Sunday, December 18, 2016

Shirkada Barclays oo tijaabinaya app teleefoon oo lagu baxsado lacagta bangiga




Barclays ayaa tijaabinaysa mashiinada lacagta bangiga oo u ogolaanaya macaamiisha in lacag ay la baxaan iyagoo isticmaalaya taleefoonka smartphone-ka.
Adeegan aya lagu samayn karaa oo kaliya teleefoonada leh Android, oo lacagta lagula soo bixi karo iyadoo fariin u diraysa mashiinada lacagta ee NFC.
Bangiga ayaa ku talinaya in adeegan uu ka aaminsan yahay kaarka mashiinka la galinayo, iyadoo ka hortagaysa in kaarkaaga sawir laga qaato.
Laakiin qof ku xeel dheer ammaanka bangiga ayaa sheegay in wali ay jirto qatar.
Barclays ma aha bangiga ugu horeeya ee u ogolaada macaamiisha inay lacagta la baxaan iyagoo isticmaalin kaararkooda.
Barclays ayaa doonaya inuu fududeeyo habkan, isagoo u ogolaanaya qofka akoonka ama xisaabta ay u furan tahay inuu dulmariyo taleefoonka mashiinka, kadibna uu galiyo numbarka sirta ah.
Sidoo kale, lacag ayuu qofka la bixi karaa haduu kaarkiisa dulmariyo mashiinka kadibna nambarka sirta ah galiyo.
Barclays ayaa ku tijaabinaysa habkan cusub ee lacagta loogala baxayo bangiga waqooyiga England 180 laamood inta aysan ku faafin waddanka 2017.

Waxaa jiri kara qatar ka imaan karta borogaraamka malware, ee lagu ogaado sirta kombutarada iyo mobileka inay dad kale ku xadaan numbarka sirta ah ee bangiga ee la galinayo taleefoonka" ayuu sheegay Dr Steven Murdoch, oo ku xeel dheer ammaanka internetka kana tirsan jaamacada University College London.
"Malware ayaa sidoo kale lagu soo qaadan karaa xogta taleefoonka ku jirta oo la galin karaa taleefoon kale lacagtana lagala bixi karaa.
"Barclays waxaa laga yabaa inuu ka hortagay arrintaas, ka hortagaas ayaa noqon kara mid aan ahayn ammaan buuxa ahayn"

Q/W: Mohamed nour
Xigasho BBC.com
Share this article :

0 comments: