Saturday, December 17, 2016

companykag Uber ayaa lagu amray inay joojiso tagaasida kaligood iswada ee San Francisco


 Uber ayaa lagu amray inay joojiso adeega baabuurta kaligood iswada ee tagaasida ee magaalada San Farancisco, saacado kadib markii ay ka bilowday adeega.


Hayadaha California ee sharciyada gaadiidka ayaa u digtay shirkadda inay joojiso adeega, oo ay ogolaansho ka hesho gobolka ama ay la kulanto tallaabo sharci.
Uber ayaa bilowday inay macaamiisha siiso fursad ay ku doortaan baabuur iswada oo uu la socdo darawal markii ay dalbanayaan tagaasida.
Shirkadda ayaan ka jawaanbin arrintan markii la waydiiyay.
Intaan amarka la siin Uber, ayaa waxaa la arkay muuqaal la soo galiyay You Tube oo muujinaya baabuurta oo ka gudbaya nalka gaduudan ee baabuurta iyo dadka kala haga ee magaalada San Francisco.



Uber ayaa uga jawaabtay dhacdadan iyo mid kale oo la mid ah inay ahayd qalad bini'aadan oo ay baarayso wixii dhacay.
"Haddii Uber aysan xaqiijin inay joojinayso si dhaqso ah adeegan ay bilaabayso oo aysan qaadan ogolaansho shaqo, Wasaarada Gaadiidka inay qaadayso tallaabo sharci," ayay u qortay wasaarada shirkadda Uber shalay.
Hadal uu shalay qoray Anthony Levandowski, oo ah madaxa teknoolajiyada casriga ee Uber, ayuu ka hadlay in shirkadda ay u baahan tahay ogolaasho shaqo inay ka hesho gobolka baabuurteeda iswada iyo in kale.
"Waxaan aaminsanahay inaan u baahnayn," ayuu qoray, isagoo ku daray baabuurta Uber inay la socdaan darawal la wareegi kara baabuurta markii loo baahdo.
Q/W: Mohamed Nour
Share this article :

0 comments: