Thursday, April 21, 2016

Ma ogtahay Faa’iidada Qarsoon Ay Raggu Ka Helaan Qabashada Howsha Guriga




Hadii uu ogaan lahaa ninku shaqada aqalka Faa’iidada ay leedahay waxa uu kula tartami lahaa xaaskiisa sida ay tidhi Alexandra Burchard Barker oo ah khabiirad Jarmal ah.
Khabiiradani waxa ay sheegtay in shaqada gurigu ay tahay hub wax ka taraya sidii loo gubi lahaa xaydha, iyada sido kale door muhim ah ay ka ciyaarto sidii loo sugi lahaa caafimaadka iyo dhaq dhaqaaqa jimicsiga.
Khabiiradu waxa ay tidhi qofka miisaankiisu yahay 70 kilo waxa uu gubi karaa 600 calories (oo ah qiyaasta tamarta cuntadu dhaliso) kadib marka uu qabto 2 saacadood oo shaqada guriga ah, taasoo u dhiganta jimicsiga u baahan awooda xoogle oo uu sameeyo saacad qofku.
Khabiiradan oo xubin ka ah ururka daryeelka macaamiisha ee Jarmalka’ ayaa sharaxday nadiifinta daaqadaha mudo saacad ah in ay ka caawinayso qofka in uu gubo 320 calories, tilmaamtayna suuragalnimada kor u qaadida adkaysiga marka uu hoos iyo saray u fuulayo dalag dalagata xiliga uu sifaynayo daaqadaha.
Waxa waliba suuro gal ah bay tidhi in uu gubo 75 calories marka uu nadiifinayo suuliga mudo 15 daqiiqo ah taaso jimicsi u noqanaysa gacmaha iyo muruqyada caloosha.
Fiiqida aqalka mudo 30 daqiiqo iyo15 daqiiqo oo masaxaad ah waxa dhici karta in qofku uu gubo 200 oo calories isaga oo ku xisaabtamaya isticmaalida adeegsiga labada gacmood kol mid ah si uu uga hor tago in dhinac kaliya adeegsado.

Q/W: Eng: Mohamed Abubakar Abdulkadir 





Share this article :

0 comments: