in caanaha ay meesha ku jiraan markuu cunugga nuugane ay faaruqaayaan oo in ay soo buuxsamaan in loo sugo ay tahay.
Haddii hooyadu ay caafimaad qabto, badanaa naasaheeda way ku jiraan caano ku filan cunuggeeda, way dhici kartaa haweenka qaar in ay caanaha naasahood ku yaryihiin waxaana lagu ogaan karaa in weli ay arkayaan in cunugga uu baahan yahay ama ay dareemayaan muddo badan oo isku xigxigta in cunugga uu u baahan yahay in naaska la jaqsiiyo.

Kuwaas waxaa u keeni karo caana yarida waxyaabahaan soo socdo:
1- In hooyada naasaheeda ay yaryihiin oo aysan lahayn unugyada caanaha sameeya oo ku filan.
2- In hooyada ay qabto dhibaatooyin xagga hormoonnada sida in sonkor qabto oo kale ama ay qabto xanuunka thyroid-ka, dhiig-kar ama fiix ay ku leedahay ugxan sidaha oo soo deynayo hormoono.
3- In hooyada hadda ka hor qalliin looga sameeyay naasaha.
4- In hooyada ay qaadato kaniini uur ka hortag.
5- In hooyada ay qaadato daawooyin yarayn kara caanaha naaska ama geedo daaweed.
5- In hooyada aysan garanaynin qaabka iyo sida cunugga loo jaqsiiyo naaska ama iyada qaab fadhiisadka uu ka qaldan yahay ama cillad abuuris xagga feerah ay qabto. (maxaa yeelay naasaha waxay sameeyaan caano intii uu u baahan yahay ama uu ka nuugo cunugga)
6- In hooyada aysan habeenkii cunugga nuujin (habeenkii oo aan la nuujin cunugga waxay keensanaysaa in soo saarka caanaha naasaha ay yaraadaan)
7- In hooyada ay cunugga ku bilawday wax aan caanaha naasaha ahayn maalmaha ugu hooreeyaba oo cunugga inta uu naaska ka cabayo ay yartahay sdiaasne soo saarka caanah ay ku yaraadeen.
Waxaa habboon oo hooyooyinka in lagula taliya ah in inta aysan go’aan gaarin in caanaha naasaha ay ku yaryihiin in la ogaado haddii ay jirto cillad yaraysay oo la xallin karo.
Waxaad kaloo ogaataa, caana yarida kuma xirna in hooyada ay cayilan tahay ama caato ay tahay.
Sawiiro:



Share this article :

0 comments: