Sunday, December 18, 2016

Xalad Caafimad Ee Dumarka ilmaha lagu qalo oo laga deyriyey


Saynisyahanno ayaa sheegaya in joogteynta qallinka dumarka lagu sameeyo marka ay dhalayaan uu cawaaqib ku yeelanayo horumarka uu jirka bani aadmigu sameeyo.
Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan makaanka si habboon uga soo bixi karin, maaddaama miskaha hooyada ay ciriiri yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixdameeyadii, ilaa 36 kunkiiba wakhti xaadirkan.



Su'aasha ay saynisyahannadu is weydiinayeen muddo dheer ayaa ah sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le'eg u korin. Arrintaas ayaa lala xiriirinayaa ayadoo hooyooyinku ay hidde-sidayaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay dhalaan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena carruurta dhalata marba marka ka dambaysa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafimaad qaba.
Is le'ekaansho la'aantaas ayaa la leeyahay waxay sababtaa in dumarka qaar ay door bidaan in ilmaha lagu qalo ayagoo ka cabsi qaba inay umul raacdaan, oo ilmuhuna ku dilmaan.
Laakin cilmi baareyaal ku sugan jaamacadda Vienna waxay ka dardaar werinayaan in xaaladdu haddii ay sidas ku sii socoto ay yaraan doonto tirada dumarka sida caadiga ah u foosha.
W/Q: Muno ali

Share this article :

0 comments: