Saturday, April 16, 2016

Ma Ogtahay aqriistow Socodka Lugta Ah Oo Firfircooni U Kordhiya Jirka Iyo Maskaxda Hadaba Ma Ogtahay aqriistow Socodka Lugta ah in U Yahay Caafiimad Q/W Cumar C.laahi Caadow ( - Daacad -)








Cilmi baaris Caafimaad oo mudo Sanado ah ay wadeen khubaro ku xeel dheer Arimaha Caafimaa d oo u dhashay wadanka Mareykan ayaa Natiijadii kasoo baxday waxa ay aheed in Socodka Lugta ahi Caafimaad ahaan iyo Maskax ahaan u fiican yahay Caafimaadka Aadanaha

Sida warbixintan caafimaad oo mudo laba sanadood ah lagu guda jiray ku warantay waxa dad tiradooda lagu qiyaasay 120-qof oo da’doodu u dhaxayso 55-jir ilaa 80 jir, kuwaas oo laba qaybood loo kala qaybiyay waxaana qayb ka mid ah laga codsaday inay socod lug ah oo dabiiciya iskood u sameeyaan, halka kuwa kalena laga dalbaday inay jimicsi ku sameeyaan qalabka Electronics ah ee lagu jimicsado, waxaana mudo sadex todobaad gudahood ah lagu ogaaday inay kala fiican yihiin labadan qaab jimicsiga loo sameeyo.
Sida lagu sheegay cilmi baaristan socod qofku si caadiya u sameeyo maalin walba afartan daqiiqadood gudahood ay wax badan ka tarayso caafimaadka jirka iyo maskaxda.
Sida cilmi baaristan daaha ka rogtay dadkii sameeyay socodka lugta ah ee caadiga ah oo mararka qaarkood ay ku lamaan yihiin orod gaaban oo nooca ruclaha loo yaqaano ahi ay koriso maskaxda qaybta fir fircoonida jirka galisa ee loo yaqaano, 
fir fircoonida jiirka  

qaybtaas oo masuul ka ah firfircoonida jirka iyo maskaxda.

Q/W Cumar C.laahi Caadow ( - Daacad -)

sawirada 





Share this article :

0 comments: