Saturday, April 16, 2016

Madoneysa inaa ganacsi bilabto iyo Qebta xiigte 2aad 5 Astaamood Oo kale Muujinaya Inaad Diyaar U Tahay Ganacsi Q/W Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir



waxeey noojogte sida taan.... waa in aad diyaar u noqotaa guusha, oo mararka qaar waxaa dhici karta in ganacsigaaga si aadan fileyn uu guul u gaaro oo aad xamili weydo baahida loo qabo adeegaaga ama alaabtada aad iibiso, iyada xitaa waa in aad leedahay qorshe B.

6. Waxaad haysataa lacag – Inkastoo ay jiraan ganacsiyo aad ku bilaabi karto lacag aad u yar, xaqiiqadu waxay tahay in inta badan ganacsiyada cusub ay u baahanyihiin lacag aad ku aasaasto iyo mid aad ku socodsiiyo. Inta aadan furan ganacsi waa in aad xaqiijisaa in aad haysato dhaqaalaha aad u baahan doonto.
7. Waxaad ku jidhaa nolol degan – Qofka aysan deganayn xaaladiisa nololeed, sida dhinaca qoyska ama aan si rasmi ah deegaan u ahayn meesha uu deganyahay waa mid ku sugan xaalad kacsan, taasi uma fiicna ganacsiga mana haboona in aad ganacsi abuurato inta aad ka helayso nolol degan.
8. Waxaad aqoon ama waayo aragnimo u leedahay waxyaabaha aad ka ganacsaynayso – Tani dhowr jeer ayaan ka hadalnay, inkastoo aad ganacsi abuuri karto adiga oo aan aqoon u lahayn sida ganacsigu u shaqeeyo hadana waxaa muhiim ah in aad aqoon ama waayo aragnimo u leedahay adeega ama alaabta aad doonayso in aad iibiso, haddii kale waxaad noqonaysaa mid ku xiran dad kale. Tusaale, haddii aad furato garaash adiga oo aan aqoon sida baabuurta loo sameeyo, taasi waxay noqonaysaa in aad ku xirnaato dad makaaniko ah oo aad mushaar siiso, iyadoo ay macquul tahay in ganacsigaaga uusan soo saarin mushaar ku filan adiga iyo shaqaalahaaga. ‘
9. Waxaad leedahay karti ganacsade – Qofkasta ganacsade ma noqon kara , taasi waa xaqiiqo la wada ogaaday. Waa in aad aamintaa dareenkaaga dhabta ah oo aad isweydiisaa in aad diyaar u tahay in aad qaadato masuuliyada iyo culeyska uu leeyahay ganacsiga.
10. Waxaad ku wanaagsantahay maareeynta waqtiga iyo lacagta – Dad badan ayaa ganacsi u abuuro si ay u helaan xoriyad oo aysan cid kale u shaqayn balse waxaa muhiim ah in aad leedahay dishibiliin xaga maareynta waqtiga iyo lacagta ah. Haddii aad iska seexato oo aadan ganacsigaaga waqti siinin lacag ma soo saarayo ismana kobcinayo. Haddii aadan xisaabin dhaqaalaha uu soo saarayo ganacsigaaga oo aadan u isticmaalin si wanaagsan, waxaad ku dambeynaysaa qasaare. Sidaa darteed waa in aad tahay qof ku wanaagsan maaraynta waqtiga iyo lacagta.
Dhamaadka Qormada ee Ganacsiga...
Hoos sawiro


Share this article :

0 comments: