Sunday, December 4, 2016

Shirkadda telefonnada so Sarta ee Samaung ayaa Gebi ahaanba joojisay Galaxy Note 7


Shirkadda soo saarta telefoonnada casriga ah ee Samsung, ayaa joojisay soo saarista taleefanada nooca Galaxy Note 7, kadib markii nooca cusub ee lagu badalay kuwii hore mar kale lagu arkay ciladdii batariga.
Sida ay daabacday wakaaladdaha wararka Reuters iyo Yonhap ee Koonfur Kuuriya, oo soo xiganaysay saraakiil ka tirsan shirkadda ayaa sheegay in shirkaddu hakisay samaynta telefoonnada Note 7.
Laba shirkadood oo kuwa isgaarsiinta ah oo laga leeyahay dalka Maraykanka iyo Australia ay joojiyeen iibinta iyo beddelaadda telefoonnada Note 7.
Shirkaddan Samsung ee laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya waxay hore u shaacisay inay suuqa ka saarayso telefoonnada noocan ah bishii Sebtember, waxay isla bishii borena macaamiisheeda u xaqiijisay in telefoonnada cilladii ku jirtay laga saaray oo iyadoon cabsi laga qabin la adeegsa karo.
Laakiin waxa soo baxayey warar door ah oo sheegayay in telefoonnadii la lahaa waa la hagaajiyay oo cabsi loogama qabo dadka macaamiisha ah inay dhib gaadhsiinayaan, in durba.
Q/W: Mohamed Nour

Sawiro:





Share this article :

0 comments: