Saturday, April 16, 2016

Madoneysa inaa ganacsi bilabto ? 5 Astaamood Oo Muujinaya Inaad Diyaar U Tahay Ganacsi Q/W Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir





Ma ka fikirtaa in aad yeelato ganacsi? Abuurista ganacisgu waa mid xiiso badan isla markaana faa’iidooyin badan. In aad noqoto qof aan cidna u shaqayn oo aan cidna amar ka qaadan waa xoriyad ay dad badan ku riyoodaan balse waxaa muhiim ah in aad ogaato in ganacsigu u baahanyahay hawl-karnimo badan, halkaan waxaan idin-kugu soo bandhigaynaa 10 calaamadood oo lagu garto marka aad diyaar u tahay in aad noqot ganacsade dhab ah.
1. Waxaad aaminsantahay fikradaada – Haddii aad tahay qof aad ula dhacsan fikradiisa iyo waxyaabaha uu doonayo in uu ka ganacsado isla markaana ay yihiin waxyaabo aad jeceshahay in aad qabato si joogto ah, taasi waxay muujinaysaa in aad diyaaar u tahay in aad ka miro dhaliso.
2. Waxaad haysataa suuq – Ganacsiga wanaagsan waa midka leh suuq weyn oo ay macaamiishu diyaar u yihiin in ay iibsadaan badeecada ama adeega aad bixiso. Inta aadan aasaasin ganacsiga, xaqiiji in baahi loo qabo waxyaabaha aad doonayso in aad ka ganacsato.
3. Waxaad taqaanaa awoodaada – Inta aadan furan ganacsiga waa in aad xaqiijisaa in shaqadu ay tahay mid aad kaligaa qaban karto ama in aad u baahantahay dad kale, haddii aad u baahantahay cid ku caawisa waa in aad heshiis la gashay inta aadan hawsha galin isla markaana ay yihiin kuwo u jajaban hamigaaga.
4. Waxaad diyaar u tahay in aad wax barato – Wax badan ayaan ka hadalnay muhiimada ay leedahay waxbarashada, balse ujeedkeenu ma ahan in aad iskuul gasho balse waa in aad diyaar u tahay in aad barato waxkasta oo aad ganacsigaaga ku socodsiin karto. Aasaaska iyo socodsiinta ganacsiga ayaa lafteeda ah waxbarasho joogto ah, iyadoo aad qaadan doonto casharo badan oo aadan waligaa iskuul ku dhigateen balse diyaar u ahoow in aad qalad samayn doonto, isla markaana aad cashar ka qaadan doonto.
5. Waxaad diyaar u tahay fashilka iyo guusha – Aduunka ganacsiyada laga abuuro inta badan fashil ayay ku dhamaadaan, taasi macnaheedu waa in aad diyaar u noqoto in ay macquul tahay in ganacsigaaga cusub uu fashil ku dhamaado balse aad leedahay qorshe B oo haddii fashil yimaado aadan noqon mid meel cilo ku soo dhacaya. Sidoo kale, waa in aad diyaar u noqotaa guusha, oo mararka qaar waxaa dhici karta in ganacsigaaga si aadan fileyn uu guul u gaaro oo aad xamili weydo baahida loo qabo adeegaaga ama alaabtada aad iibiso, iyada xitaa waa in aad leedahay qorshe......1aad

lasoco qebta xiigta iyo qormada 

hoos sawiiro 




Share this article :

0 comments: