SOMALIA SOFTWARE WAA WEHESHA WAXBARASHADA EE TIIGNOLAJIYADA

wixii fah-faahin dherad ah kala xirii www.somaliasoftware.blogspot.com www.facebook.com/somaliasoftware/ www.twitter.com/somaliasoftware/






Wednesday, December 21, 2016

Qof kasta ha aqriyo Qisadan, gaar ahaan Ardayda Qalin jabisay ee Shaqo doonka ah

0 comments

Wiil dhalinyaro ah ayaa shaqo Maamule shirkad weyn ka codsaday. Wuxuu interview u soo hor fariistay Agaasimihi Guud oo CV-gisa ka ogaaday in natiijada waxbarashadiisi sareysay. Wuxuu weydiiyay in Aabihii Schoolka ka bixin jiray? Wuxuu ku jawaabay, Maya Hooyadey baa iga bixin jirtay.
Agaasimihi ayaa weydiiyay, “Xagee ka shaqeysaa”
Wiilki ayaa ku jawaabay “Dharka ayay dhaqi jirtay”
Wuxuu yiri, weligaa hooyadaa ma ku caawisay inaad dharka la dhaqdo?
“Maya, iyadaa si dhaqso ah u dhaqi jirtay, anigana inaa wax barto ayay rabtay.”
Agaasimihi wuxuu ka codsaday inuu guriga markuu aado maanta Hooyadii gacmaha u dhaqo, ka dibna subixi ku soo noqdo.
Wiilki wuxuu dareemay inuu shaqada helayo haduu sidaa sameeyo. Markuu gurigi gaaray ayuu Hooyadii weydiiday inuu gacmaha u dhaqo. Iyadi oo yaaban hadana faraxsan ayay tiri OK . Wiilki wuxuu bilaabay inuu gacmaha Hooyadii dhaqo, Ilin ayaa ka qubatay. Waa marki ugu horeysay uu ogaaday in gacmaha Hooyadii ay dil-dilaac & duuduub badan ku yaalaan, Nabarada qaarkood waxay ahaayeen kuwa xanuun leh oo Hooyadii damqaneysay markuu taabto.
Waa marki ugu horeysay uu ogaado in Gacmahan ay yihiin kuwi dharka dhiqi jiray maalin kasta si ay isaga waxbarashada uga bixiyaan. Wuxuu maalintaa dhaqay dharki u harsanaa oo dhan.
Habeenkaa wiilki & Hooyadii wax badan ayay wada hadleen.


Subixi dambe markuu Xafiiski ku noqday, Maareeyihi wuxuu dareemay ilmada indhaha wiilka ku joogtay. Wuxuu weydiiyay waxa uu sameeyay soona bartay shalay?
Wiilki: “Waxan dhaqay gacmaha hooyadey & dharki oo dhan. Waxaan ogaaday dhibka hooyadey qabtay si ay mustaqbalkeyga u dhisto. Iyada la’aanteed heerkaan ma soo gaareen. Waana muhiim qof kasta inuu qoyskiisa caawiyo”
Agaasimihi guud ayaa ku yiri, “Tani waa waxa aan ka raadinayo Maamule. Waxaan rabaa inaan shaqaaleeyo qof ka maqsuuda caawimaada dadka kale, qof garanaya dhibaatada & silica dadku qabaan si ay hawl u qabtaan nololna u sameeyaan, Qof aan Lacag inuu helo ama ururusado ka dhigan Hadafka keliya uu leeyahay Nolosha.”
“Waa lagu Shaqaaleeyay”
Ninki dhalinyarada wuxuu bilaabay shaqadiisi cusbeyd, wuxuu u shaqeeyay si adag, wuxuuna helay xushmada kuwi ka deraja hooseeyay & kuwi ka sareyay. Shaqaalaha waxay hawsha u qabteen si hawlkarnimo & isku duubni. Waxqabadki Shirkada sare ayuu u kacay.
Marnaba ha hilmaamin dhibti lagaa soo maray, sidi waalidkaa waxbarashada kaaga soo bixiyeen. Waxa keliya aad ugu abaalgudi karto waa inaad sameysaa wixi ay kaa rabeen oo ah inaad meel ka soo baxdo, ciyaar aadan gelin, waqtiga aadan bilaa micne ku lumin. dhexda aad xirato, halgan nolosha ah aad gasho. Allaha tuso waalid badan caruurtoodi oo wixi ay ka rabeen iyo riyadoodi u rumeeyay.
Q/W: Cumar Dacaad 


in Badan si aqri...

Ma Ogtahay Taleefanka Jeebka La Gashto Ma Yareeyaa Manida Ragga? (CILMI BAARIS laku sameye)

0 comments




Daraasad cilmiyaysan oo la sameeyay ayaa waxa ay ka digaysaa in taleefoonka mobilka lagu qaato jeebka hore ee surwaalka, isagoo taleefoonku waxyeelo u gaysanaya xubnaha taranka ee ragga saamayna ku yeelanayo dhaqdhaqaaqii dabiiciga ahaa ee xidida macdanta ragga.

Daraasadu waxay muujinaysaa in taleefanka haddii la geliyo jeebka hore ee surwaalka ama la dhigo meel u dhow xubnaha taranka ee ragga sida xininyaha ay yareynayso xaddiga iyo tayada manida ragga.
Cilmi baraayaashu waxay heleen caddaymo muujinaya in shucaaca taleefoonnadu ay ka qeyb qaadan karaan hoos u dhaca hamada ragga.
Daraasadan iyo kuwa ku horeeyayba waxaa kasoo baxay xiriirka ka dhexeeyo shucaaca taleefoonka kasoo baxa iyo inay guraan xididada manidu.
Halkaan ka daawo faahfaahinta daraasadan:

in Badan si aqri...

Sunday, December 18, 2016

Xalad Caafimad Ee Dumarka ilmaha lagu qalo oo laga deyriyey

0 comments

Saynisyahanno ayaa sheegaya in joogteynta qallinka dumarka lagu sameeyo marka ay dhalayaan uu cawaaqib ku yeelanayo horumarka uu jirka bani aadmigu sameeyo.
Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan makaanka si habboon uga soo bixi karin, maaddaama miskaha hooyada ay ciriiri yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixdameeyadii, ilaa 36 kunkiiba wakhti xaadirkan.



Su'aasha ay saynisyahannadu is weydiinayeen muddo dheer ayaa ah sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le'eg u korin. Arrintaas ayaa lala xiriirinayaa ayadoo hooyooyinku ay hidde-sidayaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay dhalaan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena carruurta dhalata marba marka ka dambaysa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafimaad qaba.
Is le'ekaansho la'aantaas ayaa la leeyahay waxay sababtaa in dumarka qaar ay door bidaan in ilmaha lagu qalo ayagoo ka cabsi qaba inay umul raacdaan, oo ilmuhuna ku dilmaan.
Laakin cilmi baareyaal ku sugan jaamacadda Vienna waxay ka dardaar werinayaan in xaaladdu haddii ay sidas ku sii socoto ay yaraan doonto tirada dumarka sida caadiga ah u foosha.
W/Q: Muno ali

in Badan si aqri...

Shirkada Facebook ayaa shaqaalaha UK kordhinaya 50% sanadka 2017-ka

0 comments

Facebook ayaa kordhin doonta shaqaalaha UK 50% markii ay u furto xarunteeda cusub ee London sanadka 2017, shirkadda teknoolajiyada ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday.
Waxay qoronaysaa 500 oo shaqaale dheeraad ah, oo ay ku jiraan injineero, shaqaalaha suuqgaynta, iyo kuwa hogaamiya barnaamijyada.(project managers)
"UK ayaa ah meelaha ugu fiican ee shirkadaha teknoolajiyada ay xarun ka dhigtaan," ayay sheegtay madaxa Facebook UK, Nicola Mendelsohn.



Xarunta cusub ee Facebook ayaa laga furi doonaa Fitzrovia iyadoo dhismo uu ku socdo.
Shaqaalaha cusub intooda badan ayaa ka shaqayn doona xarunta cusub.
Ms Mendelsohn, ayaa ka sheegaysa kordhinta shaqaalaha shirka madaxda shirkadaha Britishka ee CBI ee ka dhacaya London.
'Shaqooyinka xirfada sare'
"Shaqooyinkan intooda badan ayaa ah shaqooyin injineero oo xirfad badan leh iyadoo UK ay tahay xarunteena injineernimada ee ugu wayn Maraykanka kadib", ayay sheegtay Ms Mendelsohn, oo ah gudoomiye ku xigeenka Facebook ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika ee Facebook.
Shirkada ayaa sheegtay in hal abuuryada ugu muhiimsan ay ka soo baxeen UK, oo ay ka mid yihiin Aquila, iyo diyaaradaha aan la wadin ee qoraxda ku shaqeeya ee internetka siiya meelaha fog fog.
Injineerada Facebook ee ka shaqeeya London ayaa ka shaqaynaya inay soo saaraan borogaraamka Workplace, oo loogu tala galay in lagu hormariyo sidii ay shaqaalaha shirkadaha iskula xiriiri lahaayeen, iyadoo la bilaabay barnaamijka bishii hore.



Markii Uk ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub waxaa dad badan ay hadal hayeen in shirkadaha caalamiga ay dib uga fiirsan doonaan maalgalinta UK.
Laakiin, ku dhawaaqida kordhinta shaqaalaha Facebook ee Uk ayaa timid toddobaad kadib, markii Google ay ku dhawaaqday £1 bilyan oo maalgalin oo ay ku samaynayso xarun cusub oo London ah iyo 3,000 oo shaqaale cusub ay qaadanayso sanadka 2020.
Duqa magaalada London Sadiq Khan, ayaa soo dhaweeyay hadalka maalgalinta Facebook.
"Go'aanka Facebook ee ay ku maalgalinayso London ayaa marqaati ka ah inay sii kordhayso awooda London oo ah xarun teknoolajiyad," ayuu sheegay.
"Magaalo madaxda London oo teknoolajiyada ku horaysa ayaa ah wax ay ku daydaan Yurub, maalgashiga Facebook ayaa ah calaamad in London ay u furan tahay halabuurka, kartida, iyo halabuurka ganacsiga ee caalamka oo dhan."
W/Q: Mohamed Nour
Xigasho. bbc.com





in Badan si aqri...

Qorshe lagu diiwaan galinayo websiteyada ay dadka reer UK booqdeen ayaa waxaa ka soo horjeestay shirkadaha teknoolajiyada oo doonaya inay bixiyaan hab ay ku qariyaan meelaha ay dadka booqdeen.

0 comments




Shirkadaha internet-ka ayaa doonaya inay ka hortagaan sharciga lagu ogaanayo websiteyada la booqdo.
Shirkadaha internetka bixiya, ayaa mudo dhow looga baahnaan doonaa inay diiwaan galiyaan meelaha ay macaamiishooda booqdaan oo ay ku jiraan websiteyada iyo app-ka fariimaha la isugu diro.
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay inuu sharciga caawin doono si looga hortago argagixisada, laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in dadka kombutarada xogtooda u dhaca inay heli karaan xogta macaamiisha.
"Waxay qaadataa in qof xun ay u suurto gasho inuu helo xogta oo dhan" ayuu sheegay James Blessing, oo ah gudoomiyaha ururka shirkadaha bixiya internetka ee (Ispa), oo ay ku jiraan shirkadaha BT, Sky, Virgin Media, TalkTalk iyo kuwo kale.
"Wax walba ayaad isku dayi kartaa si aad u ilaalisid xogta laakiin mar walba qof ayaa kaa aqli badinaya. Qaladaad ayaa dhacaya. Waa goorma ayay dhici doontaa. Waxaa la rajaynaa inay dhacdo tobanaan sano ama boqolaal sano gudahood. Laakiin waxay dhici kartaa toddobaadka danbe."
Xogta la qariyay
Sharciga (Investigatory Powers Bill), oo uu ansixiyay aqalka sare ee baarlamaanka Uk ee House of Lords, 19-kii November, ayaa sharci noqonaya ka hor dhamaadka 2016.
Hadda, shirkadaha bixiya internetyada gaarka ah ee (VPN) ayaa ka faa'idaysanaya sharcigan bilaabanaya si ay adeegooda u bixiyaan.
VPNs ayaa si digital ah uga bixisa xogta meelaha uu booqday qofka waxayna u dirtaa xarumo kombutero ee xogta kaydiya oo ay leeyihiin (servers), inta aysan u gudbin website ama app uu qofka ka isticmaali karo. Sidoo kale waxay samayn kartaa inay qariso websiteyada uu qofka booqdo.
Halka ISPs ay diiwaan galinayaan meel walba ay macaamiisha booqdeen, xogta kaliya ay shirkadahan siin karaan masuuliyiinta ayaa ah in macaamiisha ay isticmaaleen VPN.
"Waxaan aragnay sanadkii hore codsi badan oo ka yimid Australia markii sharciga diiwaan galinta xogta ay hirgashay" ayay BBC u sheegtay Jodi Myer, oo ah afhayeenka NordVPN.
"Waxaana hadda arkaynaa koror ku yimid dad reer UK ah oo doonaya inay ogaadaan adeegan".
"Faa'iidadeenna noogu weyn waxay tahay inaan leenahay siyaasad inaan xogta la diiwaan galinayn," ayay hadalkeeda ku dartay.
"Xarumaheennu waxay ku yaalliin dalka Panama, halkaas oo aan lahayn sharciyo xogta lagu haysanayo, saas awgeed waxay noo suurta gelinaysaa inaan arrintan sameyno.
"Xataa haddii ay waxa ugu xun dhacaanna oo kombiyuutaradeenna la qaado, wax noogu qoran ma jiraan waayo sida ay u qoran yihiin awgeed."

Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay in sharciga "(Investigatory Powers Bill), uu siinayo hayadaha ammaanka awooda ay u baahan yihiin inay ka difaacaan UK argagixisada iyo danbiilayaasha iyadoo aan sharciga lagu xadgudbeen.
"Argagixisada iyo danbiilayaasha waawayn waxay mar walba helayaan hab ay uga hortagaan inaan la ogaan."
"Si loo hubiyo inaysan guulaysan, kama hadalno habka iyo awooda ay leeyihiin hayadaha ammaanka iyo sirdoonka."

in Badan si aqri...

Ma Ogtahay Noocyada Caado Wareerka Dumarka Iyo Asbaabaha Keena

0 comments



Caado wareerku waa cillad dumar badan lasoo gudboonaata. waa is badal ku dhaca hab-socodka dabiiciga ah ee caadada, waxaanaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah:
  1. Dhiig bax aan caadi ahayn
  2. caadada oo isku soo dhowaato (sida caadada oo timaada 2 goor bil gudaheed)
  3. Caadada oo kala fogaato
  4. Caadada oo la waayo
Asbaabaha caadiga ah ee keeni karaa caado wareerka waxaa ka mid ah:
·         Cuno xumo
·         Culeeska jirka oo lumo
·         xilliga hore ee dhalmo deyska
·         Uurka iyo naas-nuujinta: Caadada oo gabto waqtigeedi ama soo daahdo waa caalamadaha ugu horeeya ee tilmaamo inuu jiro uur, Naas nuujinta waxay daahisaa soo noqoshada caadada uurka kadib.
·         dawooyinka qaar sida kuwa uurka looga hortago
·         Welwelka: Dhakhatirtu waxay isku raacsan yihiin in welwelka uu sabab weyn u yahay caado wareerka,
·         Jimicsiga badan: Badanaa haweenka jimicsiga badan caadadoodu way qaldantaa. Jirku waxuu u baahan yahay tamar si ay haweenku caado u helaan, haddii  aad jimicsiga badsato tamar badan ayaa ka baxaysa jirka taas oo hoos u dhigaysa suurtagalnimada inaad caado hesho bishaas.
Cudurrada keeni kara caado wareerka waxaa ka mid ah:
·         Caabuqa miskaha
·         Howlgabka iyo kacsanaanta qanjirka thyroid-ka:  Xaaladaha uu kacsanyahay ama uu dhacsan yahay qanjirka thyroodhka waxa ay keeni karaan caadada oo kaa wareerto ama siyaado noqoto socodkeeda.
·         Ugaxan-sidaha Fiixda Leh: Ugxansidaha fiixda leh waa xaalad caafimaad oo loo yaqaanno “Polycystic Ovary Syndrome”  Waa xaalad ku dhacda haweenka taasoo keenta dhowr dhibaato oo ay ka mid tahay caado wareer. Waxay sababta in caaadada dumarka la waayo, in ay soo daahdo iyo in muddo ah in ay iska socoto..Waxay kaloo sababtaa qofka oo aad u cayila, madhalaysnimo, timaha oo aad u baxa.
Maxaan sameeyaa si aan uga hortaggo caado wareerka?
Si joogta ah u samee baaritaan xaga miskaha ah, sababtoo ah waxay sahli kartaa in si dhaqsa ah loo ogaado haddii ay jirto xaalad khatar ku ah xubintaada taranka.
La tasho dhaqtar haddii:
  • Caadada aysan imaan in ka badan 90 maalmood adigoon lahayn uur
  • Caadada haddii ay isdaba marto iyadoo awal joogta ahayd
  • Hadii dhiiga uu socdo in kabadan 7 maalmood
  • Haddii dhiigda uu dareero si ka culus sida caadi kuu ahayd, ama haddii aad isticmaashid 1 tambooni saacadi ama laba
  • Haddii 2di caado ay udhexeeso 21 maalmood ama wax ka badan 35 maalmood
  • Haddii dhiig uu kaa yimaado ayadoo xiliga caadada ahayn
  • Hadii aad dareentid xanuun daran xiliga caadada
  • Haddii aad dareentid qandho ama aad xanuun saaid mar kasta oo aad isticmaashid tambooni.
Q/W: Muno ali

in Badan si aqri...

Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

0 comments

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka badan marka laga reebo caanaha hooyada. Waxay daawo u yihiin xanuuno badan.
Caanaha geela waxaa ku jira 3 laab Fiitamiin C-ga ku jira caanaha Lo’da, waxaa kaloo ku badan potassium, Phosphorus, zinc, iron,manganese, fiitamiino, minerals, iyo amino acids. Waxaa Caanaha geela ku jira 200 wax ka badan oo protein ah Sidoo kale caanaha geela waxaa ku jira antibiyootik dabiici ah taas oo ka ilaalineysa inay dhakhso u xumadaan, ama bakteeriya ku dhalato.
Faaidooyinka caafimaad ee cabista caanaha geela:
Daaweynta Cudurka Macaanka: Caanaha geela waxay qani ku yihiin nafaqooyin, waxaa ka mid ah hoormoonka insulin oo ka kantaroosha sonkorta. joogtaynta Caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxay xal dabiici ah u noqon karaan dadka qaba macaanka, Waxaa dhacda in mararka looga maarmo cirbada insul-ta.
Difaaca Jirka: caanaha geela waxaa ka buuxa borotin aad u badan, qaarka ka mid ah borotiinadaasi waxay qaabilsan yihiin inay jirka ka difaacaan jeermiska iyo xanuunada soo boodada ah. Caanaha geelu waxay xoojiyaan difaaca jirkeenna iyagoo naga ilaaliya dhibaatooyinka gudaha jirka iyo kuwa dibada.
Koriinka iyo Kobaca: caanaha geela waxaa ku badan borotiinka xoolaha, kaasoo u fiican koriinimada iyo tayaynta lafaha. Caanaha geelu waxay ugu horreeyaan cuntooyinka la siiyo dhallaanka iyo caruurta nafaqo darradu hayso sababtuna waa borootinka badan ee laga helo. Caanaha geelu waxay kobciyaan caafimaadka iyo fayowqabka.
Wareegga Dhiigga: caanaha geela waxaa ku badan birta (iron) oo u fiican ka hortagga dhiig-yarida, caanuhu geelu waxay muhiim u yihiin wareegga dhiiga iyo firfircoonida unugyada dhiigga. Caanuhu geelu waxay muhiim u yihiin hooyada umusha ah, qofka dhaawacma iyo caruurta ay nafaqo darradu hayso.
Dhakaakaha (Autism): Dhakaakuhu waa naafo muddo dheer la korta qofka oo saamaysa sida qofku ula hadlo iyo ula macaamilo dadka ku xeeran. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu arkay in cabista caanaha geela oo la joogteeyo ay yareyso ama ay daaweyso cudurka dhakaakaha.
Xasaasiyada: Cabista caanaha geela oo la joogteeyo waxay u fiican tahay hoos u dhigidda xanuunada xasaasiyada ka dhasha sida sanboorka, neefta iwm.
Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela waxay isu dheelitiraan kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas daraadeed waxay muhiim u yihiin ka hortagga wadne-qabadka, faaliga (stroke) iyo dhiig karka.
Q/W: Mohamed Nour

in Badan si aqri...

Shirkada Barclays oo tijaabinaya app teleefoon oo lagu baxsado lacagta bangiga

0 comments



Barclays ayaa tijaabinaysa mashiinada lacagta bangiga oo u ogolaanaya macaamiisha in lacag ay la baxaan iyagoo isticmaalaya taleefoonka smartphone-ka.
Adeegan aya lagu samayn karaa oo kaliya teleefoonada leh Android, oo lacagta lagula soo bixi karo iyadoo fariin u diraysa mashiinada lacagta ee NFC.
Bangiga ayaa ku talinaya in adeegan uu ka aaminsan yahay kaarka mashiinka la galinayo, iyadoo ka hortagaysa in kaarkaaga sawir laga qaato.
Laakiin qof ku xeel dheer ammaanka bangiga ayaa sheegay in wali ay jirto qatar.
Barclays ma aha bangiga ugu horeeya ee u ogolaada macaamiisha inay lacagta la baxaan iyagoo isticmaalin kaararkooda.
Barclays ayaa doonaya inuu fududeeyo habkan, isagoo u ogolaanaya qofka akoonka ama xisaabta ay u furan tahay inuu dulmariyo taleefoonka mashiinka, kadibna uu galiyo numbarka sirta ah.
Sidoo kale, lacag ayuu qofka la bixi karaa haduu kaarkiisa dulmariyo mashiinka kadibna nambarka sirta ah galiyo.
Barclays ayaa ku tijaabinaysa habkan cusub ee lacagta loogala baxayo bangiga waqooyiga England 180 laamood inta aysan ku faafin waddanka 2017.

Waxaa jiri kara qatar ka imaan karta borogaraamka malware, ee lagu ogaado sirta kombutarada iyo mobileka inay dad kale ku xadaan numbarka sirta ah ee bangiga ee la galinayo taleefoonka" ayuu sheegay Dr Steven Murdoch, oo ku xeel dheer ammaanka internetka kana tirsan jaamacada University College London.
"Malware ayaa sidoo kale lagu soo qaadan karaa xogta taleefoonka ku jirta oo la galin karaa taleefoon kale lacagtana lagala bixi karaa.
"Barclays waxaa laga yabaa inuu ka hortagay arrintaas, ka hortagaas ayaa noqon kara mid aan ahayn ammaan buuxa ahayn"

Q/W: Mohamed nour
Xigasho BBC.com
in Badan si aqri...

Saturday, December 17, 2016

companykag Uber ayaa lagu amray inay joojiso tagaasida kaligood iswada ee San Francisco

0 comments

 Uber ayaa lagu amray inay joojiso adeega baabuurta kaligood iswada ee tagaasida ee magaalada San Farancisco, saacado kadib markii ay ka bilowday adeega.


Hayadaha California ee sharciyada gaadiidka ayaa u digtay shirkadda inay joojiso adeega, oo ay ogolaansho ka hesho gobolka ama ay la kulanto tallaabo sharci.
Uber ayaa bilowday inay macaamiisha siiso fursad ay ku doortaan baabuur iswada oo uu la socdo darawal markii ay dalbanayaan tagaasida.
Shirkadda ayaan ka jawaanbin arrintan markii la waydiiyay.
Intaan amarka la siin Uber, ayaa waxaa la arkay muuqaal la soo galiyay You Tube oo muujinaya baabuurta oo ka gudbaya nalka gaduudan ee baabuurta iyo dadka kala haga ee magaalada San Francisco.



Uber ayaa uga jawaabtay dhacdadan iyo mid kale oo la mid ah inay ahayd qalad bini'aadan oo ay baarayso wixii dhacay.
"Haddii Uber aysan xaqiijin inay joojinayso si dhaqso ah adeegan ay bilaabayso oo aysan qaadan ogolaansho shaqo, Wasaarada Gaadiidka inay qaadayso tallaabo sharci," ayay u qortay wasaarada shirkadda Uber shalay.
Hadal uu shalay qoray Anthony Levandowski, oo ah madaxa teknoolajiyada casriga ee Uber, ayuu ka hadlay in shirkadda ay u baahan tahay ogolaasho shaqo inay ka hesho gobolka baabuurteeda iswada iyo in kale.
"Waxaan aaminsanahay inaan u baahnayn," ayuu qoray, isagoo ku daray baabuurta Uber inay la socdaan darawal la wareegi kara baabuurta markii loo baahdo.
Q/W: Mohamed Nour
in Badan si aqri...

Shirkada Yahoo oo laga xaday 'Hal bilyan' oo macluumaad oo macaamiisheedu lahaayeen

0 comments

Yahoo waxey sheegtay in inkabadan hal bilyan oo qof cinwaanadooda ay saameysay weerar dhanka internet-ka ah oo barta shirkadda lagu qaaday sanadkii 2013kii.
Shirkadda waxey tilmaamtay in arrintan ay u muuqato inay socotay illaa bishii September ee 2014kii.
Xilligaasi Yahoo waxay sheegtey in 500 oo milyan oo qof in cinwaanadooda la jabsaday.

Shirkadda Yahoo waxey xaqiijisay in magacyo, lambaro telefoon, baasiwooro ama lambarada sirta, iyo cinwaanno in la xaday, balse aanan la xadin bangiyada ama farriimaha mushaaraadka ee dadkaa la dhacay.
Yahoo oo ay la wareegtay shirkadda Verizon, waxay sheegtay inay si dhow arrintan ugala shaqeynayso booliska iyo maamullada ay quseyso.

War-qoraaal ah ayay ku sheegtay "Waxaan aaminsan nahay in dadkale oo aan la garaneyn, bishii August ee 2013kii, ay xadeen akhbaaraadka in kabadan hal bilyan oo cinwaan".
Dhacaasi ayaa "la fahmaay 22-kii bishii September ee Sanadkan" sida shirkadda ay ku warrantay.
Sikastaba, dhac internet-ka ah ayaa qeyb ka ah hal arrin oo ay baarayaan maamulka iyo laamaha amniga kaas oo soo gaaray illaa 2014kii, sida yahoo ay sheegtay, waxayna arrintaasi socotay seddax sano.
dadka isticmaala Yahoo ayaa loogu baaqay inay bedelaan lambarada sirta ee cinwaanadooda.
Q/W: Mohamed Nour

in Badan si aqri...

Shirkadda Twitter ayaa adeegeeda ku soo kordhisay muuqaal toos ah oo ay macaamiishu ka samayn karaan twitter-app

0 comments

Twitter ayaa lagu soo daray adeeg muuqaal ah oo ay macaamiisha ay muuqaaladooda si toos ah kula wadaagi karaan dadka ku xiran, si la mid ah Facebook iyo YouTube.
Adeeggan cusub ayaa maalmaha soo socda ku shaqayn doono barmaanijyada Android iyo iOS.
Dadka qaar ayaa sheegaya in adeeggan horay looga heli jiray Periscope oo ay leedahay shirkadda Twitter.
Laakiin adeeggan lagu soo daray Twitter-ka ayaa kuu ogolaanaya in aad si toos ah muuqaal uga tabisid Twitter-app, haddii aad leedahay Periscope iyo haddaadan lahaynba.

Q/W: Mohamed Nour

Sawir

in Badan si aqri...

Sunday, December 4, 2016

Shirkadda telefonnada so Sarta ee Samaung ayaa Gebi ahaanba joojisay Galaxy Note 7

0 comments

Shirkadda soo saarta telefoonnada casriga ah ee Samsung, ayaa joojisay soo saarista taleefanada nooca Galaxy Note 7, kadib markii nooca cusub ee lagu badalay kuwii hore mar kale lagu arkay ciladdii batariga.
Sida ay daabacday wakaaladdaha wararka Reuters iyo Yonhap ee Koonfur Kuuriya, oo soo xiganaysay saraakiil ka tirsan shirkadda ayaa sheegay in shirkaddu hakisay samaynta telefoonnada Note 7.
Laba shirkadood oo kuwa isgaarsiinta ah oo laga leeyahay dalka Maraykanka iyo Australia ay joojiyeen iibinta iyo beddelaadda telefoonnada Note 7.
Shirkaddan Samsung ee laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya waxay hore u shaacisay inay suuqa ka saarayso telefoonnada noocan ah bishii Sebtember, waxay isla bishii borena macaamiisheeda u xaqiijisay in telefoonnada cilladii ku jirtay laga saaray oo iyadoon cabsi laga qabin la adeegsa karo.
Laakiin waxa soo baxayey warar door ah oo sheegayay in telefoonnadii la lahaa waa la hagaajiyay oo cabsi loogama qabo dadka macaamiisha ah inay dhib gaadhsiinayaan, in durba.
Q/W: Mohamed Nour

Sawiro:





in Badan si aqri...

XUSUUSIN! Alle ma ku Shukriday???

0 comments


1. Alle wuxuu ku siiyay 86,400 Ilbiriqsi maanta. Ma u isticmaashay mid ka mid ah inaad ku Shukrido.

2. Waxaan la murugoonaa haddii Ducadeena aan deg-deg u helin. Ka waran haddii Allah dambi kasta aan sameyno maalin kasta deg-deg noogu ciqaabi lahaa?
3. Waxaan ka cabanaa dhib yar oo na soo gaarta, taasoo aan gacmaheena ku shaqeysanay, waxaan hilmaanaa in dhib intaa ka weyn nagu dhici lahaa balse naxariista Alle darteed nalooga baajiyay.

4. Iminka oo aad neefsatay adigoo caafimaad qaba, qof ayaa qaatay neeftiisi u dambeysay oo dunida ka tagay

5. Haddii aad saaka hurdada ka toostay adigoo nabad qaba, hadaa u heysato in Alarm clock ku kicisay bal ag dhig meyd in ay kiciso! kolkaa ayaad ogaaneysaa in naxariista Alle aad ku toostay

6. Haddii aad aqrin karto qoraalkan, waxaad ka nasiib badan tahay malaayiinka aan Indha lahayn, kuwa aan wax aqriska aqoon & kuwa aan iftiin koronto heysan oo mugdiga ku nool.

Lama soo koobi karo Nimcooyinka Allah.
Si kastoo xaalku yahay, had & Jeer, u mahad-naq Alle.
 Umad maalin keliya Mahadcelisa, waxaan nahay dad xilli kasta ku Xamdi-naqa Rabigood.
Allahu Akbar.

Dheh: Alxamdulilaah

Q/W: Mohamed Nour
in Badan si aqri...

Wax ka Baro Awoodaha Cajiibka Ah Ee Allah (SW) Ku Mannaystay Xayawaanka Qaar

0 comments

Noolaha waxa uu Alle (SWT) ku kala duway maskaxda oo uu si gaar ah Aadamaha uga faddilay noolaha kale oo dhan. In kasta oo aanu xayawaanku garaad lahayn, haddana waxa uu Alle siiyey awoodo badan oo ka kaba nusqaantaas, qaar badan oo ka mid ahna aanu aadamuhu lahayn. Awoodahaas xikmadaha Rabbaaniga ah ee ku jiraa waa in xayawaankani uu yeesho awood uu kula qabsan karo deegaanka iyo hadba duruufaha uu la nool yahay. Qormadan oo aynu usoo rognay af Somali waxaa aynu ku eegaynaa qaar ka mid a hawoodahaas xayawaanka uu Alle ku xoojiyey.

1 . Hombarada (Dolphin):

Xayawaanka Hombarada ee bad ku noosha ahi waxa uu awood abuur ah u leeyahay in marka uu seexanayo ay maskaxdiisu qayb ahaan uun seexato, halka qaybta kalana ay soo jeeddo, sidoo kale labadiisa indhood midkood waa uu xidhaa, isha kalana kala badh ahaan ay furantay. Arrintaas oo ay khubaradu ku tilmaameen in ay tahay hab uu xayawaankani kula socdo waxa hareerihiisa ka socda iyo haddii uu cadow ku soo fool leeyahay.

Sidoo kale Hombaradu waxa ay awood abuur ah u leedahay in marka ay khatari jirtu ay isu diraan ishaarooyin ah farriimo la is farayo in biyaha ay dibadda uga soo baxaan oo ay hawada qaataan, si ay isaga ilaaliyaan qaraqa.

2. Qudhaanjada:



 oo ah xayawaan aad u taagdaran, balse leh awoodo ay ugu muhiimsan tahay in ay leedahay hab maamul dowladnimo u eeg oo kala dambayn iyo amar kala qaadasho ku jirto, isla markaana leh hab nololeed isu dheelli tiran oo ay u qaybsan tahay maamul, shaqaale iyo raciyad.

Qudhaanjadu caadi ahaan ma’ seexato sida in badan oo noolaha ka mid ahi habeenkii seexdo. Khubarada xayawaanka u kuur galaa waxa ay sheegeen in qudhaanjadu ay boqollaal jeer oo maalintii ah hadba waqti aad u yar yara suurto ama dhakoosho, taasina ay kabto hurdo la’aanteeda aanay abuur ahaan seexan waqti buuxa.

3. Jeer:


 Jeerta oo ah xayawaan berri-biyood aad u xoog badani waxa ay leedahay awood Rabbaani ah oo jidhkeedu uu ku soo daayo dareere shaqadiisu tahay in uu qaboojio, ka ilaaliyo qallaylka (qoyaan u sameeyo), liddi ku ah cudur-sidayaasha iyo fayrasyada kala duwan isla markaana qorraxda ka ilaaliya.

4. Balan-baalista:


 Balan-baalista oo sida aynu la soconno ka mid ah xayawaannada kuwa taagta daran, ayaa leh awood abuur ah oo ay nolosheeda ku ilaaliso. Waxa ay awood u leedahay in ay dhadhamiso shay kasta iyada oo aan cunin jidhkeedana aanu gelin.

5. Biciidka:

 Sida ay xaqiijiyeen khubarada baadhaha dabeecadaha iyo nolosha xayawaanku, xayawaanka Biciidka la yidhaahdaa xilliga jiilaalkii waxa uu wax ka beddelaa midabka dabiiciga ah ee maqaarkiisa sare, waxa aanu u ku badiyaa caddaanka, taas oo ay khubaradu ku macneeyeen in midabkaasi uu iska caabbiyo falladhaha qorraxda, taanina ay tahay hab abuur ah oo Alle ugu talogalay in xayawaankani xilliga xagaagii kulaylka badan ee qorraxda kaga raysto.
Sidoo kale Biciidku xilliga jiilaalkii midabkiisa waxa uu u beddelaa midabka dambaska oo uu ku dhex qasan yahay midab bunni ahi, taas oo iyaduna ah hab kale oo uu ugu adkaysan karo qabowga xilligaas.

6.Tukaha:


Tukuhu waxa uu leeyahay awood Rabbaani ah oo uu ku xasuusan karo wejiga qofka khatarta geliya noloshiisa. Tukuhu waxa uu ka mid yahay xayawaannada ay khubaradu isku waafaqsan yihiin garaad badnaantiisa, gaar ahaan marka la eego dhinaca hawlqabadkiisa, ilaalinta ammaankiisa iyo guud ahaanba maamulidda hab-nololeedkiisa oo dhan. Waxa ay khubaradu tilmaameen in tukuhu awoodo in uu qabto hawlo maskax badan u baahan oo aanu daanyeerka oo qudhiisa garaad badnaan lagu tilmaamaa qaban karin.

Xigasho: daryeelmagazine.com
in Badan si aqri...

Baro Habka ugu Fiican wax Akhriska

0 comments


Hordhac:

Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro.Waa quudka maskaxda. Waa dhex mushaaxa caqliyada dadka, waana nolol kale oo dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay.

Akhrisku bulshooyinka feejigan, mustaqbalkana abdo ka qaba, wuxu uga dhiganyahay, baahiyaha lagama maarmaanka ah, sida: cunista iyo cabista, ma qofbaa noolaan kara cunto iyo cabbis la’aan? Sidaas oo kale akhris la’aantuna waa xaalad taas la mid ah. Bulshooyinka aan dareemin qiimaha akhrisku leeyahay, ubadkooda aan ku ababin, waxyaalihii fududaynlahaana aan samayn, noloshooda ayey ka muuqataa, waxaaba la odhan karaa bulshada aan waxba akhriyini maba noola! Weedhsan.com.



Bulshadeennu waxay ka mid tahay, dadyowga aan dhaadanayn qiimaha aqoonta, aqoonyahan iyo caamaba arrintaa waa laga siman yahay, iyadoo ay sidaa ahayd baa maantana farsamooyinka casriga ah, iyo warbaahintu hoos u sii dhigtay akhriskii, waxase jira dad kooban oo akhriska ku howlan, karaankoodna dadaalaya, iyagoo aan haysani waxyaabihii akhriska ku badhitaari lahaa. Ma jiraan maktabado caam ah oo wax lagu akhristaa, mana jiraan dukaanno buugaag tayo leh iibiyaa, waxa kale oo yar ama aan jirinba, naadiyo akhris iyo xarumo aqoon-baadhiseed oo tayo leh.

Duruufahaas jira iyo kuwo kaleba inta wax akhridana, waxba masoo dhaafaan, oo dheeftoodu way yartahay, waa ayaan darro in qofku isagoo waxbadan akhriyey haddana aanu wax isbeddel ah ku keenin, hab fikirkiisa, akhlaaqdiisa, iyo hawl qabadkiisa toona, sirta akhrisku kuma jirto buugaag badan oo uu qofku akhriyo, waase abdada uu akhriska ka helo, bal u fiirso odhaahdan: “Saddex buug oo wanaagsan inaad akhrido, waxa ka fiican, inaad halbuug oo wanaagsan saddex jeer akhrido” Caqaad.

Suurogal maaha in aynu wax u akhrino, waan akhriyey, waxna u baranno, xarumaha aqoontana ugu noqnoqonno, si aynu u helno shahaadooyin, sidoo kale maangal maaha inaynu sidanno halkudhegyo aqooneed (aqoonyahan, wadaad, digtoor, barafisoor) oo aan waxba inooga hoosayn.

Si akhriskeennu abdo u yeesho, bal aynu waydiimahan dul istaagno.

Maxaynu wax u akhrinaa? Maxaynu akhrinaa? Sidaynu u akhrinaa?
Maxaynu waxa u akhrinaa?

Akhrisku waa noocyo badan yahay, dadkuna siyaalo kala geddisan bay akhriska u doorbidaan, in badan bay dhacdaa dadka qaar inay wax akhriyaan iyagoon wax ujeeddo ahba ka lahayn. Dhowrkan arrimoodbaase ugu badan ujeeddooyinka akhriska laga leeyahay:-

· Madadaalo: Dad badan baa wax u akhrista inay ku maararoobaan, waqtiga ay firaaqada leeyihiinna jecel inay buugta ku qaataan, akhriska madadaalaysani inta badan raandhiis ma yeesho, aqoon badanna lagama korodhsado, waxaaba suurtowda, qofku marka uu buugga dhammeeyo in aanu xasuusan magaca qoraha, iyo cinwaanka buugga.

· Xograadin: Qaybta ugu badan ee dadku waxay wax u akhriyaan baadigoobka xog ay u baahan yihiin, dhowr siyoodbaana qofku inuu xog helo ugu baahnaan karaa, mar aqoon ahaan buu ugu baahanyahay, mar shaqadiisa ayaa ku xidhan, marar kalena faduul baabu u raadiyaa xogta.

· Balaadhinta garaadka iyo fahmada: akhriska ujeedkiisu sidan yahay waa kan ugu hawl badan akhris oo dhan, wuxu u baahan yahay, dadaal dheeraad ah sidii aad u soo dhambalid lahayd, aqoonta aad akhriyeyso, naqdin ugu samayn lahayd, u soo koobi lahayd, una gudbin lahayd. Sidaa darteed qofka waan inaad doorataa waxa aad akhriyeyso.

Maxaynu akhrinaa?

Waxa jira dad maalin iyo habeenba wax akhriya, kuna indha madoobaaday, wararka ciyaaraha, ama siyaasadda, waqtiga badan ee la geliyeyna waxtar maskaxeed oo kaga soo noqda daayee, isku buuq iyo walbahaar ka qaada. Ujeeddadu maaha yaan la akhriyin, waxayse tahay, ma u qalmaan waqtiga aynu gelinno?

Aqoontu maanta way is kaabtaa, oo qof walba waxa la gudboon inuu meelo badan wax ka eego, mawduucyo dhowr ahna milicsado, isagoo mudnaan siinaya arrimahan soo socda:-

· Aqoonta Diinka: Si aqoontaadu u dheellitiranto, waa muhiim inaad akhrido diinta, fahamto kuna dhaqanto, Qur’aanka, Xadiiska, iyo culuumta shareecada oo dhan, waxay kaaga baahanyihiin, inaad joogtayso akhrintooda, si aad uga badbaado inaad wax aan diin ahayn, diin u mooddo, ama diinta wax ka mid ah inaad ismoodsiiso, in aanu ka mid ahay, waxaad kaloo ka bedqabi doontaa, ku dayashada indhaha la’.

· Akhri takhasuskaaga: Waa cilmi dhegood haddii inta laguu dhigay uun aad ku eekaato, waa muuhim aqoontaada inaad ballaadhiso, waxyabaha laga qoray baadigoobto, aragtiyaha kala geddisan isu minguuriso, mar walbana cusboonaysiin la dabajoogto.

· Milicsiga Sooyaalka: Akhriska sooyaalku waa u mihiim qofkii raba aqoontiisu inay meel marto, adigoo siday u kala mudanyihiin siinaya, akhri sooyaalka dalkaaga iyo bulshadaada iyo dunida kaleba.

· Aragtida kale: dunida loollan fikir baa ka jira,qolo walibana waxay rabtaa in aragtideedu meel marto, tan kalena hilfaha ay u laabaan, xilbaa kaa saaran ummadda aad aqoonyahanka u tahay, inaad fikradaha duullaanka ku ah, gaashaan uga noqoto, meelaha la soo qariyey, daaha ka faydo, caddaymaha ay aragtidooda ku ayidayaanna burburiso, taasina kuu soo geli mayso, haddaanad akhriyin oo baadhin aragtiyaha kugu liddiga ah.

Inahaasi waa kuwa aan u arkay muhiim, way jiraan dhinacyo badan oo kale oo aanan tilmaamini. Mawduucyadaa kala duwan si aad kansho ugu hesho waa in uu jiraa manhaj akhris oo aad raacdaa. Weedhsan.com.

Sidaynu wax u akhrinaa?

Mar haddaynu isla garannay in waxa la akhriyayaa, kala jaad yihiin, mid waliban u baahanyahay inaad waqti ku filan siiso, waxa lagama maarmaan ah in qofku yeesho, qorshe balaadhan oo akhris, oo weliba isaga u gaara, duruufihiisa dhaqaale, waqti iyo nololeed ee uu haystana ku habboon.

Qodobbadani waa kuwa ugu muhiimsan ee kugu hagi kara akhris caqiibo leh.

Qorshe akhris: Hakuu diyaarsanaadaan mar walba waxa aad akhriyeysaa, qorshahaaga, waxaad ka dhigi kartaa, todobaadle, bille, ama sanadle.

Waqti go’an: Akhriskaagu ha lahaado waqti sugan oo aanad howl kale qaban, haba yaraado waqtigaasiye, waa inuu joogto noqdaa.

Diiwaangeli aqoonta: Mar kastoo akhriskaagu kordhaba aqoon cusub baad helaysaa, irrid horlihina way kuu furmaysaa, aad bay kuu anfacaysaa inaad si nidaamsan u diiwaangeliso waxii faa’iido ah ee kaa soo hor baxa.

Maktabad samayso: qof kastoo akhriska u heellani, buugaagta waa inuu kaydsadaa, dhaqaalihiisana in macquul ah uga qoondeeyaa buug iibsiga, iyadoo maanka lagu hayo, duruufaha jira, bahda akhrisku buugta ha kala ergisteen, aad bay u sii wanaagsanayd, qofkii buug qaali ah iibsadaa, marka uu si wacan u akhristo, haddii uu dib u iibiyo isagoo qiimihii laga siiyey kala badh ka dhigay.

Aqoonta gudbi: Aqoonta aad akhriday haddii waxba looga aayi waayo, dadkuna ka qatanaadaan, haan gun la’ baad tahay, markasta ku dadaal inaad wixii kaaga bidhaama dadka la wadaagto. Qoraal baad ku gudbin kartaa, hadal baad ku gudbin kartaa, dood baad ku gudbin kartaa.

Akhris wadaag: horaa loo yidhi: far keli ahi fool ma dhaqdo. Akhriste kasta waxa la gudboon inuu yeesho jaalle akhris, laba qof ama wax ka badan, oo hadba wixii ay akhriyaan falanqeeya, ka dooda,dhuuxa, aragtiyana ka soo dhiraandhiriya.

Gebogabadii akhristuhu waa laba mid uun, mid waxa uu akhriyayo, isu dhiiba, sida midhaha daraygana duuduub ugu liqa; Iyo mid waxa uu akhriyayo rogroga dhinacyo badanna ka eega, naqdiya, gorfeeya, faham guudna ka qaaata qoraagana dood joogto ah kula jira. Weedhsan.com. Akhrisku u dhabaradayg iyo feejignaan badan buu kaaga baahayahay, adkaysigu wehelkaaga ha noqdo.
Q/W: Mohamed Nour

in Badan si aqri...